Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Oo Si Rasmi Ah Uga Bilowday Berbera Howlgal Madaxtaabasho Ah Oo Lagu Tirokoobayo Shaqaalaha Laamaha Dowladda

Berbera- (Berbera
news) – Hay’adda Shaqaalaha Dowlada ayaa Gelinkii danbe ee shalay ka bilowday
Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera howlgal Madaxtaabasho ah oo lagu tirokoobayo
Shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgala  dhamaanba
hay’adaha Dowliga ah marka laga reebo Dowladda Hoose ee Degmada Berbera.
Gudoomiye kuxigeenka GobolkaKhadar Cali Cilmi
Saaxil Khadar Cali Cilmi oo Hoolka weyn ee Hay’adda Wadaniga ah ee Yovenco hadal
u jeediyey furitaankii kowaad ee howsha Tira koobka  Boqolaal kamid ah shaqaalaha laamaha Dowlada
oo halkaasi ugu soo diyaar garoobay  tiro koobka  ayaa u sheegay shaqaalaha in la dhaarin doono qofkasta waxaanu kula dardaarmay in ay Rabbi ka cabsadaan oo iska hubsadaan Dhaarta “Xildhibaanada
waa la dhaariyey, Wasiiradeena waa la dhaariyey
inagay maanta ina soo gaadhay dhaarti, waa laydin dhaarinayaa waxaan
filayaa inay tahay markii inoogu horaysay shaqaale  la dhaariyo, dhaartuna halisteeda ayay
leedahay hadaan layska hubsan waxaan idinkula dardaarmayaa inaad Illaaahay kacabsataan  run ku dhaarataan”

Axmed Cali Xirsi (Sulub)

Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda
Shaqaalaha Dowladda Axmed Cali Xirsi (Sulub) oo hogaminayey kooxda fulinaysa
howsha tirakoobkan Madaxtaabashada ah ee Shaqaalaha Dowlada ayaa ka hor intii
aanay guda gelin howsha tirakoobka waxa uu uga waramay Shaqaalaha howsha ay u
socdaan iyo muhiimada looga golleeyahay tirakoobkan waxamna kamid hadalkiisa “shaqaaluhu hore ayuu u diiwaan gashanaa lakiin howsha aanu u soconaa hadda waxa weeye anaga oo ah Hay’addii shaqaalaha Dowlada waa tirokoob  madaxtaabasho ah, taas oo ah hadii Hebe lama heblaayo
Hebel lagu yidhaahdo oo aad Hay’ad heblaayo ka shaqayso ma tahay qofkii magacan lahaa oo ma ku shaqaysaa shaqadaa aad lacagta ku qaadato, liiskii shaqaalaha waanu sidanaa habka aanu u hubinaynona anaga ayaa sidana wuxunbaa naga reeban oo aanan hada u socon Ciidamada iyo Dowlada Hoose” ayuu yidhi Gudoomiye kuxigeenka.
 
Hay’adda Shaqaalaha dowladu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi
raaciyey “ muddo 20 sanadood ah ayaynu Dowlad ahayn noocii jabhadnimaduna weli wuu ina daba socdaa laakiin maanta waxa lagaadhay xiligii lacago dhigan lahaa howshan aanu wadnaana waxay meel dhigaysaa in qofka shaqaalaha ahi noqdo shaqaale dowladda u diiwaan gashan oo xuquuqdiisa leh, oo fasaxiisa leh oo tixgelintiisa leh oo aan Ninka Masuulka ahi siduu doono kayeeli Karin sidii qof gurigiisa ka shaqeeya oo kale aanu marna qorin markuu doonana iska tag odhan, laakiin wixii
iminka ka danbeeya sharcibaa lagu qorayaa qofka shaqaalaha ah sharcibaana lagu eryi karaa” ayuu ydhi Sulub isagoo intaasi ku daray in ay kamid tahay
ujeedooyinka ay hay’adda shaqaalaha dowladu u Samaynayso Tirakoobkan sidii liisaska shaqaalaha Dowladda looga saari lahaa Magac aan shaqayn oo hadana lacag lagu qaato (Caagle) “waxa kamid ah howshan Tiro koobka in lagu soo afjaro magac lacag lagu qaato oo caagle ah kaas oo culays dhaqaale oo aanay dowladu qaadi Karin
ku haya” ayuu yidhi Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda shaqaalaha Dowladu.

Howshan tirakoobka
Madaxtaabashada ah ee ay Hay’adda Shaqaalaha Dowladu maanta ka bilowday
Magaalada Berbera ayaa waxa ay qayb ka tahay Howlagal Balaadhan oo ay hay’addu  ku tirokoobayso guud ahaan shaqaalaha
Dowlada, waxaanay Gudoomiye kuxigeenka iyo Kooxda uu hogaaminayaa hore uga soo
fuliyeen howshan tirakoobka Gobolka Togdheer.