Dadweynaha reer Saaxil oo dareen Cadho leh ku qaabbilay Isku-shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo markii labaad Sameeyey

Berbera- (Berberanews)-  Dadweynaha reer Saaxil ayaa dareen cadho leh ku qaabbilay Isku-shaandhaynta uu Madaxweynaha Somaliland ku sameeyey golihiisa Xukuumadda, isla markaana waxay ku tilmaameen mid aan wax horumar ama is beddal togan ah laga dheehan Karin.
Dad cadhaysay oo maanta isugu soo baxay Suuqyada Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayuu Weriyaha Berberanews ee Berbera, wax ka weydiiyey waxa ay ka cadhaysan yihiin, iyo ujeeddada ay isugu soo baxeen, waxay sheegeen, inuu Madaxweynuhu iska indha-tiray tabashooyink dadweynaha reer Saaxil qabeen tan iyo markii uu Xukuumaddiisa ku dhawaaqay 27-kii Bishii July 2010.
“Xukuumaddii uu Madaxweyne Siilaanyo soo dhisay markii uu doorashada ku guulaystay Hal Wasiir iyo Hal Agaasime ayaannu ku lahayn, tabashooyin badan baannu qabnay, maanta waxaannu filaynay inuu Isku shaandhaynta uu sameeyey cid uun nagaga soo daro ee maannaan filayn in Agaasimihii kaliya ee aannu kulahayn Agaasimayaasha Xukuumadda la naanaabiyo oo Deegaanka loo beddalo halkii aannu xubno cusub ka filaynay.” Sidaa waxa yidhi Khadar Cali oo ka mid ahaa dadka cadhaysan ee Weriyuhu la kulmay.
“Adeero, waxaan u arkaa aar-goosi, waayo gobolkani isagoo awelba agoon ahaa, hadana sadkiisii kamuu helin xukuumadda cusub, isagoo gobolku markii hore ee xukuumadda la dhisay aan waxba loogu darin, ayaa hadana isku shaandhayntii waxa dhacday in agaasimyihii wasaarada duulista Maxamed Faarax laga bedello booskiisii oo la geeyay meel deegaanka lagu sheegay, taasina waa tiiq tiiqsi, isagana waxaan u soo jeedinayaa inuu is-casilo oo aanu xilkaa qaban.” Sidaa waxa yidhi Khadar Cabdi Yoonis oo ka tirsan Aqoonyahanka reer Saaxil.
Sidoo kale, waxa Aqoonyahanka arrintaa ka hadlay ka mid ahaa Cabdiraxmaan Ismaaciil Yuusuf, waxaanu yidhi; “isku shaandhayntani maaha mid cadaallada ku dhisan waa mid gobollo loogu sad-bursiiyay, halka gobollada qaakoodna iyagoon awelba waxba hayn, hadana laga reebay sida gobolka Saaxil oo ay halbowlaha dhaqaalaha ee dawladu ku tiirsantahay, waana wax laga xummaado in xukuumadda xilka haysaa ay dagaal gaara ku hayso gobolkan Saaxil oo horumar la’aan ka jirtay.”
“Gobolkan Saaxil wuu ka aradadanyahay saamiga gobollada kale yeesheen, halka Boorame labada wasiir ku heleen isku shaandhaynta, reer Saaxil, iyagoo awelba qatanaa ayaa hadana hoos loo sii dhigay, waana sharaf-dil iyo aar-goosi uu Madaxweynuhu ku wado reer Saaxil.” Sidaa waxa yidhi Gar-yaqaan Maxamuud Cali oo ka mid ahaa dadka dareenka ka bixiyey isku-shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Xukuumaddiisa.
Waxaanu Garyaqaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Somaliland waxay ku dhisantahay beelo, saamiga siyaasadeedna waxa lagu qaybsadaa gobollaysi, had iyo jeerna gobolkan Saaxil kama muuqdo saamiyada hay’adaha kala duwan ee dalka iyo Komishanada la magacaabo, waxaan filayay in dawladda Axmed Silaanyo xaqiiisa siin doonto gobolka Saaxil, laakiin taasi may dhicin oo waa laga duudsiyay. Madaxweynaha waxaan leeyahay waxaad madaxweyne u tahay gobollada dalka oo dhan, gobolka Saaxil xaqiisii kaamuu helin.”
Shirar lagaga arrinsanayo mustaqbalka Siyaasadeed ee Beesha Gobolka Saaxil, gaar ahaan (Ciise Muuse), ayaa dhawaan ka dhacay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ah, sida Magaalada London ee Carriga Ingiriiska, Degmada Qoyta ee Gobolka Togdheer, kaasoo ay beeshu ku muujisay tabashooyinka Siyaasadeed ee ay ka qabaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay iskula qaateen inaanay Beesha Saaxil siinnin Saami u qalma marka loo eego Kuraasta Xukuumadda uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) magacaabay.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha u dhashay Gobolka Saaxil, ayaa si weyn uga biyo-diiday markii labaad isku-shaandhaynta Madaxweynuhu sameeyey iyo sida aanu marnaba qorshaha ugu darsan, isla markaana dhagaha uga furaystay tabashada ay dadka reer Saaxil ka qabaan saamiga uu Xukuumaddiisa ka siiyey, waxaanay muujiyeen dareen cadho leh oo ay ka qabaan tallaabada uu Madaxweynuhu qaaday.
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com