Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo Amniga Soomaaliya oo Haweenay Al-Shabaab ka tirsanyd isku Qarxisay

Muqdisho- (Berberanews)- Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdishakuur Sheeikh Xasan Faarax, ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ka dib markii qarax ismiidaamin ah la beegsatay Gabadh qoyskiisa ka tirsaneyd oo dhawaanahan Guriga uu deggan yahay ku nooleyd, isla markaana la sheegay inay qaraabada Marxuumka ka mid ahayd.
Wasiirka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay qaraxaas, wuxuuna ku geeriyooday Cusbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo dhaawaciisa la dhigay. Qaraxa uu wasiirku ku dhintay ayaa wuxuu ka dhacay gudaha guriga uu degganaa ee isla Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa tacsi u diray qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu Wasiirku ka baxay, iyagoo sidoo kale tacsi taas la mid ah u diray Ummadda Soomaaliyeed ee uu Wasiirka u ahaa Marxuumku.
“Runtii wuxuu ahaa  nin qaali ah oo nagaga dhintay marxalad adag, wuxuuna dhiiggiisa u huray Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan rejeyneynaa in wixii uu ku dhintay lagu guuleysto oo la xaqiijiyo, isagana waxaan leenahay Allah ha u naxariisto.” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Wasiirka, wuxuunu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo ka Ummadda Soomaaliyeed, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday Marxuum C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ay gacan ka xaq darani dishay, waxaan Illaahey uga baryayaa in uu Jannadii fardowsa ka waraabiyo. C/shakuur wuxuu ahaa nin Qaran, mana dhiman ee wuu dhuuntay.”
“Waxaa noo socda baadhitaan aannu ku xaqiijinayno, waxaanannu natiijada soo saari doonnaa marka uu baadhitaankaasi noo dhammaado Insha Allah. Waxa uu ahaa Nin qaran oo Soomaalinnimadu dhab ka tahay oo daacad ah oo dedaal badan oo dadkiisu jecel yahay…”
“Waxa ay sameeyeen ee Ismiidaaminta ahi meel kastay ka dhici kartaa, kuma koobna kaliya Muqdisho…” ayuu yidhi Farmaajo oo aad u qiiraysan, isla markaana ka nacsan geerida Wasiirka, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Al-Shabaab oo ay toddobaadyadii ugu dambeeyey dagaallada kaga xoog-roonaadeen Ciidammada dawladdu in ay illaa shalay weerarro sameeyeen, kuwaasina ay muuijnayaan inaanay awooddoodu wiiqmin, balse waxa uu sheegay Ra’iisal
Wasaaruhu inay weerarrada is-qarxintu yihiin kuwo wixiishnimo, arxan-darro iyo fulaynimo isugu jira.
Qaraxa uu ku dhintay Wasiirkii Amnigu waxa sheegtay inay ka dambeeyeen Malleeshiyada Al-Shabaab oo hore qaraxyo sidan oo kale ah ugu dishay Wasiirro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya. Balse, waxa uu qaraxani kaga duwan yahay kii argagixiso ee ka horreeyey, waxa fulisay qof Dumar ah, taasoo noqonaysa Haweenaydii ugu horreysay ee ka tirsan Kooxda Xag-jirka ah ee Al-Shabaab ee qarax noocan oo kale ah fulisa, iyada oo weliba Wasiirka ay isku qarxisay Gurigiisa muddo ku noolayd, isla markaana la sheegayo inay ka mid ahayd ehalada Marxuumka oo uu Adeer ugu toosnaa. Gabadha Wasiirka Geeriyooday isku qarxisay, ayaa iyaduna dhimatay Wasiirka ka hor.
Wuxuu ka mid ahaa Wasiirku Wasiirrada ugu shaqada badan ee Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ku magacawnaa xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Waxaa hore qaraxyo sidan oo kale loogu dilay Wasiirro ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Axmed C/llaahi Waayeel, Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Qamar Aadan Cali, Saleebaan Colaad Rooble, iyadoo ay sidoo kale jireen Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo iyana qaraxyo ismiidaamin ah lagu dilay.
Qaraxan shalay lagu dilay Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Khamiistii dorraad qarax ismiidaamin ah lagu qaaday Dekedda Muqdisho, kaasoo dhimasho iyo dhaawacba geystay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.