Shir lagaga hadlayo Dhibaatooyinka Dhulka oo Guddiga Dacwadaha iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Maroodi-jeex uga furmay Hargeysa

Hargeysa(Berberanews)- Shir lagaga hadlay dhibaatada soo noqnoqota ee Dhulka, ayaa maanta magaalada Hargeysa uga furmay Guddiga Dacwadaha Dhulka ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa.

 

Shirkaas oo hal maalin socday oo ka furmay xarunta degmada Gacan-libaax, ayaa  lagu lafa-gurayey xal u helidda mushkiladaha Dhulka ee Gobolka Hargeysa (Maroodi-jeex). Waxaana kulankaa soo qaban-qaabiyey Guddida Dacwadaha dhulka waxaana maalgelisay Hay’ada UN-HABITAT. Ugu horreyn waxa loo qaybiyey ka soo qaybgalayaasha nuqul nuxurkiisa ahaa, noocyada dacwadaha dhulka, gudbinta waayo-aragnimada guddiga, talo u soo jeedinta degmooyinka gobolka iyo gaadhsiinta ku dhaqanka xeerka Lam 17/2001.

 

Guddoomiyaha Guddida Dacwadaha Dhulka Gobolka Maroodi-jeex, Garyaqaan Maxamed Cabdi Jaamac, ayaa ka qaybgalayaashii aqoon isweydaarsiga u soo jeediyay inay dhaqan geliyaan xeerka dhulka ee xeer 17/2001. Guddoomiyuhu waxa uu furitaankii aqoon isweydaarsigaasi ka jeediyay qoraal dheer oo la xidhiidha ka garnaqista muranada dhulka iyo sidii loo waafajin lahaa sharciga, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan” “Noocyada dacwadaha dhulka, gudbinta waayo-aragnimada Guddiga, talo u soo jeedin degmooyinka gobolka iyo gaadhsiinta ku dhaqanka xeer 17/201.

 

Guddidu waxay idin kala hadlaysa haddii aad tihiin ka soo qaybgalayaasha kulanka wax ku saabsan xalinta khilaafaadka dhulka ee Degmada Gacan Liibaax, kuwaas oo had iyo jeer dhinacyadu ka so dacwadoodaan.  Ugu horayn guddidu waxa ay doonaysaa inay u gudbiso waayo-aragnimadii ay ka heshay mudaddii ay jirtay, siiba noocyada iyo tirada dacwadaha dhulka ee degmada Gacan Libaax ka soo gaadhay iyo nooca dacwadaha iyo waxa yaalaha ugu badan ee dhinacyadu isku dacweeyaan waa sidan hoos ku qoran:

 

“• Goob keli ah oo laba fayl loo sameeyey. • Qorshaha dhulka oo isgala sida laba fayloo wajahad qudha wada leh.  • Dhulka degsiimada ah ee dowladda hoose dadka dejisay oo khilaaf ka taagan yahay sida xaafada Sh/Noor iyo Maxamed Mooge oo dadkii la siyey weli qaar ku haystaan oo ay leeyihiin waxay noo ahayd beero.

• Dacwadihii hore ee degmooyinku ka garanaqeen oo khilaafaadkoodu taagan yahay oo dhinacyadii sidii isu hayaan. • Sharciyadii dawladii hore oo qof waliba iska sheegto inuu u haysto dhulka iyo dhinaca kale oo sheegta isna inuu haysto fayl dawladda hoose ee hadda ay siisay.

 

• Dhulkii dawlada ee aan diiwaangashaynayn oo la isku dacweeyo.

• Dhul hore dan guud loogala wareegay oo qofkii lagala wareegay uu ku dacwoodo ama qof kale.

• Dhulkii ay lahaan jireen dadii aan reer Somaliland ahayn oo la isku dacweeyo ama kuwii aan reer Somaliland ahayn dib ugu soo noqdeen kuna dacweeyeen dadkii reer Somaliland ee dawlada Somaliland siisay hadda.

