Qaxooti Reer Somaliland Oo Ka Soo Cararay Kacdoonka Yemen, ayaa Berbera Soo Gaadhay

Hargeysa (Berberanews)-Sagaal iyo toban qof oo u dhashay Somaliland kana soo cararay qalaalaasaha dagaal ee ka oogan wadanka Yaman ayaa maanta soo gaadhay magaalada berbera , kuwaasi oo qeyb ka ah bulshada Somaliland ee ku noola dalka Yaman .
Isu duwaha dibu dejinta qaxootiga ee wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Saaxil Jaamac Siciid Muxumed ayaa wakaaladda wararka ee solna u sheegay in 19 qof ay isugu jiraan qoysas iyo dhalinyaro ka shaqaysan jiray dalka Yeman , isla markaana ka soo cararay kacdonada gacan ka hadalka isku rogay ee ka taagan waddanka Yaman .
Isu-dawaha dib u dajinta qaxootiga ee wasaaradda arimaha gudaha a ee gobolka Saaxil Jaamaca Siciid Muxumed waxa uu intaasi ku daray in soo dhaweynta iyo qaabilaada qaoysaskan ay kala qayb galeen saraakiil ka tirsan laanta socdaalka iyo caafimaadka ee gobolka Saaxil.
Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore balan qaaday inay soo daad gurayn doonto muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan wadanka Yeman, waxaanay sheegtay inay diiwaan gelisay 1200 oo qof oo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi oo lagu qadaray illaa laba kun oo qof.