Haweenay lala Xukumay Nin Jarmal ah oo Xabsiga dhexdiisa ku ummushay

“Waxa jira Cafis Madaxweynuhu fidiyo, Haweenkana loogama faa’iideeyo, ee Cifisku waxa uu ku dhacaa 90% Ragga oo xattaa kii khaatulka ahaa, Tuugga ahaa iyo.…” Saynab Xaaji Maxamed Gaas Waraysi Gaar Ah,

 

Hargeysa,(Berberanews)- Marwo Saynab Xaaji Maxamed Gaas oo ah Guddoomiyaha Ururka Waddaniga ah ee Gaashaan oo u dhadhaqaaqa ama ka shaqeeya arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadamaha, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay weli Xabsiga ku jirto, isla markaana ilmo ku dhex ummushay Jeelka Haweenay reer Somaliland ah oo  Maxkamadda Gobolka Hargeysa xukun ku wada ridday iyada iyo Nin Jarmal ah oo lagu eedeeyey inay anshax-xumo ku kaceen.

Marwo Saynab Xaaji Maxamed oo uu shalay waraysi gaara arrintaa ka siisay Weriye ka tirsan Wargeyska Ogaal , ayaa sheegtay in Cafiskii Madaxweynaha Somaliland 751 Maxbuus u fidiyey Xuska 18-kii bishii May 2011 laga reebay Dumar badan oo Xabsiyada ku jira, kuwaasoo ay tilmaantay inaan qaarkood kiis ku caddaaday oo loo hayaa jirin iyo kuwo aan dambiyadoodu waaeynayn. Hibaaq oo ah gabadh reer Somaliland ah oo xukun Maxkamadeed ku wada dhacay iyada iyo Nin dalka Jarmalka u dhashay 13 January 2011, kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay ku kaceen falal Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Hase ahaatee, Ninka reer Jarmal oo lagu magacaabo Mr. Guntar Bischoss, laguna xukumay 4 sano oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Dollar-ka Maraykanka ah, ayaa si aan la shaacin ay Xukuumadda Somaliland u siideysay, ka dib markii ay Wefti Safarro ah oo tobaneeyo dal oo Yurub ah ka socda u raacisay, halka Gabadha reer Somaliland ee lagu magacaabo Hibaaq ay weli ku xidhan tahay Xabsi ku yaalla magaalada Gabilay oo ay dhawaan Wiil ku ummushay sida ay sheegtay Guddoomiye Saynab.

 

“Gabadhaasi dambi weyn baa laga galay, Illaahayna wuxu yidhi isu gargaara, markaad isu gargaartaan ayaan idiin naxariisanayaa. Gabadhaasi dhib weyn baa ku dhacay, Tacaddigii loo geystay ee Jeel iyo Maxkamad lala maray iyo fadeexad ahaa, waxa kaga xun godobta laga galay ee ay Somaliland ka gashay. Godobta Gabadhaasi laga galay waxa weeyaan, iyada oo aanay jirin wax dambi ah oo cad oo lagu hayaa jirin ayaa lagu xidhay oo la xukumay, taasoo hadda ku dhex ummushay Jeelka ay ku xidhan tahay dhexdiisa.” Sidaa ayey tidhi Guddoomiyaha Ururka Gaashaan Saynab Xaaji Maxamed Gaas. Waxaanay Saynab oo hadalkeeda sii wadataa intaa ku dartay; “Intaas oo dhib ah oo soo martay, ayaa haddana waxa Gabadhaa Muwaaddinadda ah ee dalkeedii joogta waxa laga xaq siiyey Ninkii Jarmalka u dhashay ee fal-dambiyeedka lagu eedeynayey, iyada oo aanay jirin wax dambi cad ah oo lagu soo oogay oo aan odhan karo labadoodaba dambi ayaa laga galay, maaddaama oo Sawirro la isu keen-keenay mooyee wax lagu caddeeyey jirin.”

“Laakiin, si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd haddii labadoodaba loo dacwoonayey, Ninkii Jarmalka ahaa dadkii awoodda u lahaa ayaa ka xaystay oo Toban Safiir oo u yimi ayaa lagu dhex qariyey oo ay kaxaysteen Ninkii, Gabadhii reer Somaliland ahayd-na waxay ku xanniban tahay oo ay weli ku xidhan tahay Jeelka oo ay ku gaadhay heer ay ku dhex ummushay. Markaa, halkaa waxa ka muuqda inaanay Somaliland waxa ka xidhan iyo cidda ka dhibban midna aanay dan ka lahayn, laakiin ay dadka kale ay u fududeyso dambiyada ay ku eedayso.” ayey tidhi.

Saynab, oo ka jawaabaysay su’aal laga weydiiyey sida loo siiddaayey Ninkii Jarmalka ahaa ee xukunka lagu riday iyo cidda siiddeysay, waxay tidhi; “Ninka Jarmalka ahi waxa uu ahaa nin dadkiisii iyo eheladiisii u yimaaddeen oo ay arrintiisa kala hadleen Somaliland. Markaa, waxa siideysay dee ciddii haysatay oo Somaliland ayaa siiddeysay oo raacisay Toban Safar oo arrinta ugu muhiimsan ee ay dalka u yimaaddeen ahayd arrinta Ninkaa Jarmalka ah.”

Guddoomiyaha Gaashaan oo la weydiiyey sababta ay u tirinayso inay Haweenaydaasi illaa hadda u xidhan tahay iyada oo xattaa ummul ku dhex noqotay jeelka,  waxay ku jawaabtay Saynab oo ay tidhi; “Gefefka ay Somaliland Haweenka ka gasho ayuun bay ka mid tahay sababta ay weli u xidhan tahay, waayo? Maaha gefku intaas oo kaliya, ee dhibaatooyin fara badan iyo tacaddiyo aan xad lahayn ayaa loo geystaa haweenka, iyadana kuwa haweenka ku dhaca dhibaato ka badan ayey qabtaa.”

