Hargeysa(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta duuduub ku ansixiyey qodabbada uu ka kooban yahay Ajandaha Kal-fadhiga 44-aad ee golahaas, ka dib markii ay muddo hal maalin ah soo akhriyayeen guud ahaanba qodobbada Ajandahaas oo Isniintii shalay loo qaybiyey.
Waxa fadhiga maanta guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, ka soo qaybgalay 67 Xildhibaan. Waxaanay ka hor intii aan codka loo qaadin qodabbada Ajandaha waxa ay Mudanayaashu ka doodeen sida loo kala horreysiinayo qodabbada Ajanduhu, waxaanay inta badan Xildhibaannadii Doodda ka qaybgalay isku raaceen in sidiisa lagu ansixiyo ajandaha, iyada oo ay cod gacan-taag ah u qaadeen.
Hase ahaatee, intii aan guud aan Ajandaha loo codeynin, waxa xusmadan in Xildhibaannada Goluhu ay u codeeyeen in Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka laga dhigo qodobka saddexaad, isla markaana kor looga qaado qodobka Afraad oo uu markii hore ahaa. Waxaana u Codeeyey 63 Mudane in laga dhigo qodobka saddexaad ee Ajandaha, hal Mudane ayaa diiday, waxaan ka aammusay hal Xildhibaan, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasi ayaanu Xeerkaasi ku meel-maray in loo raro qodobka saddexaad.
Codkaa gacan-taagga ah ee Mudanayaasha Guurtidu ku meel-mariyeen qodobbada Ajandaha Kal-fadhigooda 44-aad oo Axaddii si rasmiya u furmay, waxa in duudduub lagu anxisiyo haa ugu codeeyey 66 Mudane, may jirin cid diidday iyo cid ka aammustay toona, Guddoomiyuhuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Andaha kal-fadhiga 44-aad ee Guurtidu.
Waxay Xildhibaannada Guurtidu isla maalinta Berriya-ba bilaabi doonaan doodda arrimaha ay ku saabsan yihiin qodobbada Ajandaha kal-fadhiga 44-aad ee golaha Guurtida Somaliland, kaasoo waxyaabaha sida wayn looga war sugayo uu ka mid yahay Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo muddaba hadal hayntiisa iyo khilaaf uu dhaliyey taagnaayeen. Isla markaana, ay hore u soo ansixiyen golaha Wakiillada oo buuq badan uu ka dhex dhaliyey, ka dibna u soo gudbay golaha Guurtida oo uu hadda horyaallo.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.