Mujaahid Dhego-weyne iyo Musbaar Oo Birmingham Lagu Soo Dhaweeyey.Sawirro

 Birmingham-(Berberanews)- Mujaahid  Ibrahim Dhegaweyne iyo Muj, Maxamed Ciise, (Musbaar), ayaa xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ah loogu sammeeyay magaalada Birmingham ee caasimada 2aad cariga Ingiriiska, halkaas oo dadweynaha reer Somaliland ee Birmingham iyo nawaaxigeeda ku dhaqani isugu yimaadeen.
Xafladaa balaadhan ayaa si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen dad aad u fara badan oo isagu jira qaybaha kala duwan bulshada ay koobantahay Jaaliyada Somaliland gaar ahaan ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska ,waxaana la qabtey abaaro 4Galabnimo ee maalintii Sabtidii ,kuna beegnayd 11.06.11 Xaafada Small-heath ee koonfur-Bari ee magaalada Birmingham.
Xaflad Birmingham7 
 
Xafladan ayaa ku aadaneyd soo dhaweyn balaadhan oo loo sameeyey Muj,Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhega-weyne) iyo Muj, Maxamed Ciise, (Musbaar) oo maalmahan socdaal ku joogay wadanka UK, qabanqaabada xafladan soo dhaweynta ah, ayaa waxa si weyn maalmihii tagey looga dareemayey magaalada Birmingham ayaa waxaa ka soo qayb galey dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo badankoodu ka soo jeedaan deegaanada Somaliland.
Xaflad Birmingham6 
Waxaa ugu horayntiiba Cumar cabdilaahi Yaasiin oo isagu xafladaa soo dhaweynta ah  xidhiidhinaayey ku soo dhaweeyey Sh, Maxamed Ibraahim oo sidii caadada ahayd ka akhriyey aayado qur’aan ah oo dadka qushuuc ku beeray  iyo darsi diini ah oo xafladaasi uu ka soo jeediyey.
 intaa ka dibna waxaa la guda galay faahfaahinta iyo ujeedada xaflada waxaana ugu horeyn hadal qiimo badan oo isagu jiray nuxurka xaflada iyo ujeedada ka dambeysa halkaasi ka soo jeediyey Maxamed Ismaciil Muse oo ka mid ah odayaasha  Somaliland ee Birmingham waxaana uu ka warbixiyey ujeedada xaflada , isagoo tibaaxay in ay ugu talagaleen xafladan soo dhaweynta , Mujaahidiinta  Mudane, Ibraahim Cabdilahi Xuseen(Dhega-weyne) iyo Muj, maxamed Ciise (Musbaar ) isagoo sheegay in ay tani tahay talaabo ay ku ogyihiin  mujaahidiintoodii dalka u soo halgantay iyo weliba shakhsiyada mudane Ibraahim dhegaweyne, waxaanu mahadbalaadhan u soo jeediyey dadkii xafladan qiimaha ka soo shaqeeyey.
Xaflad Birmingham5 
Mudane Yuusuf Tarabi Weyd oo ka midda odayaasha iyo qabanqaabiyaashii xaflada ,ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsadey in labada mujaahid ay yihiin masuuliyiin  wax weyn u qabtey dadka reer Somaliland gaar ahaan halgankii wadanka lagu xoreeyey , runtiina waxaa dhaba ayuu yidhi in ay ka mid ahayeen halyeyadii aan helnay, waxaana uu sheegay mudane, Tarabi in ay aad ugu faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan magaalada Birmingham , isla-markaana weydiiyey dadka xaflada joogay in loo baahanyahay inaan ilaalino markasta mujaahiinteena iyo ubadkooda.
Mudane, Maxamed Jamac Xujaale(Aabi) , oo ka mid ahaa oadayadii  xafladaasi ka hadley ayaa ka dib soo dhaweynta Mujaahidiinta  ,wuxuu si weyn uga hadley halgankii dalka oo uu aad ugu amaanay mujaahidiinta, isagoo xusey inay aad ugu faraxsan yihiin inay ku soo dhaweeyaan wadanka UK .
Dhanka haweenka waxaa xafladaasi hadal ka jeedisay  Marwo, Daina Dirie , oo u dhalatay England ,asal ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa xustey sida ay aad ugu faraxsan tahay soo dhaweynta mujaahidiinta  oo ku tilmaamtay in ay  u hayaan xushmo aad u weyn oo ku aadan halgankoodii , iyadoo warbixin kooban ka jeedisay goobtaa  oo ku saabsan halgankii SNM.
Xaflad Birmingham4 
Intaa ka dibna Marwo, Diana iyo saygeeda Md, Axmed Cabdilahi Diiriye,iyo weliba Md,Foosi Axmed Ibraahim , ayaa halkaa ku gudoonsiiyey laba bilad sharafeed oo Dahab ah (hero’s honour) oo ay magacyadooduna ku xardhan yihiin Muj, Ibraahim Cabdilahi Xuseen(Dhega-weyne) iyo Muj, Axmed Mire Maxamed oo ahaa labadii taliye ee kala hogaaminaayey ciidamadii SNM Burco Iyo Hargeysa, waxaana ka gudoomay Muj, Ibraahim dhegaweyne oo kana wakiil ah mujaahid Ahmed oon goobtaas isagu  ku sugnayn.
