War Deg Deg: Madaxweyne Silaanyo Oo Xil-ka-qaadis, Isku-bedel iyo Magacaabis Ku Sammeeyay Xukuummadda

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed  Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa soo saaray isku dhaandhayn uu ku sammeeyay qaar ka mid ah wasaradaha dawladda, masuulliyiin xil-ka-qaadis lagu sammeeyay iyo kuwo cusub oo la magacaabay.
 
Masuulliyiinta uu Madaxweynuhu xilki ka qaaday waxa ka mid ah Wasiirka Ciyaaraha, Taliyihii guud ee ciidanka booliska Somaliland, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Agaasimihii Wasaaradda Macdanta iyo biyaha, Agaasimihii iyo Agaasimihii Wasaaradda Dib-u-dejinta.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale dibn u soo celiyay Wasaarado uu baabi iyey wakhtigii uu talada dalka la wareegay, kuwaasoo uu qaarkood  hoos geeyay wasaarado kale, waxaana ka mid ah Wasaaradda Dib-u-dejinta oo uu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Cismaan, iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda oo loo magacaabay Xirsi Xaaji Cali Xasan ooh ore u ahaa Chief of cabinetka iyo Wasaaradda Horumarinta reer miyiga iyo Deegaanka oo loo magacaabay Maxamuud Siciid Maxamuud(Gacamay).
War-saxafaadeed ka soo baxay madaxtooyadda, ayaa waxa kale  oo ku qoran agaasimayaal isku bedel lagu sammeeyay iyo kuwo cusub oo la magacaabay, waxaannu u dhignaa sidan;
 
War-saxaafadeed
 
Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
 
Markuu Arkay:                            Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
 
Markuu Tixgeliyey:                      Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                            In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
 
Markuu Ka Fiirsaday:                   Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
 
Markuu ku Qancay:                     In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
 
 
 Waxa uu maanta  Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne  Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,  iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd.
 
Waxaanay kala yihiin sidan 

NO Magacyada Masuuliyiinta Cusub Magacaabida Wasaarada loomagacaabay
1 Cabdirisaaq Cali Cismaan  Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta
2 Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga
3 Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Waxa loo magacaaba Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda
4 Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada
5 Cabdi Siciid Faahiye Waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6 Maxamed Saqadhi Dubad Waxa loo magacaaba Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL
7 Xuseen Axmed Caydiid(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
8 Ismaaciil Muumin Aar(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada) Waxa loo magacaaba Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka 
9 Maxamuud Raage Ibraahim Waxa loo magacaaba Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah
10 Axmed Dalal Faarax Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada
11 Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka
12 Maxamed Faarax Xirsi Waxa loo magacaaba Agaasimaah Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga
13 Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta
14 Siciid Axmed Jibriil Waxa loo magacaaba Agaasiamaha Guud  ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta
15 Axmed Cilmi Barre Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta
16 Xasan Cabdi Madar Waxa loo magacaaba Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.
 
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday

No Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Cilmi Rooble Furre Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL
2 Maxamed Ibraahim Madar Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
3 Siciid Cali Wayrax Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
4 Axmed Nuux Caalin Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta,  Biyaha iyo Tamarta
5 Axmed Cabdilaahi Rooraaye Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta

 
 
ALLAA                         MAHAD                             LEH
 
Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.