 

• Dhulkii ciidamadii dowladii Soomaaliya ay bixiyeen oo la isku dacweeyo iyo dhulkii xeryaha u ahaa.

• Dhulka buuraha ah, sanaaga dhagaxa leh, boholaha, iyo jeex jeexyada oo dhinacyadu ku sheegtaan beero iskuna dacweeyaan.

• Caadaysatayaal ka ganacsada dhulka, kuna dacwooda had iyo jeer dhul aan xad lahayn isla markaana beero ku sheega dhammaan dhulkii buuraha ahaa.

 

• Waxay had iyo jeer laysku dacweeyaa isbeddelka ku dhac wajadaha maray waddo xidhanto, taasoo uu dhinacu ku doodo aanay wadjahadiisii ahayd.

1. Sidee loo diiwaangeliyaa jago banana?

Guddida waxay kala hadlaysaa ka soo qaybgalayaasha kulankan ee degmooyinka habka diiwaangelinta jagooyinka banaan ama samaynta faylka, waa kan ugu badan ee ay ka dhashaan khilaafka dhulka.

Sida uu u tilmaamayo xeer number 17/2001 qodobkiisa 27aad, farqadiisa 1aad 2aad, iyo 3aad waxa ay cadeenayaan habka diiwaangelinta jagooyinka banaan.

2. Haddii jago laba fayl loo sameeyo muxuu sharcigu ka qabaa?

Waxay guddidu u sharxi doontaa waxa uu xeerka 17/2001 ka qabo marka hal baloodh laba fayl oo sharci ah loo sameeyo.

Waxa ka dhalanaysa ciqaabta uu sharxayo qodobka 29aad farqadiisa 2, tusaale ku saabsan hal baloodh oo afar fayl loo wada sameeyey oo waliba baloog loo wada.

3. La-haanshiyaha Dhulka

Waxa ay Guddidu kala hadlaysa ka soo qaybgalayaasha aqoon kororsiga sababta ay degmadu sharciga la-haashiyaha dhulka ee ay ayadu bixisay muran galiya oo qof sharci haysta uu u qabsado qof aan sharci haysanin, guddidana aad u soo gudbisaan si loogu garnaqo.

4. Awooda Dhul Bixinta

Guddidu waxay ay sharxi doontaa xeer number 17/2001 qodobkiisa 1aad, farqadiisa 1aad iyo xeer 17/2001 qodobkiisa 2aad farqadiisa 1aad, kaas oo si shaki la’a mugdiga uga saaraya in dhulka maamulka dawlada hoose ee uga mas’uul yahay bixintiisa.

5. Dhulka ka baxsan awooda degmada

Maamulka degmadu awood uma laha ay dhul kaga bixiyaan degmadooda dhulka aanay gaadhin naqshada guud ee u jira masaafo 5 km ah inta naqshada ku joogto, sidaa waxa qoraya xeer number 17/20012 farqadiisa 3aad.

6. Dhulka ka reeban in loo aqoonsado beero

Sida uu dhigayo qodobka 7aad ee xeerkani farqadiisa 4aad waabuuraha, sanagyada dhagax leh, boholaha iyo wixii la mid ah looma aqoonsanayo beero, marka ay magaaladu gaadho magdhowshayana lagama celinayo.

7. Dhulka Ka Reeban In Dowladda Hoose Bixiso

Waxa loo raacaayaa sida uu dhigayo qodobka 8aad ee xeerkani farqadiisa 1aad waxa ay leedahay waxa ka reeban maamulka dowladda Hoose inay bixiso meelaha ay ku yaalan dhulka macdanta laga qodo, dhul bereedka, xeebaha iyo meelaha danta guud loo qorsheeyey.

8. Saldhiga dhul bixinta sida waafaqsan xeerka dhulka

Waxa ay guddidu sharxi doonta degmooyinka qodobka 9aad, farqadiisa 1aad, 2aad, 3aad.

1- Dhul ama jago kasta oo la bixinayo waa in uu noqdaa mid waafaqsan naqshada guud ee magaalooyinka ee ansixisay gudida qaranka ee naqshadaha.

