Raysal-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Oo Mar Saddexaad Ku Guuaystay Doorashada Dalkaas

Turkey- Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guulaystay markii sadexaad madaxtinimada dalka isagoo ballanqaaday in uu kala shaqayn doono mucaaradkiisa dastuur cusub oo dalku yeesho.
Xisbigiisa cadaaladda iyo horumarinta ee AKP ayaa ku guulaystay ilaa konton boqolkiiba codadkii la tiriyay doorashooyinka guud ee dalkaas ka dhacay maalintii Axadda.
Wararka ka inamaya Istanbul ayaa sheegay in guushan uu gaadhay Erdagon ay ka dhigayso Mr Erdogan in uu noqdo hogaamiyaha ugu awoodda badan dalka Turkiga tan wixii ka dambeeyay aasaasihii dalka Turkiga Ataturk.
bbc