Jewigii uu ku furmay Kal-fadhiga 44-aad ee Golaha Guurtida Somaliland iyo Qodobbada Xasaasiga ah ee ku jira Ajandaha



Hargeysa(Berberanews)- Kalfadhigii 44aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta si rasmiya u furmay, kadib markii ay Mudanayaashu soo dhamaysteen fasax laba qaatay oo ay ku maqnaayeen. Waxaanu jewiga kalfadhigan lagu furay ahaa mid ka duwan sidii la filayey inuu ku bilaabmo.
 
Kalfadhiga 44aad ee Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa waxa ka soo xaadiray 48 Mudane, waxaana Shir guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guurtida, Sh. Axmed Sh Nuux Furre, oo Mudanayaasha u sheegay in Kooramka Goluhu uu buuxo, isla markaana uu furan yahay Kalfadhigii 44aad ee Golaha Guurtida Somaliland. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Sh Axmed Sh Nuux Furre waxa kale oo uu Mudanayaasha u sheegay in Maalinta beriya loo qaybin doono Ajandaha kalfadhiga 44aad.
 
“Mudanayaal Kooramku wuu inoo buuxaa, Kalfadhiga 44aad ee Golaha Guurtiduna wuu inoo furan yahay, waxaanse idinla socodsiinayaa in Maalinta beriya la idin qaybin doono Ajandaha Kalfadhiga 44aad ee Golaha Guurtida Somaliland, waana la idin horkeenayaa wixii aad doontaana waydun ka reebi, wixii laga tagi waayana waa lagu dari, fadhiguna wuu inoo xidhan yahay Mudanayaal, waanad Mahadsan tihiin.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somalialand.
 
Kalfadhiga 44-aad ee Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxa uu ku furmay Jewi deggan, inkastoo aad Mudanayaasha ka dareemayso Guux hoose, kaasoo ay si hoose isku waydiinayaan qodobada ugu soo horeeya Ajandaha la horkeeni doono, iyadoo waliba intii lagu gudo jiray Fadhigana ay dhawr Mudane Guddoomiyaha waydiiyeen Xeerkii Isgaadhsiintu ma ku jiraa Ajandaha kalfadhiga.
 
Balse, Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Sheekh Axmed Nuux, wuxuu ku jawaabay oo yidhi; “Mudanayaal Bishu hortiina ayey iman doontaa, Ajandaha berito ayaa la idin siinayaa, waxna waad ku kordhinaysaan wixii aad garan-waydaana waydun ka raabi doontaa.”
 
Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Somaliland Maxamed Xirsi Oomane ayaa isla maanta fadhigaa ku dhaariyey laba Xildhibaan ku soo biiray Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, kadib markii ay geeriyoodeen xildhibaano ka tirsana goluhu. Guurtidu.Labadan Xildhibaan ayaa magacyadoodu kala yihiin Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan, kuwaasoo wixii hadda ka dambeeya ka mid noqon doona Mudanayaasha Golaha Guurtida.
 
Berberanews.com
 
Hargeysa/Somaliland.