Ururka WIJA Oo Shahaado Sharafeedyo Siiyay Guddidii Dib-u-dhiska Biriijka 2aad Ee Hargeysa.

Hargeysa-(Berberanews):-Ururka suxufiyiinta haweenka Somaliland ee WIJA ayaa shahaado sharafeedyo guddoonsiiyey guddidii dib u dhiska biriijka 2aad ee Caasimada Hargeysa.

Munaasibad casho sharafa oo loo sameeyey gudoonsiinta shahaado sharafta ayaa habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa,isla markaana ay ka soo qeybgaleen  Wasiirada hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Xuseen Axmed Caydiid,Qorsheynta Dr. Sacad Cali Shire,Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Wasiirkii hore hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed,Arrimaha gudaha Cabdilaahi Cirro,Culimaa’udiin,masuuliyin ka socday guddidi dib-u-dhiska biriijka 2aad ee Caasimada,Guddoomiyaha garabka haweenka Xisbiga KULMIYE Marwo Layla Cismaan,Agaasimaha madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye iyo madaxd sar sare ee Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland ee WIJA iyo Marti sharaf kale.


Marwo Shugri Xariir oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ururka Suxufitiinta Haweenka Somaliland ee WIJA oo Casuumadaasi ka hadashay ayaa waxay hambalyo u dirtay cidkasta oo gacan ka geysatay dib u dhiska biriijka 2aad ee Caasimada, iyada oo arrinta ka hadlaysana waxay tidhi“Cidkasta oo ka qeybqaadatay dhismaha biriijka 2aad ee Caasimada Hargeysa si toosa iyo si dadban, ayaa waxaanu doonaynaa inaanu halkan hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq annaga oo ku hadlayna afka bulshada Somaliland hadaanu nahay gabdhaha suxufiyiinta ah ee WIJA”


“Caawa (Xalay) waxa halkan isugu kiinkeenay waxa weeyaan inaanu dadkeena barno dhaqanka mahad-celinta haddii aanu nahay WIJA,oo waxa wanaagsan ee la qabtay cid bilowday iyo cidd dhameystirtayba inaanu u mahad-celino”ayey tidhi Marwo Shugri Xariir

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Diiniyan waxaynu ognahay fadliga ay leedahay in qofka loo furo jidka uu marayo,isla markaana uu helo jid nabadgelyo ah oo ay naftiisa iyo maalkiisaba ay ku badbaadaan.Waxaynu ogayn welwelka haystay labada daamood markii biriijka 2aad innaga dumay,ee ay habeenkii marka ay gudayaan marka ay daanta kale u talaabayaan, Dumarka iyo Caruurta dhibaato gaara ayuu ku hayey oo ah baqdin marka ay dooxa madow sii dhexmarayaan”


“Maanta qofkasta oo reer Somaliland ahi waxa uu dareemayaa bilicda uu biriijkaasi ku soo kordhiyey Caasimada,isku xidhka iyo isu socodka uu u keenay Gaadiidka iyo dadkaba,…waxaana ina galaysa hamad ah inaynu wax qabsan karno oo aynu wax dhisan karno haddii aynu xoogeena iyo maskaxdeena iyo taladeena isku darno”

Shugri Xariir waxay u mahadcelisay guddidii dib u dhiska biriijka 2aad ee Caasimada Hargeysa, Wasaarada Hawlaha guud iyo guryeynta, Wasaaradaha qorsheynta,Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta iyo cidkasta oo ka qeybqaadatay dib u dhiska biriijka 2aad, xukuummadii hore gaar ahaan xubnaha ay sida gaarka ah u taabanayeen Wasiirka hawlaha guud iyo guryenta Siciid Sulub Maxamed, iyo dadweynihii, ardeydii ku tabarucay nusasaacahooda.

“Tani waxay dadka bareysa barnaamijkii iska wax u qabso, xukuummada maanta joogtana waxay ku celcelisa dadkeenu ha soo nooleeyo mabda’I iskaa ax u qabso”.

Guddoomiye kuxigeenka guddidii dib-u-dhisma biriijka labaad ee Caasimada Hargeysa Sheekh Xasan Cabdi Salaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Ururka suxufiyiinta haweenka Somaliland ee WIJA, isaga oo dareenkooda uga mahadceliyey,waxaanu yidhi“Xafladihii hore ee ku saabsana biriijka into badan waxa qabanaysay guddida ama xukuummada, arrintani waxay noqonay jawaabtii ugu horeysay ee ka soo baxday dadweynaha hablaha (Suxufiyiinta) ayaa kow ka ah,waanay ugu horeeyeen oo way ku mahadsan yihiin.”

Isaga oo hadalkisa sii watana waxa uu yidhi“Wax wada qabsigu waa shay aad u qaali ah, ummadaha ILAAHAY abuurnayna waxay ku khasban yihiin meesha ay joogaan inay wax ka qabtaan, weliba waxay tahay risaalada diiniga ah ee laga doonayo inay bini’aadamku gutaan, inay halkii ay joogaan wax ka taraan,”

Sheekh Xasan Cabdisalaan waxa sheegay inaanay Diinta Islaamku diidanayn inay haweenku wax qabtaan, isaga oo xusay inay mahadsan yihiin Ururka suxufiyiinta haweenka Somaliland ee WIJA.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uu u mahad-celiyey Ururka suxufiyiinta haweenka Somaliland ee WIJA iyo Wasiiradii,madaxdii,culimadii iyo guddidii dib u dhiska biriijka 2aad ee Caasimada Hargeysa. “Waa tii la yidhi haddii aanay dadku isku mahadniqin ILAAHAY-na qofkaasi uma mahadnaqo”.

“Shacabka kamay soo noqonin,idinka (Haweenka Suxufiyiinta) ayaa qaatay kaadhka inaad dareenkiina ka muujisaan waxqabadkii aynu isku tashanay ciddii ugu horeysay ee ciddii wax qabatay ee Wasaaradii iyo guddidi lashaqeynaysay ee casuuntay inay idinka tahay waad ku mahadsan tihiin boqolkiiba boqol”ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.

“Kolay aniga ka wasiir ahaan aniga oo islahaa biriijka adiga ayaa leh hadii dalka iyo hantida la kala sheeganayo iyo haddii ay tahay dawladniba nin waliba wuxuu ku tabcay isaga ayaa iska leh, dawladnimaduna waxa weeyaan waxa danta guud ee la wada leeyahay cidd ayaa uga wakiil ah dadka, markaa hawlaha guud iyaga dadka uga wakiila wixii dhismayaasha oo kolba ciddii joogta ayaa  hantida si lahaanshiyo ah dadkii ugu mataleysa oo haysa, waa xafladii ugu horeysay ee ku saabsan biriijka ee la iigu yeedho,markaa mahad gaara ayaan idiin jeedinayaa”.

Siciid Sulub waxa uu ka sheekeeyey wakhtigii uu dumay biriijka labaad ee Caasimaa Hargeysa heerka ay wakhtiga taagta dawladu uu taagna iyo sida uu ugu dhiiraday in biriijkan casriga ah dhismihiisa la dhameystiro.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,Agaasimaha madaxtooyada Amaina, Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire waxaanay dhamaantood ka warameen sida loogu baahan yahay in si wada jir wax loo wada qabsado oo la isku duubnaado, isla markaana la soco celiyo iska wax u qabso.

Ugu Danbeytiina waxay halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen Ururka WIJA Guddoomiye Kuxigeenka Guddidii dib u dhiska biriijka 2aad ee Caasimada Hargeysa Sheekh Xasan Cabdi Salaan iyo Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.