Caasimadda Hargeysa Oo Si Xawliya U Fidaysa Tobankii Sanno Ee U Danbeeyay iyo Maareeyaha Hay’adda Korontada Dawladda Oo Ka Dayriyay Inaanay Dabooli Karin Baahida Laydh


Hargeysa-(Berberanews)- Maareeyaha Hay’adda Korontada dawladda Weli Axmed Xaawo, ayaa sheegay inaanay lahayn awood ay ku daboolaan baahida laydhka caasimadda Hargeysa oo maalinba maalinta ka danbaysa sii fidaysa.
 
Maareeyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa kale oo uu dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ugu bushaareeyay inay degmo kasta uga fureen xafiis u adeega, halka markii hore dadku iman jireen xarunta wershadda oo caqabad ku ahayd imaatinkood.
 
“Annagoo tixgleinayna adeega aanu dadweynaha u hayno waxaannu maanta isugu kiin yeedhnay inaanu macaamishayada ku wargelinno degmo kasta inaanu idiinka furnay xafiis fududayn doona hawlaha shaqo ee wershadda Korontada oo shaqooyinkoodu yihiin inay xaafadaha u qabtaan adeegyada laydh-gelinta, cabashooyinka iyo cilad-saarista oo degmo kasta xafiiskeedu diyaar u yahay.
 
Had iyo goor waxa dhacda in farsammooyin qaldan loo weeciyo xisaabaadka laydhka iyo qaabka lacag-bixintu, dadweynuhu ha joojiyaan shaqaalaha lacagta ay u soo dhiibayaan, dadku goobaha qudha ee ay lacagta geyn karaan waxa ka mid ah bangiga Hargeysa, laanta baanka dawladda ee xaafadda Iftin iyo Xarunta wershadda, qofka meel kale lacag ku bixiyaa isagaa lacagtaa iska khasaariyay.” Sidaa waxa yidhi Maareeye Weli.
 
Maareeyaha oo ka jawaabayay ku-tallo-galkooda fidinta laydhka caasimadda,waxa uu yidhi, “Waanu dedaalaynaa, Roma maalin qudha lama dhisin, halkan mashiinno daalay baanu ugu nimi, laydhkuna waa  tartan, annagu dollar badhii baanu qaadnaa halka kuwa gaarka loo leeyahay doolar qaadaan. Annaga iyo kuwa gaarka loo leeyahay toona ma wada helayno laydh magaalada ku filan, laakiin waanu dedaalaynaa.”
 
Maareeyuhu waxa kale oo uu ka hadlay waxa uu ka qabtay laydh si tuugo ah shaqaaluhu ugu gelin jireen qaar ka mid ah guryaha, “Dadka waxaan u sheegayaa inanka laydhka ka shaqeeya iyo anigu isku saami baanu ku leenahay laydhka oo waanu u simanahay aqalkayga iyo kiisa boqolkiiba 76 baanu wada leenahay, aqal labaad ma yeelan karo anigoo maareeye ah, haddii inanka lagu qabto arrimmo noocaasa shaqada waa laga joojinayaa.”
 
Maareeyaha korontadu waxa kale oo u ka hadlay waxyaabaha uga qorshaysa laydhka iyo xadhkaha  telefoonada ee hadhka u noqday caasimadda Hargesa iyo khatarta ay dadka ku hayaa, waxaannu yidhi, “Arrintaasi waa khatar qaylo-dhaan u baahan, miinada dhulka hay’adaa innoo jooga, miinada cirkana inaynu sugno maaha, anaguna waa dedaalynaa, anaga iyo shirkaduhuna inaanu qorshe ka yeelano weeye.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com