Wiil uu dhalay Xasan Yoonis Habbane oo maalintii saddexaad Hargeysa ugu xidhan eedeyn la xidhiidha inuu Xirsi dilayo

“C.I.D-du iyaga oo saddex Gaadhi wata ayey guriga iga soo qaadeen oo waxay igu yidhaahdeen 5000 oo Doollar oo Zaadka Mobile-kaaga kuugu soo dhacday, markaan idhi maxay ahaydna, waxa la igu yidhi (hawl-gal) Operation Xirsi aad ku dilayso ayaad ku fulinaysaa…” “Moobilkaygii waa la iga qaaday oo TELESOM ayaa la geeyey..” Maxamed Xasan Yoonis Habane.Hargeysa(Berberanews)- Maxamed Xasan Yoonis Habane oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa saddex maalmood ku xidhan Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku wado hawlgal uu ku dilayo Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Weriye Berberanews ka tirsani Saldhigga ku booqday, ayuu Maxamed Xasan Yoonis Habbane, uga warramay sida wax u dhaceen iyo kiiska lagu soo eedeeyey ee uu ugu xidhan yahay Saldhigga dhexe ee Hargeysa. “Laba cisho ka hor intaan lay xidhin laba jeerbaa CID-da la iiga yeedhay, markii aan C.I.D-da tegayna, ‘Gaadhigaaga ayaad hub saartaa baa la igu yidhi,’ aniguna soo caddeeyaan idhi. Ka dibna waxa dhacday in saddex cisho ka hor la igu casuumay Shir uu qaban-qaabiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux oo lagaga hadlayey nabadgelyada oo ka dhacay Ambasador, Millateri ahaanna waa laygu Macsuumay.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan Yoonis.

 

Waxaanu Maxamed oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Nuux Taani baana noo yeedhay, intii aannan tegin oo saacadi ka hadhsan tahay ayaa C.I.D-da la igala soo hadlay, oo la yidhi,’ ‘Xirsi baad dilaysaa, oo waxbaad dilaysaa baa, anna waxaan ku yidhi kaalayoo igu soo caddaysta, gurigay iigu yimaaddeen iyagoo saddex gaadhi oo Ciidana wata, waxay igu yidhaahdeen 5000 oo Doollar oo Zaad kuugu soo dhacday ayaa moobilkaaga ku soo dhacday, markaan idhi maxay ahaydna, waxa la igu yidhi (hawl-gal) Operation Xirsi aad ku dilayso ayaad ku fulinaysaa, dabadeedna waxaan idhi  hala igu soo caddeeyo, Moobilkii baa la iga qaaday oo TELESOM la geeyey, waana laga waayey lacagtii. Ka dibna Xaruta C.I.D-da ayaa; la i geeyey, sidiibaanan ku xidhanahay.”

 

“Arrintayda Taliyaha Booliska Cilmi-Kabaal baa galay iyo Saraakiil kale, Aniguna waan diiday inaan ka baxo Saldhigga illaa dembiga aan galay la igu caddeeyana ma baxayo ayaan idhi.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan Yoonis. Waxaanu sheegay inay taleefan ka wadahadleen Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Nuux baa I soo garaacay oo yidhi waan ogahay inaad CID joogto oo laygu xidhay, shirkiina waan ka soo baxay oo Xirsi baannu isku dhacnay, iska adkayso, sidiibaan ku xidhanahay.”

 

Dhinaca kale, Masuuliyiinta ay arrintani khusayso oo ay shabakaddu isku dayday inay warkan wax ka weydiiso ayaanay noo suuragalin, ka dib markii aannu khadka Taleefanka kula xidhiidhnay Taliyaha guud ee Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) ayaa taleefanka naga qaban waayey.  Sidoo kale, Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaanay isagana noo suuragalin inaannu ku hello khadka taleefanka gacanta.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.