Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Arrimaha Yurub ee Dawladda Holland Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland


Hargeysa-(Berberanews)- Wefti ka socda dawladda Holland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah iyo Arrimaha Yurub Mr. Ben Knapen, ayaa booqasho ku yimi Somaliland.

Weftiga waxa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana dhexmaray wadahadallo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiirka Warfaafinta Madaxtooyada oo warkaasi lagu faahfaahiyey, waxa uu u qornaa sidan;
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha Yurub ee wadanka Holland, Mr. Ben Knapen.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si qoto dheer uga waramay horu-marka muuqda ee ka taabo-galay Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, Arrimaha uu Madaxweynuhu sida gaarka ah u taabtay waxa ka mid ah horumarka xaga dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo adeega bulshada, waxaanu tilmaamay baahida ay Somaliland u qabto inay iskaashi dhaw la yeelato dawlada Holland iyo wadamada kale ee beesha caalamka, gaar ahaan waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in shacabka reer Somaliland ay beesha caalamka ka sugayaan in la siiyo ictiraaf caalamiya iyo iskaashi horumarineed oo dhinacyo badan leh.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay Dawlada Holland kaalinta ay ka qaadato kaalmada ay Somaliland dibada ka hesho, gaar ahaan taageerada dawlada Holland ay siiso Golaha Wakiillada, Golaha Guurtida iyo ururada bulshada ee Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Holland Mr. Ben Knapen waxa uu ka waramay sida ay dawlada Holland u danaynayso una soo dhawaynayso dedaalka, horumarka, dimuquraadiyada iyo nabadgelyada ka taabo-qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tusaale u noqon karta wadamada soo koraya.
Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay sida ay xukuumadiisu u doonayso in ay kordhiso iskaashi dhex-mara labada wadan gaar ahaan dhinacyada kobcinta dhaqaalaha iyo nabadgelyada.
Wasiirku waxa uu carrabka ku dhuftay in booqashadiisani ay muujinayso ixtiraamka iyo soo dhawaynta ay beesha caalamku u hayso guulaha shacabka reer Somaliland, wuxuuna sheegay in dawladiisa ay ka go’an tahay inay isbarbar-tagaan dedaalka ay Somaliland ugu jirto horumarinta dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dimuqraadiyada.
Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibada, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo Chief of Cabinetka Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Dhinaca Weftiga waxa kulankan wasiirka ku wehelinaayey Safiirka wadanka Holland u fadhiya dalka Itoobiya, Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Holland, Safiir ku xigeenka dawlada Holland u fadhiya wadanka Kiiniya, la taliyaha wasiirka Arrimaha Dibada ee Holland, Afhayeenka Wasaarada khaarajiga Holland iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan dawlada Holland.”
Wasiir ka socda Dalka Holland iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Somaliland Yimi iyo Madaxweynaha oo la Kulmay