Shirkadda Dahabshiil Oo Wershado Ay Saami Ku Bixinayso Ka Hirgelinaysa Berbera iyo Baabuur Dab-demis ah Ugu Deeqday Madaarka

Berbera (Berberanews)- Cabdi Faraax Cabdi oo ka mida Masuuliyiinta sar-sare ee Shirkadda Dahabshiil oo waraysi gaara maanta siiyey Shebekadda wararka ee Berberanews, ayaa ka warramay qorshayaasha dhawr Mashruuc oo ku talagalkoodu yahay in Gobolka Saaxil laga hirgalinayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin Dahabshiil Baank oo xarun ku yeelan doona iyo Wershado dadweynuhu wax ku yeelan doonaan.
Cabdi Faraax Cabdi kana tirsan Masuuliyiinta sare ee Shirkadda Dahashiil oo maanta Weriyaha Berberanews ee Gobolka Saaxil kula kulamay qaybta VIP-da ee Madaarka Berbera, halkaas oo Shirkadda Dahabshiil ay ku wareejisay Gaadhi Dam-damis ah oo ay ugu deeqday Garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Berbera, waxaanu Weriyuhu wax ka weydiiyey arrimo badan oo ku saabsan Wershadahaas ay dhawaan keeni doonaan.

Waraysigaasina waxa uu dhacay sidan:-
S.Cabdi Faraax, waxaad ka mid tahay Masuuliyiinta sar-sare ee Shirkadda Dahabshiil, bal waxaad nooga warrantaa qorshiinna keenista Wershado cusub?
J. Marka hore aad ayaan idinku mahad-naqayaa qoladiinan Berberanews, marka xiga horta maanta gobolku meel fiican ayuu marayaa Illaahay mahaddii; wax badan oo muuqda ayaa ku soo kordhay. Annaguna waxaannu diyaar u nahay in aannu dhankayaga ka qayb qaadanno, oo waanaggaa maantaba Dam-damis aannu ugu tala-galnay inuu wax ka taro baahidii Madaarka, kuwa kalena waannu kaga qayb qaadan doonnaa horumarka gobolka, waa taa sababta Annagana (Dahabshiil ahaan) nagu dhiirri-galisay in aannu gobolka ka billowno mashaariic iyo Wershado u badan Sheerer ama faa’iidada Shirkadda lala qaybsado Annag oo doonayna si aannu Berbera u horumarino ku soo kordhinno goobo wax soo-saar oo fursado shaqo u noqota dadwaynaha iyo dayarta reer Berbera. Dadwaynaha iyo Ganacsatada Gobolkana aannu isugu xidhnaanno, maaddaama oo Gobolku yahay meelaha dalka ugu khayraadka badan.

