Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Oo Ka Biyo Diiday Tallo-bixinta Gudidii Ururada Siyaasaddu Soo Saareen iyo Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyay

Hargeysa -(Berberanews)-  Labada xisbi mucaarad ee UDUB iyo UCID, ayaa qaadacay go’aanka Guddiga tallo-bixinta ururrada siyaasadda ee xalay lagu dhawaaqay, halka xisbiga talada haya ee KULMIYE uu arrintaasi soo dhaweeyey.
Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga UDUB, ahna Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanka guddiga oo uu sheegay inuu saamayn khatar ah ku yeelan karto Somaliland.
“fasiraada xeerka iyo arrimaha dastuuriga ah waxa awood u leh hay’ado gaar ah dastuurkunu cid buu siinayaa qodobka 98-aad  oo ah  hay’ada garsoorka oo ay farqad ka mida fasirayso xeerar ka soo baxa golayaasha qaranka waxu sidaas ayay ku socon ama odayga (Madaxweynaha) ayaa go’aan gaadhi waa arrin khaldan in ay guddidu baahiso natiijada iyaga oo aan odayga u gudbin, Magaalada Hargeysa waxa ku nool kala badh shacabka wadanka, waxaana ay dadka reer Hargeysa yidhaahdeen ma ogolin ururada cusub,” ayuu yidhi Axmed yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, waxa uu ka digay in ururro xagjir ahi ka dhalan doonaan dalka, waxaannu yidhi, “Waxa samaysmaya ururo ku salaysan qabiil iyo diin oo kuwa xagjir ah ayaa soo bixi kara.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe ayaa isna sheegay in wakhtigan aan loo baahnayn in la ogolaado ururo siyaasadeed oo khal-khalgelin kara amaanka dalka , iyada oo lagu dhawaaqi karo ururo aaminsan afkaar  guracan oo khatar ah, waxaana uu go’aankii guddida ka talo bixinta furashada ururada siyaasada in uu mid lagu deg-degay aan laga fiirsan halista ka dhalan karta.
Haseyeeshee, waxa uu ku dooday in aannu ka baqayn in ururro la tartamaan, “Go’aanka kama danbaysta ah iska leh Madaxweynaha kamana baqayno anagoo Xisbi Qaran ah inay nala tartamaan Ururo yar yari.”
Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageeray go’aanka guddiga, isaga oo sheegay inay xisbigoodu hore u caddeeyey arrintaasi wakhtigii ololaha doorashada.
 “Xisbiga KULMIYE hore wuu u cadeeyay imikana waanu cadaynaynaa, xisbiga KULMIYE waxba kama qabbo in dalka laga furro ururo siyaasadeed oo cusub oo u furma si waafaqsan sharciga dalka u yaala. Hore ayaanu u nidhi guddidaa waxa ka soo baxa waanu ogolnahay, guddiduna waa tallo bixin, Madaxwaynaha ayay u tallo-bixiyeen, waxaanse umadda u sheegaynaa inaanu u taaganahay fulinta balan-qaadkayagii oo ahaa in ururada loo furayo si sharciga waafaqsan anaguna mar walba waxaanu u taaganahay tartan,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka dhashay shirka golaha dhexe “Shirka golaha dhexe ee xisbigu waa sharci, laakiin hadda waa muddo dhaaf, sababta uu u muddo dhaafayna hawlo xisbiga iyo wadankaba ka jiray ayay ahayd haddana qabanqaabadiisa ayaanu ku jirnaa, wixii qalqalooc ka soo baxayna anaga ayaa saxayna anaga oo intoodii badnayd dhamaysanay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu dadka reer KULMIYE aanu u sheegaynaa in shirkaa wax dhibaato ahi aanay ku jirin shirwaynihiina uu sidiisii uu qorshaysan yahay.”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com