Madaxweyne Siilaanyo: Muteysaye, Ma ku sii wadi doonaa!!?

Qalinkii Cabdifataax I. Mursal
mrmursal@gmail.com
Maaha ammaan aan kaligay la jeclaaday, hase ahaatee, waa mid uu badi bulshadiisa ka mutaystay, ka dib markii uu si kalsooni badani ku jirto u dhexmaray Shacabkiisa isaga oo aanay wehelin ama la soconnin wax Ciidan ahi. Taas oo badi dadweynihii uu la kulmay si weyn u soo jiidatay, isla markaana dareenkooda wax badan ka beddashay, kuna abuurtay farxad badan.
Cid kale maaha ee waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo markii ugu horreysay intii uu xilka qabtay habeen hore lagu arkay isaga oo dhex mushaaxaya Suuqyada Ganacsiga Caasimadda Hargeysa qaarkood, isaga oo aan wadannin wax Askar ah oo ilaaliya, kaliya waxa la socday Marwadiisa, Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo dhar shicib ah xidhan iyo Xoghayihiisa gaarka ah.
Ku darso oo weliba ilaalo la’aanta ka sokow, Madaxweynuhu ma wadan Baabuurtii gaarka ahayd ee lagu yaqaannay, hase ahaatee, waxa siday Gaadhi yar oo nooca loo yaqaanno Crown-ka ah. “Ka warrama shaqada? Su’aashaas kooban ayuu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo weydiiyey Askar isugu jiray Ciidanka Booliska iyo kuwa nabadgalyada waddooyinka ee Tarafikada oo taagnaa mid ka mida Is-goysyada jidadka Caasimadda, kuwaasoo iyaguna ugu jawaabay; “Aad bay u fiican tahay Madaxweyne oo waannu ku qanacsannahay Md. Madaxweyne…” ayey si wada jir ah u yidhaahdeen Askartu. “Allah garabkiinna ha galo, waan idiin ducaynayaaye.” Ayuu u celiyey Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu meelihii uu sida kediska ah u galay habeen-hore waxa ka mid ahaa Kaalinta iyo Super Market-ka National Fuel Station (Indho-birta) ee Xaafadda Jig-jiga yar. “Ka warrama Ganacsiga?” ayuu weydiiyey Madaxweyne Siilaanyo shaqaalaha Macdarka Kaalintaas oo u qaadan waayey qofka salaamay u gartay inuu yahay Madaxweynihii Qaranka ayey haddana u qaadan-waa ku noqotay inay rumaystaan in Madaxweynihii hortaagan yahay. “Miyaanu Madaxweynihii ahayn?” ayuu si deg-dega u yidhi mid ka mid ah Shaqaaluhu.  Waxaanay su’aasha hore ee Madaxweynuhu ka weydiiyey Ganacsigooda kaga jawaabeen shaqaalaha kaalintaasi; “Madaxweyne wuu fiican yahay.”
Madaxweynuhu intii uu kormeerkiisan ka geddisanaa kuwiisii hore ku guda jiray, waxa uu si shaqsi-shaqsi ah u salaamayey dadka uu kula kulmay Meheradaha kala duwan ee uu galay.
La Soco qayb dambe…………………….