Hargeysa-(Berberanews)- ciidamada Ethiopia ee loo yaqaan New Police oo ka hawlgala Kililka Shanaad ee is maamulka Soomaalida, ayaa aduub u geystay keceen shalay gaadhigii taliyaha sirdoonka Somaliland iyo dadkii saarnaa oo ay ku jiraan dareewalkii taliyaha sirdoonka Somaliland Cabdi Maxamed Nuur iyo sarkaal ka tirsan ciidanka oo magaciisa lagu sheega Maxamed Xuseen.
Xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hada wax war ah kasoo saarin dhacdadaa oo shalay ka dhacday wadada u dhaxaysa Wajaale iyo Jig-jiga, kuwaasoo aan la garanayn sababta ilaa hada loo afduubay gaadhigaa Taliyaha iyo dadkii saarnaa oo wararka qaar sheegayaan inay ahaayeen ilaa shan qof oo marka laga reebo dareewalka iyo sarkaalkaa saddexda kale ahaayeen Nin ganacsade ah iyo agaasimhii dalada SONYO, kuwaas oo xiliga la afduubay ku sii jeeday dhinaca Jig-jiga oo sida ay xogahaasi sheegeen kasoo qaadayeen dad imanayay, balse ay ciidanka New Police ee Ethiopia gaadiidkii wada joojiyeen kadibna u sheegeen inay gaadhigan rabeen oo ay sidaa ku kaxaysteen gaadhigii Taliyaha Sirdoonka Somaliland. Laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in la soo daayay Agaasimaha Dalada SONYO. Siciid Maxamed Axmed (Ina Surwaale).
Talaabada ay qaadeen Booliska Ethiopia ee lagu magcaabo New Police ayaa loo malaynayaa inay xidhiidh la leedahay, Kadib markii ciidanka amaanka Somaliland ay ay todobaadkan xabsiga u taxaabeen shan nin oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, kuwaas oo ay sheegeen inay si sharci daro ah usoo galeen dalka, isla markaana laga qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale.
Dhacdooyinkan u daneeyay, ayaa xiisad ka abuuri karta labada dale e Somaliland iyo Ethiopia oo waxyaabo baddan oo dhinaca amaanka ah iska kaashan jiray, isla markaana xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com