2- Jago kasta oo leh isticmaal rasmiya waxa lagu bixinayaa guddida go’aanka fulinta ee dowladda Hoose.

3- Maayarada magaalooyinka waxa ay soo saaraayaan xeer midaysan oo quseeya la-haanshiyaha jago banaan oo ay marqaati ka kacaan ugu yaraan 3 qofood oo leh jagooyinka hareeraha ka xigan oo dhisan ama banaan oo sharciyeysan.

9. Dhulka aan lagu dacwoon karin

Qofna kuma dacwoon karayo dhul dan guud ahaan looga qaaday sida uu dhigayo qodobka 24aad.

10. Cadaystayaasha ka ganacsada dhulka banaan

Guddida waxa ay kala hadli doonta maamulka degmooyinka caadaystayaasha ka ganacsada dhulka banaan sida uu tilmaamayo xeer number 17/2001 qodobkiisa 25aad, farqadiisa 1aad oo leh qofka la siiyay jago isticmaal rasmiya oo si joogto ah u bixinaya cashuur sanadeedka ku waajibay wuu iibin karayaa, wareejin karayaa, hibeen karayaa, kuna tagri-fali karayaa sida sharciga ogol yahay farqada 2aad oo leh xuquuqda farqada 1aad ku xusay ma laha dadka caadaystayaasha ka ganacsada dhulka banaan ee ay soo xaqiijiyaan hay’adaha sharciga iyo dowlada hoose.

11. Luminta xuquuqda la-haanshiyaha dhulka

Guddidu waxay ay u sharxi doonta degmada qodobka 12aad farqadiisa 3aad oo odhanaysa haddii qofka dhulka la siiyay dhisi waayo isla markaana bixin waayo cashuurtii ku waajibtay laba sano oo isku xiga waxa uu luminayaa xuquuqdiisii la-haanshiyaha dhulka waxaana uu noqonayaa mulki dowladeen dhulkaas.

12. Talo Bixinta Guddida Si Loo Yareeyo Khilaafaadka Dhulka

a) Waa in la dabaqaa xeerka ka Maamulka Dhulka Magaalooyinka JSL ee xeer no 117/2001.

b) Waa in degmooyinka gobolku saxaan habkeeda sharciyeynta dhul bixinta oo raacdaa xeerkan iyo xeerka la midka ah.

c) Waa in degmo kasta difaacdaa sharciyada sida saxda ah uga soo baxay sida faylasha sida saxa ah uga soo baxay.

d) Waa in degmo kasta sharciga la tiigsataa shakhsiyaadka ka tirsan degmada ee ku gefa xeerkan, sida kuwa goob keliya laba jeer casaynta u samaynaya.

e) Degmo kasta iyada ayaa mas’uul ka ah faylka ay soo saarto ee buuxiya shuruudaha fulintiisa iyo dhammaystirkiisa.

f) Mas’uuliyiinta degmada waxa waajib ku aha dadka caadaystay ka ganacsiga dhulka isla markaana qayb ka ah muranka dhulka ee degmada inay daba galaan una gudbiyaan hay’adaha sharciga isla markaana ay guddidu war bixin ku soo siiyaan marka dacwadi jirto.

g) Markay degada soo gaadho dacwada ku saabsan la-haanshiyo dhul taas oo aanay labada dhinac u haysan wax sharci ah oo degmadu aqoonsan tahay waa inay u soo gudbiyaan guddida dhinacyada faraca inay dacwada furtaan iyo markii ay u arkaan inay lagama maarmaan tahay in loo garnaqo.

h) Si khilaafaadka dhulku u yaraado waxaa u soo jeedinaynaa degmada inay diiwaangeliyaan dhamaan dhulka banaan ee ku yaala degmo kasta. i) Inay ku ekaadaan xuduudkooda dhuleed ee naqshada oo ka baxsanayn 5 km xaga dhul bixinta. j) Inay tiro-kooban dhulka danta guud ee ku yaala degmooyinka, si aan loogu xad-gudbin, ama aan la iskugu dacwaynin.”

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.