Berbera, June 8, 2011, (Berbera News) – Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Berbera oo mudooyinkan danbe Dedaal weyn ugu jiray horumarinta kaabayaasha Adeega Bulshada gaar ahaan dhinaca jidadka gudaha Magaalada Berbera ayaa ku guulaystay in ay keensadaan Booyada Daamurka taas oo ka dhigaysa Dowlada hoose ee Berbera in ay noqdaan Maamulkii ugu horeeyay guud ahaanba Dowladaha Hoose ee Degmmooyinka Dalka ee yeesha Booyad Noocan oo kale ah.
Booyadan Daamurka ayaa la filayaa in ay wax badan ka tari doonto howlaha Dayactirka Jidadka Degmada Berbera iyo Guud ahaanba Gobolka Saaxil Xildhibaan Maxamuud C/laahi Adan (Bidhiidh) oo kamid ah Xubnaha golaha Degaanka Degmada Berbera oo ka waramaya Booyada Daamurka Dhalaalisa isaga oo kamid ahaa Xubno ka tirsan Golaha Degaanka Berbera oo ku sugnaa Goob Tijaabadii koowaad lagaga qaadayey Booyada ayaa waxa uu yidhi “sida maanta halkan inooga Muuqata waxa howlgalkeedii kowaad oo ah Tijaabo ku jirta Booyadan Daamurka Shubaysa oo ay ay leedahay Dowlada hoose ee Berbera taas oo aan odhan karo waa Tii ugu horeysay Dowladaha Hoose ee Dalka oo ay nasiib u heshay Dowladda Hoose ee Berbera” ayuu yidhi Xildhibaan Bidhiidh isaga oo intaasi ku daray in ay Booyadani kamid ahayd qalab aan badnayn oo ka dhinaa agabka horumarinta jidadka isala markaana waxa uu xusay in ay waxbadan ka tari doonto howlaha horumarinta Jidadka Degmada “waxay kamid ahayd tiro aan badnayn oo ka dhinayd Agabka Horumarinta Jidadka oo intiisii badnayd ay noo yaalaan waxaanaan rajinayaa in ay wax badan ka tari doonto howlaha Horumarinta jidadka” ayuu yidhi Xil. Maxamuud c/laahi Aadan (Bidhiidh).