Taliyihii Booliska Somaliland oo ka Hadlay Dareenkiisa ku Wajahan Xil-ka-qaadistiisa iyo Magacaabista Saqadhi Dubbad

Hargeysa (Jam/berberanews)- Taliyihii booliska Somaliland Cilmi Rooble Furreh (Kabaal), ayaa Jamhuuriya uga warramay xalay dareenkiisa ku wajahan xil-ka-qaadistiisa iyo sida uu u arko dib-u-magacaabista Maxamed Saqadhi Dubbad oo loo dhiibay jagada isaga laga qaaday.
Mr.Cilmi Kabaal, waxa uu caddeeyey inuu ku faraxsan yahay xilka laga qaaday, isla markaana dareenkiisu wanaagsan yahay, maadaama ay sunnaha dawladnimo ka mid tahay in kolba qof loo igmado hawlaha qaranka, xilka ummadda loo hayaana wareegto yahay.
“Waxaan caddaynayaa inaan aad iyo aad ugu faraxsanahay xilka la iga qaaday, dareenkayga arrintaas ku wajahanna 100% wuu fiican yahay,” ayuu yidhi Cilmi Rooble Furreh oo la weydiiyey dareenkiisa ku waajahan xilka madaxweyne Siilaanyo shalay ka qaaday.
Taliyaha shaqada laga caydhiyey Mr. Cilmi Rooble Furre, waxa uu xilka taliyenimada booliska hayey muddo ku siman toban bilood iyo maalmo, xilligaas oo uu xafiiska ka tirsaday taliyaha cusub Maxamed Saqadhi Dubbad oo madaxweynuhu dib ugu magacaabay shalay inuu noqdo taliyaha guud ee bilayska Somaliland.
Cilmi Rooble Furreh (Cilmi Kabaal) oo Jamhuuriya weydiiyey arragtidiisa la xidhiidha go’aanka madaxweynuhu xilka kaga qaaday, isla markaana uu ugu beddelay taliyihii hore Maxamed Saqadhi Dubad, waxa uu ku jawaabay “Waxaan u arkaa wareegto kolba hawsha qaranka qof loo dirsan karo, wax dhib ahna uma arko, aniguna sidii aan awalba qaranka ugu shaqaynayey ayaan imikana ugu shaqayn doonaa hadh iyo habeenba. Waayo dalku waa dalkaygii oo xilbaa iga saaran in aanu shaqeeyo aniga oo xil haya iyo aniga oo aan xil haynba.”
Taliyihii hore ee booliska Cilmi Rooble Furreh (Cilmi Kabaal), waxa shacbiga reer Somaliland ugu baaqay inay markasta heegan u ahaadaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida dalka, kana hortagaan wixii dhib u keenaya ama dhaawaca degannaanshaha, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay dalka si fiican ugu wada shaqeeyaan, waxaanan ku baraarujinayaa inay markasta heegan u ahaadaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida, kana hortagaan wixii dhib u keenaya degannaanshaha dalka.”