Guddoomiyaha Shirkadda Gulf Petrolium Oo Sheegay Inaanay Shirkaddoodu Ruqsad U Qaadan Gacan-ku-haynta Haamaha Shiidaalka Berbera

Hargaysa (Berberanews)- Guddoomiyaha shirkadda Gulf Petrolium Guuleed Jaamac Faarax ayaa sheegay in ay shixnaddii ugu horaysay ee shidaal ah ay keeni doonaan dalka bisha todobaad ee fooda inagu soo haysa.
Guddoomiyaha shirkadda Gulf Petrolium oo u waramayay shabakada Somaliland.org waxa uu sheegay in ujeedada shirkaddooda loo asaasay aanay ahayn maamulka iyo gacan ku haynta Haamaha shidaalka Berbera, balse ay tahay sidii ay dalka uga saari lahaayeen baahida shidaal xumo ee ka tagaan, isla markaana ay keeni doonaan shidaal tayo fiican leh oo qiimo jaban.
“Runtii shirkadani waa shirkad ka jirta dalalka Khaliijka Carabta, laakiin dalkeena ku cusub, waana shirkad caalamiya oo dunida inteeda kale ka shaqaysa, aadna looga yaqaano, waxaanay shirkadani xarumo waaweyn ku leedahay oo bayskeedu yahay wadanka Imaaraadka iyo khaliijka Carabta oo dhan, waxaanay shirkadani adeega ay bulsho waynta caalamka u hayso gaysaa badhtamah iyo Bariga Africa iyo sidoo kale qaar ka mida dalalka Eeshiya.” Ayuu yidhi Mr. Guuleed Jaamac Faarax, isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaa raaciyay “Markaa hada shirkadani Gulf Petroluem way ku cusub tahay wadanka Jamhuuriyada Somaliland, sidaa awgeed sabaabta keentay halkan waxaa weeye baahiyaha shidaal xumo ee wadanka taal markaa hadaan si kooban u sheego shirkadu waa shirkadaa Emaratiga ah runtiina ah shirkad aad u balaadhan, kana mid ah kuwa looga danbeeyo soo saarista iyo keenida shidaalada, markaa hadii aan ku balaadhiyo ujeedada iyo qorshahayagu halka uu ku jahaysan yahay waxaa weeye in aanu keeno dalka ama aanu shidaalka iyo waxyaabaha la midka ah taas oo aanu ku hanwaynahay in aanu shidaalkayaga u horeeya keeno dalka bisha July ee sanadkan aynu ku jirno sidaa daraadeed waxaanu ku rajo waynahay in aanu dadwaynahayaga ka haqab tirno shidaalka kana saari doono baahida shidaal xumo ee ka jirta wadanka.
Hadaba waxaanu doonaynaa in aanu tartanka ku galno oo aanu ku sooryayno kuna soo dhawano in aanu u keeno adeegyo leh oo fiican isla markaasina aanu kaga iibin doono qiimo jaban oo raali galiya, kuwaas oo aanu waliba ku salayn-doono baahida iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin bulshadayadu, ayada oo aynu wadan ogsoonahay halka uu marayo wakhtigan xaadirka ah qiimaha shidaalka ee dunidu taas oo ah meel xaasxaasiya markaa anagu shirkad ahaan kama shidaal qadan doono sixirka qaaliga ah ee dunida laakin waxaan ku salaynayn doona awooda dhaqaale ee mushtamacayaga, taas oo aanu kaga iibin doono qiimaha ugu macquulsan ee qof binu-aadam wax lagaga iibiyo,
Runahaantii imika waxaanu dalka oo dhan ka samaynay dhamaan xafiisyadii ay ku hawl galysay ama ku shaqaynaysay shirkadu `kuwaas oo imika intoodii badnayd aanu furnay sida xafiiska Berbera, Burco, iyo ka Boorama oo aanu ku rajo waynahay in aanu todobaadkan xadhiga ka jarno.”
Guddoomiyaha shirkadda Gulf Petroleum Guuleed Jaamac Faarax oo aanu wax ka waydiinay nooca tayada shidaalka ay keeni doonaan maadaama oo shidaalka hadda dalka la keenaa uu yahay mid tayaddiisu liidato oo dadku ka cawdaan waxa uu ku jawaabay, “Runtii sida ay bulshaduba ka marag kacayso dalka waxaa yimaada shidaal xun oo wasakhaysan dadka gaadiidlayaashuna ay khaatiyaan ka taagan yihiin markaa anaga shirkadayada Gulf Petroleum waxa ay bulshadeeda sharafta leh u balan qaadayaan laba arimood oo kala ah,
1) Waxa ay shirkadayadu Gulf Petroleum u balan qaadaysaa bulshadayada in aanu u keeno shidaal tayo leh oo nadiifa oo ah ka ugu wanaagsan ee lagu isticmaalo dunida .
2) In aanu kaga iibino qiimaha ugu macquulsan ee bulshadayadu awoodi karto iyaguna ay raali ka yihiin. Labadaa arimood ayaanu anagu u balan qaadaynaa shacabwaynahayaga anaga oo runtii aminsan in ay yihiin laba arimood oo muhiim ah oo ay nagu ixtiraami doonaan umadayadu.”
“Waxaan doonayaa in aan ummada reer Somaliland u iftiimiyo xukumadda waanu ka qaadanay Ruqsadda ogolaanshaha keenista shidaalka ee soo dajinta wadanka.(14/5/2011 kii) markay taariikhdu ahayd ayaanu qaadanay liisanka soo waarididda shidaalka, waxa kale oo aan doonayaa inaan dadka u iftiimiyo in aanaan ahayn anagu kuwo doonaya inay la wareegaan maamulka iyo gacan ku haynta HAAMAHA shidaalka, sida ay dadka qaar leeyihiin waxa aad tihiin shirkadda lagu badalay Total, markaa waxaan leeyahay waar waxaanu ka mid nahay shirkaddaha ku tartamaya keenista shidaalka waxaanay ahmiyaddayada ugu wayni tahay inaanu dalkayaga iyo dadkayagaba u keeno shidaal tayo leh kaas oo sida sharcigu dhigayo aanu ku soo dajin doono Hssmaha shidaalka ee magaaladda Berbera, maadaama ay xukumaddu na siisay ruqsadii lagu soo dajinayey shidaalka waxa kaloo aanu soo dhammaysanay wixii qawaaniin ahaa ee nagaga xidhnaa dawladda Somaliland. Insha ALLAH waxaanu ku rajo waynahay inaanu noqono kuwii wax ka badala dhibaatada shidaal xumidu ku hayso bulshada Somaliland,”ayuu yidhi Guulleed Jaamac, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku daray “Adeegyadda aanu rabno inaanu u qabano umadda waxa weeyey keenista iyo waarididda shidaalka noocyadiisa kala duwan, sida shidaalka Baabuurta noocyadooda kala duwan iyo shidaalka Diyaaradaha noocyadiisa kala duwan.”