Isla markaana waxaa codbaahiyaha si toosa loogu soo dhaweeyey md, Ibraahim Macalin Qaasim , waxuu ku soo dhaweeyey mujaahidiinta magaalada Birmingham ,isagoo si gaara u xusay in ay muj, ibraahim dhegweyne ay meel ku soo koreen, isla markaana waan ku faraxsanahay ayuu yidhi inaan la kulano , waxaana loo baahanyahay in mujaahidiinta si xushmad leh aan u xusno waqti kasta,oo aynu ilaashano kuwa nool,kuwii geeriyoodayna had iyo goor u ducayno. 
 Intaa kadibna waxa halkaa lagu soo dhaweeyey Muj. Max,ed Ciise,(Musbaar) ,  waxaan marka hore idiinku mahad celinayaa ayuu yidhi sida sharafta iyo hagarla,aanta ah ee maanta halkan noogu soo dhaweyseen , sidoo kale waxaan halkaa mahadcelin khaas ah uga gudbinayaa, xubnihii waqtigooda qaaliga ah u huray, xafladan soo dhaweynta ah.
Xaflad Birmingham3 
Isagoo ku booriyey dadkii halkaa isugu yimi iney bartaan habka maamul-wanaagga iyo dhaqanka socdaal (immigration Law), Waxaa loo baahanyahay ayuu yidhi  in midhihii halgankeena inaan ilaalishano, isla markaana sheegay in ay dhici doonto in reer Nabi Adam ay isugu iman doonaan dalkeenna Somaliland khayraadka iyo nimcada taala awgeed,mustaqbalka dhow.
 Ugu danbaytii  Mudane, Cumar Cabdilahi Yasiin  oo ahaa xidhiidhiyihii xafladaasi , ayaa halkaasi ka jeediyey warbixin hordhaca ,isla-markaana dhinacyo badan taabanaysay kana hadley soo dhaweynta Mujaahidiinta iyo waliba aqoonta uu u leeyahay, muj,Ibrahim Dhegaweyne , isagoo ka sheekeeyey taariikhdiisii oo kooban siiba waxbarashadiisii, isla-markaana sheegay in ay mudan yihiin in sidan iyo si ka sii badan loo soo dhaweeyo, waxaana xaqiiqdiiya ayuu yidhi,  inay lama huraantahay , in markasta madaxdii SNM oo ah raggii dalkan Somaliland u soo halgamay la xusuusnaado, isla markaa waa waajib ina saaran markasta inaan soo dhowayno.
Xaflad Birmingham3 
Ugu dambeyntii waxa uu ku soo dhaweeyey Muj, Ibraahim Cabdilahi Xuseen (Dhegaweyne), waxaana ugu horeyn uu mahadcelin aad u balaaran oo aan la soo koobi karin uu u jeediyey qabqanqaabiyayaasha xaflada lagu soo dhaweynayey sidoo kalena wuxuu mahadcelin u soo jeediyey dadweynihii boqolaalka ka badnaa ee xaflada ka soo qayb galey.
Xaflad Birmingham3 
Intaasi ka dib wuxuu Muj, Ibrahim dhegaweyne  uga warbixiyey ka soo qayb galayaashii xaflada ,isla-markaana si qoto dheer ugu waramay  halgankii SNM iyo maanta halka uu dalku maraayo oo looga baahan yahay ,ayuu yidhi iney qurba joogo qaybtooda si dhaba uga qaybqataan markasta  horumarinta iyo dhismaha dalkooda iyagoo ka faa’iideysanaya waaya argnimada iyo khibradda ay ka korodhseen wadamada reer galbeedka gaar ahaan dalkan Ingiriiska aad ku dhaqan tihiin.
Loogana baahanyahay markasta laga qaybqaato arimaha  dhaqaalaha iyo a bulshada gaar ahaan wuxuu si weyn carabka ugu adkeeyey ka qayb-qaadashada Horumarka wadanka, waxaana uu ka codsadey dhamaan ka soo qayb galayaashii xaflada inay u guntadaan markasta sidii ay dadka walaalahooda ee dalka ku dhaqan ugu gurman lahaayeen oo ay uga taageeri lahaayeen dhinaca arimaha Bulshada.
Waxaana aad ugu dardarmaay In markasta la ilaaliyo Midnimada iyo wadajirka , isla markaana laga fogaado waxii khilaafa ee kala dhantaali kara midnimadiina
Muj Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegawayne) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu magaca wayn leh saraakiishii ururkii SNM,ahaa taliyihii watay ciidankii hargeisa soo galay,  iyadoo ay tahay markiisii labaad ee uu u baxo safar dalka debediisa ah mudo badan, lakiin iminka waxa uu nasiibkiisu ku beegay inuu dadwaynaha reer somaliland ee UK kala qayb qaato Maalinta Qaranka ee 18 May 2011, waxaana la odhan karaa marka loo eego meeqaabka loo sameeyay & soo dhawaynta diiran ee uu kala kulmay dadweynaha UK jooga ee reer somaliland , oo ah dad aad u jecel Mujaahidiintooda & wadankoodaba.
Ugu danbayntii Jaaliyadaha Somaliland ee Birmingham iyo nawaaxigeeda  ayaan  u kala hadhin soo dhaweyntaa Mujaahidiinta Ibraahim Dhegaweyne iyo Muj, Max,ed Ciise (Musbaar) oo si gaara uga dhex muuqda sooyaalkii taarikheed S,land waxay kaloo mudada ay joogaan shirar la qaadan doonaan jaaliyadaha kale reer Somaliland ee wadanka UK.
 Waxaa halkaa looga mahadceliyey intii soo qabanqaabisay iyo intii ka soo qayb-gashayba xafladan sharafta leh.
 
Sawir qaade: Axmed Mire (Birmingham)
Halka qoraalkana uu Diyaariyey
Adan Yusuf Elmi , B, ham (UK)