Nuxurka qodobbada Ajandaha Kal-fadhiga 44-aad ee Guurtida oo Mudanayaasha maanta loo qaybiyey iyo kuwa ugu xasaasisan

Hargeysa(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta loogu qaybiyey qodobbada Ajandaha Kal-fadhiga 44-aad, kaasoo ay ku jiraan qodobbo aad u xaasaasi ah.
Fadhigii maanta oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isla markaana uu guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Siciid Jaamac Cali, waxa uu mudanayaasha ku wargeliyey inay ajandaha kal-fadhiga 44aad ka soo baaraan-deggaan muddo hal maalin ah, taasoo uu sheegay in maanta ay cod u qaadayaan.
 
“Mudanayaal wakhti badan ma haysano oo wuu inagu kooban yahay, markaa waxa loo baahan yahay inaad ajandaha oo maanta qudha soo haysataan, dabadeedna aynu berito iskugu soo laabano ansixintiisa, fadhiguna wuu xidhan yahay.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Guurtidu.
 
Qodobada ku jira ajandaha kalfadhigan oo uu ugu muhiimsan yahay ansixinta xeerka Isgaadhsiita iyo u yeedhista masuuliyiin qaran.  Ajandaha kalfadhigan oo ka kooban todoba qodob wuxuu u dhignaa sidan:
 
“1-        Warbixinta Shirguddoonka
2-         Warbixinta guddida joogtada ah
3-         Xaalada siyaasadeed ee dalka
–           Gudaha
–           Dibada
 
4-         Xeerarka ka soo gudbyay golaha wakiilada
–           Xeerka Isgaadhsiinta
5-         Arrimaha Nabadgelyada
–           Doorka golaha kaga aadan sugida amniga iyo horumarineed ee gobollada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle
 
6-         Arrimaha Bulshada
–           Caddaalada iyo Garsoorka
7-         La kulanka masuuliyiinta qaranka:
–           Wasiirka Arrimaha Dibada
–           Wasiirka Ganacsiga.”
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.