Hargeysa(Berberanews):- Guddidii ka soo Talo-bixinta furashada Ururrada Siyaasadda Madaxweynaha Somaliland u magacaabay, ayaa mar dhawayd oo caawa ah ku dhawaaqay natiijada ra’yi ururin ay muddo ku hawlanaayeen, isla markaana waxay shaaciyeen in dadku si weyn u taageereen in la furo ururro siyaasadeed oo cusub.
Guddiga oo caawa War-Saxaafadeed ay soo saareen ku shaaciyey go’aankooda la xidhiidha xaddiga tirada oggolaanshaha in la furo ururrada, inta diiday, boqolkiiba inta ay uga dhiganto iyo talo-bixin guud. Qoraalka Warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
“Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa JSL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd:
1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada
2. Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland.
3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada.
Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda:
A. Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah
Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo.
Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka.
B. Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida.
C. Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah.
1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka
2. Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo
3. Dallada Sonsaf
Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769 oo qof. Waxay u kala baxdey sidan:
Gobolka Haa Maya Midna Total
1: Maroodi_Jeex 190 302 11 503
2: Togdheer 157 132 0 289
3: Saaxil 91 94 5 190
4: Sanaag 208 66 2 276
5: Sool 185 39 9 233
6: Awdal 171 104 3 278
Total: 1002 737 30 1769
Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare.
Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa:
1. In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka.
2. Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada Xisbiyada Gudahooda.
3. In lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka
4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka.
5. In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act)
Gabogabo
ka dib markii aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL, isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda:
? Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka
? Kobcinta hanaanka Demcracy-ga
? Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta
? Fidinta Maamulka
? Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay
? Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka
Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa ku sooo ururtay in lafuro Ururada Siyaasad doorashada golaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah.”
Allaa Mahd leh
Mgacyada Gudida Saxeexa
Suleiman Ali Korea ——————————
Mahamed A/lahi Du’ale: ——————————
Barkhad Jama Hirsi: ——————————-
Suldan Axmed Daahir Muuse —————————
Xildh. Mahamoud Hirsi Farah —————————-
Maxamed Muuse Abees —————————–
Canab Cumar Ileeye —————————–
C/lahi Siciid Dheere ——————————
Xasan Xuseen Codyare ——————————–
Pro. Xusen Xasan Guleed ——————————–
Dr. Maxamed Cismaan Fadal ————————–
Amina C/lahi Axmed ——————————
Khadar Nour Aw Cabdi ——————————
Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi ———————————-
Jama Maxamoud Cigaal ———————————-
Sheikh Almis Sheikh Yaxye ———————————“
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.