Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo beeniyey War uu baahiyey Wargeyska Dawan

 Berbera, (Berberanews)- Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Admirel Axmed Aw Cisman, ayaa been abuur ku tilmaamay war uu qoray Wargeyska dawladda ee Dawan, kaasoo sheegay in koox Budhcad-badeed ahi Xeebaha Saylac ka afduubeen Dooonni Ganacsi oo ay Ganacsato Carbeed wateen.
“Adeer Warka Wargeyska Dawladdu faafiyey Arbacadii ee sheegaya in Koox Budhcad-badeed ahi duleedka Degmada Saylac ka afduubeen Doonni kuwa Ganacsiga ah, waa been aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaanan idiin caddeynayaa inaanay jirin Budcad-badeed Xeebaha Saylac iyo Biyaha Somaliland toona wax ka afduubay. Waxaana nasiib-darro ah in Wargeyskii Qaranku ee Dawladdu maamulayso qoro war been-abuur ah oo aan waxba ka jirin.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Berbera.
“Illaa hadda lama oga meel uu Joornaalkaasi ka soo xigtay warkaas beenta ah, isagoo ku hadlaya afka Xukuumadda..” ayuu yidhi Taliye Axmed Aw Cismaan. Balse, Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland, waxa uu sheegay inaanay jirin Cid Badda Somaliland Gaadiid ka afduubtay, hase ahaatee, waxa uu xusay inay jiraan dhawr nin oo Budhcad-badeed looga shakiyey soo galeen Biyaha Somaliland.
“Waxa jirtay inay Biyaha Somaliland soo galeen illaa 5 nin oo looga shakiyey Budhcad-Badeed inay yihiin, kuwaana waxa arrintooda meel cad iska taagay oo dhirbaaxo xooggan ku dhuftay Ciidammada Badda Somaliland oo kala hadhay Doonyihii iyo qalabkii ay wateen. Balse ma jiraan Budhcad-badeed Biyaha Somaliland soo gashay haddii ay dhacdana Ciidammada waxaa u taalla inay gacanta ku soo dhigaan oo ay illaa haddana gacanta ku hayaan illaa 90 nin oo Budhcadda badaha ah, kuna xidhan jeelasha Somaliland. Balse waxaan leeyahay Wargayska Xukuummadda (Dawan) Biyaha Somaliland haka dhigin Biyaha Soomaaliyaiyo Gacanka Carbeed ee fawdada noqday. Biyaha Somaliland waa nadiif, Budhcad-Badeed soo gashaana ma jirto. Waxaan idinku boorrin lahaa inaad u fiirsataan wararka aad qoraysan.” ayuu yidhi Taliyaha ilaalada Xeebuhu.
“Wargayska dawladu waa kii qarin lahaa waxyaabaha dhaawacaya Qarannimada Somaliland, kuna fool-xun waddankiisa. Laakiin, waxa uu noqday mid xaqiiqada iska indho tiraya. Waxaanannu ka rabnaa Mamulka iyo Tifaftiraha Wargayska Dawan inay keenan caddeymaha wararkan been abuurka ah ee meel ka-dhaca ku noqonaya jiritaanka dhinaca ammaanka Badaha Somaliland oo nabadgelyo ah.”