Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka warbixiyey kulan uu la yeeshay Meles Zenawi

Hargeysa(BERBERANEWS)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo dhawaanahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, ayaa ka warbixiyey kulammo kala duwan oo ay isaga iyo Weftiga uu hoggaaminayaa la yeesheen Madaxda dawladda Itoobiya iyo Xisbiga talada dalkaa haya, madaxdaas oo uu ugu sarreyey Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi oo Guddoomiye ka ah Xisbiga Itoobiya hoggaamiya.
Md Muuse Biixi Cabdi oo caawa u warramay Horn cable TV , ayaa sheegay inay martiqaad rasmiya ka heleen xisbiga muxaafidka ah EBRDF oo ku casuumay munaasibadii lagu xusayay sanad guuradii labaatana ee ka soo wareegtay markii xisbiga EBRDF ee Meles Zenawi u hogaamiyo ay la wareegeen talada dalka Itoobiya.
Md Muuse Biixi Cabdi oo arrinta ka waramaya wuxuu yidhi “Socdaalkaygu wuxuu ah martiqaad aanu ka helay xisbiga talada dalka xukuma ee EBRDF, oo xisbig xaakimka Somaliland xukuma ku casuumay sanadguuradooda labaatanad oo ay u dabaldegayaan imika. Ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi
Mar wax laga weydiiyey cidda ay la kulmeen ayuu Guddoomiyuhu ku jawaabay; “Waxaamnu la kulannay muddada dhawrka cisho ah ee aanu joognay Guddida fulinta ee Xisbiga EBRDF oo dhan iyo Xoghayaha degaanka. Waxa kale oo aannu la kulannay Guddoomiyaha Xisbiga EBRDF Meles Zenawi, isla markaana ah Ra’iisal Wasaaraha dawladda Itoobiya. Waxaannu la kulannay oo kale xubno dawladda federalka ka tirsan.”
Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Somaliland haya ee KULMIYE, waxa uu sheegay in Dalxiis ahaan lagu soo mariyey, isla markaana ay soo daawadeen Deegaanno kala duwan oo ka mid ah waddanka Itoobiya. “Waxa kale oo dalxiis naloo geeyey si aannu u soo daawanno gobollada koonfureed ee dalka Itoobiya.” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi.