Golaha Dhalinyarada USRP Oo Qadobo Xasaasi Ah Ka Soo Saaray Shir Ugu Soo Gaba Gaboobay Muqdisho

Muqdisho- (Berberanews)- Shir socday mudo dhowr bilood ah magaalada Muqdisho ugu socday Gudoonka iyo Xubnaha fulinta Ururka Dhalinyarada USRP  ayaa manta la soo gabagabeeyay iyadoona ay ka soo baxeen go’aano kala duwan oo intooda badan ka hadlaya xaaladaha wadanka Soomaaliya iyo khilaafka madaxda sare ee dowlada KMS iyo doorka Beesha Caalamka ay ku leedahay arrimaha dalka ka jira.
Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada USRP Max’ed Axmed Salaad (M-Yare) oo warbaahinta Muqdisho shir Saxaafadeed u qabtay ayaa waxa uu ka warbixiyay shir golahooda mudaba uga socda gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba qodobadi ka soo baxay shirkaasi.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay in qeybihii ka qeyb galay kulankoodii ay dhamaanba si weyn u lafa gureen Ajandooyinkii ay kaga doodayeen shirka, isla markaana ay ka soo baxay qodo badaan hoose:
1-      USRP Golaha Dhalinyarada waxa aad uga xunyihiin xaalada cakiran ee wali ka aloosan dalka iyo waliba dhibaatooyinka muga leh iyo halista muuqata ee ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed.
2-      Goluhu waxa uu nasiib daro u arkaa qilaafaadka u dhaxeya laba Shariif, taasi oo lagu macneen karo Siyaasad qalafsan oo lagu sii murjinayo xaalada Dalka.
3-      Goluhu waxa uu soo dhaweenayaa dadaalada Qaramada Midoobay ay ugu jirto xal u raadinta wadanka Soomaaliya iyo sidii dowlada loo dhan yahay ay ugu dhisi laheed, hayeeshee QM waxay ay xalka dalka u martaa wadiiqooyin aan loo baahneen iyo dad aan matali karin Umadda Soomaaliyeed.
4-      USRP waxa uu aad ula yaabaa o su’aan ku ah, waxaa mar waliba la sheegaa dowladaha taageera Soomaaliya ee maxay tahay sababta la isaga indha tirayo dowladaha u taagan hurinta colaadaha dalkeena Soomaaliyeed, waa arin is weydiin mudan?
5-      Waxaan u jeedineyna UN-ka in ay garwaaqsadaan in xalka Soomaaliya loo daayo dadka Soomaaliya oo ay geed ku afmeeraan isfahandarada mugdiga galisay masiirka umada Soomaaliyeed.
6-      Ugu danmbeyntii, Golaha Dhalinyarada USRP waxa ay qaadi doonaan talaabooyin muuqda iyo diblumaasiyadeed ,taasi oo gacan ka geesan karta arimo dhowr ah oo ka tarjumaya waxa danta u ah Shacabka Soomaaliyeed Dalkooda  Diintooda , iyo Dadnimadooda intaba
Si kataba ha ahaatee, Golaha Dhalinyarada USRP waxa uu ka mid yahay ururo dhowr ah oo ka jira dalka, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan uga hadla arrimaha wadanka Soomaaliya.
 
Abdifatah Ahmed
Editor www.xogta.com
Email: abdifitahaam@hotmail.com