Sidoo kale, Marwo Saynab oo la weydiiyey maaddaama oo ay ka mid tahay Ururrada u dooda Xuquuqda Aadamaha inay wax dhaq-dhaqaaqyo ah u sameeyeen sidii Gabadhaa loo siiddeyn lahaa iyo cidda ay Xukuumadda Somaliland kala xidhiidheen arrintaa, ayaa waxay ku jawaabtay; “Annagu isla maalmihii Ninka Jarmal la siiddaayey ee waddanka laga dhoofiyey, ayaannu la hadalnay Wasaaradda Caddaaladda, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland illaa Madaxtooyada oo aannu dhammaantood warqado u dirnay, hase ahaatee, wax jawaab ah haba-yaraatee annaga oo aan ka helin dhinacyada aannu warqadaha u dirnay ayey Jeelka ku dhex ummushay dhawaan.”

“Waxaannu ku codsanaynay warqadaha in la sii-daayo Haweenaydaasi, maalmahaas aannu lahayn halla siidaayana waxay ahayd bilawgii March illaa munaasibaddii Haween weynaha Adduunka ee 8-da March, taasoo aannu doonaynay inaannu Inantaas uga faa’iidayno oo ay qiimaha maalinta Haweenka farxadda la qaybsato Dumarka Caalamka, laakiin nasiib-darro may suurgalin.”

“Wiil ayey ku dhex ummushay jeelka dhexdiisa, mudda illaa bil ah ayey hadda ummullan tahay oo weli afartankii kamay bixin. Ilmihiina Jeelka ayey ku haysataa, iyadu Aabbo malaha, Hooyo malaha, Walaalka hooyadaa dhashay ayaaba kuu arxamin ee Wiil Aabbeheed dhalay ayaa jooga, cid wax u qabataana ma jirto. Waxa kaliya ee ay iyada iyo wiilkeedu ku nool yihiin waa waxa dadkaa ay kula xidhan tahay Jeelka Gabilay ee Islaamka ah Illaahay ka siiyo oo caawiya.”

Mar Saynab la weydiiyey kol haddii aanay jirin cid ehel ah oo u gargaara Gabadhasaa iyo Wiilkeeda, halka Aabbaha Wiilka dhalay iyo halka uu joogo, waxay ku gaabsatay; “Wallaahi taa kama jawaabi karayo.”

“Gabadhan oo kaliya maaha ee waxa jira Haween badan oo aan qaarkood wax sharciya ku xidhnayn iyo Dumar aan dambiyo waaweyn oo loo haystaa jirin ama kiisas culus aan loo haysan oo Jeelasha ka buuxa. Waxa jira Cafis Madaxweynaha Somaliland fidiyo, Haweenka loogama faa’iideeyo, ee Cifisku waxa uu ku dhacaa 90% waxa looga faa’iideeyaa Ragga oo xattaa kii khaatulka ahaa, Tuugga ahaa iyo kuwii ka dambiyada adkaa Dumarka ayaa la siiddaayaa.” Sidaa ayey tidhi Saynab oo ka hadlaysay tacaddiyo ay sheegtay in Haweenka reer Somaliland si gaar ah loogu geysto.” Isla markaana, waxay sheegtay inaa si siman loogu caddaalad samaynin Ragga iyo Dumarka.

Marwo Saynab oo taa ka hadlaysana waxay tidhi; “Markaa, marka Ragga caynkaas ah cafiska Madaxweynaha lagu siiddeynayo, Dumarka-na Cafisyada laga reebayo ee Jeelka lagu hayo, waxa halkaa kaaga muuqanaya Tacaddiga Haweenka lagu hayo iyo sida aan Haweenka muhiimadda loo siinaynin. Waxaan tusaale, u soo qaadan karaa, Cafiskii ugu dameeyey ee uu Madaxweynaha Somaliland 18-kii May cid Haween ah oo ku jira oo lagu soo daayey Cafiskaas maannaan arag, manaannaan maqal. Arrintaasina waxay ka mid tahay tacaddiga Dumarka lagu hayo marka runta laga hadlo, waayo? Illaa Wasaaradda Qoyska waannu gaadhsiinnay waraaqahaas cid ka hadashay iyo cid u jeedda midna ma jiro.”

Guddoomiyaha Gaashaan, waxay baaq iyo codsi is-huwan u soo jeedisay dawladda Somaliland. “Sidaa daraaddeed, waxaannu Xukuumadda ka codsanaynaa inay Haweenaydaas oo dhibaatooyin aan la qiyaasi Karin la kulantay xorriyaddeedii ay u soo celiso oo ay la isu naxariisto, oo xaqa ninka Jarmalka dawladdu ku garatay inuu leeyahay ee lagu siiddaayey inay Gabadha reer Somaliland-na leedahay oo ay Ummul jeelka ku dhex tahay oo aanay cid u gargaartaa jirin ha ogaato Xukuumaddu oo Madaxweynuhu ha u naxariisto, waagii beryaba waataa Tuugta la siiddeynayee halla siidaayo ayaannu leenahay Inantaas oo aannu codsanaynaa.” ayey tidhi Saynab X. Maxamed Gaas.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, oo aannu isku daynay inaannu warkan dhiniciisa wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin, ka dib markii aannu khadadka taleefankiisa gacanta ku helno, lambarradiisa oo xidhnaa awgeed.