Ururrada Saxaafadda Somaliland Oo Cambaareeyey Wargeyska Waaheen

Hargeysa(Berberanews)- Ururrada kala duwan ee Saxaafadda Somaliland, ayaa cambaareeyey Wargeyska Waaheen oo ka mida Wargeysyada madaxa-bannaan ee ka soo baxa Hargeysa, ka dib markii sida ay sheegeen uu baahiyey War uu ku sheegay in Xukuumaddu Warbaahinta xorta ah Faaf-reeb ku samayso wararka ay qorayaan.

War-Saxaafadeed ay caawa si wada-jira u soo saareen Guddoomiyayaasha Ururrada Saxaafadda Somaliland, ayey ku sheegeen in Warka Wargeyska Waaheen qoray ay cambaaraynayaan, isla markaana yahay nuxurka warkaasi mid kaliya ku kooban Wargeyskaas, oo aanay Saxaafadda kale la qabin.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Wargeyska Ogaal, waxa uu u dhignaa sidan:- “Ururrada waddaniga ah ee  Saxaafadda Somaliland waxay canbaaraynayaan war ku soo baxay Wargeyska Waaheen Cadadkiisii 583aad ee shalay oo uu Waaheen ku sheegay in Saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka Somaliland Xukuumaddu faaf-reeb ku samayso, kaasoo meel ka dhac ku ah  shacabka, Madaxda dawladda Somalilamd,Qarannimada  iyo Saxaafadda Somaliland intaba.

Waxaannu ka afeefanaynaa inaanay shacbigu u qaadan ama u fahmin inay Saxaafadda dalku la qabto Wargeyska Waaheen warka uu shalay qoray isaga oo ka been sheegay goob ay Saxaafadda dalka iyo ta dibaddu isugu yimaaddeen oo Madaxweynuhu xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo sameeyey Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Intii aragtay ama akhridayna waxaannu u sheegaynaa inaanay la qabin ururrada waddaniga ah ee Saxaafada Somaliland ee ay ku kooban tahay uun Wargayska Waaheen. Sidoo kale waxaannu Caddaynaynaa inaanay jirin wax faafreeba oo lagu sameeyo Saxaafadda Madaxa-bannaan ee dalka, sida uu Wargeysku qoray.  Ugu dambayn Madadxda qaranka iyo shacbigaba waxaannu ka raalli-gelineynaa warkaasi.”

Magacyada Guddoomiyayaasha Ururrada Saxaafadda Somaliland ee War-Saxaafadeedka soo wada saaray, waxay kala yihiin sidan:

Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda ee SSJW    Yuusuf Cabdi Gaboobe

Guddoomiyaha Ururka Saxaafdda ee SOLJA     Xasan Maxamed yuusuf

Guddoomiyaha Uruka Saxaafadda ee USJ           Khadar Maxamed Cakuulle

Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda  SOA             Mustafe Cabdi Maxamed ( Jannaale).

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.