Waxaan intaa ku darayaa waxaannu dhawaan Berbera ka hirgalin doonnaa Baangi caalamiya oo la shaqeeya Bangiga Jabuuti, kaas oo isaga qudhiisa aannu ugu tala-galnay inuu noqdo mid ummadda u fududayna hawlaha xagga Ganacsiga, dhawaan ayaana Berbera laga furayaa.
S. Markaa, Bangigu ma wuxuu noqonayaa mid caalamiya sida ka Jabuuti Dahabshiil Bank?
J. Haa, waa caalami, waa qayb la mida ka Jabuuti oo bulshada reer Berbera iyo Somaliland oo dhan u adeegi doona Insha Allaah.
S. Hhirgalintiisa Dahabshil ayaa iska leh Baankaas, laakiin bulshadu ma idinla yeelanaysaa ama sheer ma ka bixinaysaan?
J. Waa su’aal fiican, walaal isaga laftiisa marka ay Shirkaddu dhammayso furitaankiisa waa sheer oo bulshada ayaannu u soo bandhigaynaa.
S. Goorma ayaad furaysaan Baanka caalamiga ah, Berbera mooyaane meelo kale oo aad ka furaysaan ma jirtaan?
J. Waxaannu furaynaa dhawaan oo qorshahiisu wuu noo dhan yahay. Berbera ayaana nasiib u heshay.
S. Waxaad sheegtay in la wado cilmi baadhis ku saabsan Wershado aad furaysaan bal noo sheeg Wershadahaas iyo goortay hawshoodu bilaabmayso?
J. Marka sahamintu dhammaato waxaannu ku talo jirnaa in Wershadda Kallunka iyo mid Millix oo bulshadu nala leedahay aannu hirgalinteeda billowno, waayo? Siyaasaddayadu waxa weeye in bulshada aannu wax qabadyo waawayn oo ay ka shaqaystaan u abuurno, waxa kale oo bushaaro u ah reer Berbera iyo Somaliland-ba in marka ay dhammaato ballaadhinta Shirkadda Somtel loo soo bandhigi doono sheerlay (Saamiyo).
S. Dadwaynaha reer Saaxil, waxay tebeyaan qaybtii uu Dahabshiil ku lahaa horumarinta gobolka oo aan muuqan, arrintaa sided u aragtaan idinku?
J. Walaal runtii shirkaddu waxay ka qayb-qaadatay dhismaha waddada Airportka Berbera sannadkii 2007, kaasoo ay hirgelinaysay D/hoose ee Berbera, waxaa kale oo aannu ugu deeqnay Schoolka sare ee SOS Sheekh Mishiin laydh oo ay aad ugu baahnaayeen, waxaa iyana aan ka madhnayn ka qayb qaadashada waxyaabaha fudud ee Gobolka laga fulinaayo, maantana waxannu wadnaa Gaadhigan Dabdamiska ah, oo qiimihiisu gaadhayo $45,000 Doollar, Sidoo kale, waxa aannu diyaar u nahay inaannu ka taageerno mustaqbalka hadba wixii ay baahida bulshadu tahay.
S.Waxaad ka warrantaa mawqifkiina ku aaddan Wershadda Sibidhka Berbera iyo qorshihiinnu wuxuu yahay?
J. Waxay Siyaasaddayadu tahay inaannu ummadda wax la yeelanno, iyana ay wax nala yeeshaan, waxaanan filayaa inay sidaasi tahay mid cid walba qancinaysa, arrinkaasina wali wax cusubi kama soo bixin.
S. Shirkadda Telesom iyadu way ka baxday heshiiskii Wershadda Sibidhka, arrinkaasi siduu idiin saameeyey?
J. Taasi iyaga ayey u gaar tahay ikhtiyaarkana iyagaa iska leh
Sidoo kale, Shirkadda waddaniga ah ee Dahabshiil, ayaa baabuur dab-damis ah ugu deeqday madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo ah ka ugu way nee dalka ka jira.
Baabuurkan oo lagu kala guddoomay munaasibad maanta lagu qabtay xarunta madaarka diyaaradaha oo ay ka qabgaleen Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, masuuliyiin ka tirsan shirkadda Dahabshiil iyo madaxda kale, waxa masuuliyiintu ka hadleen faa’iidada gaadhigani u leeyahay madaarka iyo mahadnaq ballaadhan oo loo jeediyey shirkadda Dahabshiil.
Cabdi Faarax oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil, isla markaana isagu wareejinayey gaadhigaasi, ayaa hadal uu munaasida ka jeediyey waxa uu ku sheegay in shirkadda Dahabshiil oo mar walba ka qaybqaadata hawlaha tabaruca iyo horumarka dalka ay baabuurka dab-demiska ah kaga qaybqaadanayso horumarka magaalada Berbera ka socda.
“Waxaannu gaadhigan qorsheynay markii aannu aragnay in madaarkii Berbera laga sameeyay horumarin muuqata oo lagu dhiirado, waxaanay taasi ka timi mulkiilaha guud ee shirkada Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale, isaga ayaana gaadhigan ugu deeqay garoonka waxaanu ka yimi dhinaciisa iyo fikirkiisa. Shirkadda Dahabshiil waxay ku caan baxaday taakuleynta bulshadeeda kala duwan, iyadoo lagu yaqaano in ay gacan ka geysato meel kasta oo tabarucaad laga wado.
Maanta waxaannu Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawda ku wareejinaynaa baabuurkan dabdamiska Ah oo qiimaha uu shirkada ku joogaa tahay lacag dhan $45,000 dollar (shan iyo afartan kun oo dollar), waana baabuur qalabkiisii dabka lagaga hortagayey u dhan yahay,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Faarax.
Waxa kale oo uu sheegay Cabdi Faarax in shirkadda Dahabshiil ay doonayso inay dalka ka samayso maalgelin, gaar ahaana ay gobolka Saaxil ka hirgeliso warshado wax-soo-saar oo dalka faa’iido u soo kordhiya.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Magaaalada Berbera oo runtii lagu sheegi jiray mid ka dambeysa magaalooyinka kale, waxa imika laga dheehan karayaa horumar muuqda oo dhinac walba ah haddii ay madaarka diyaaradaha tahay, haddii ay dekekadda tahay iyo dhammaan magaalada oo bilicdeedii kor u kacday, taasina waxay keentay in shirkadda Dahabshiil ay qorshayaal badan soo dejiso, kuwaas oo ay ka mid yihiin in shirkadu Berbera ka sameyso warshado dhawr ah oo bulshadeenu shaqooyin badan ka hesho waananu soo wadnaa warshadahaa haddii Ilaahay yidhaa.”
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey deeqda shirkadda Dahabshiil ku wareejisay madaarka oo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa.
“Waa wax lagu farxo in muwaadin ka mid ah ganacsatada reer Somaliland uu garoonka diyaaradaha Berbera ugu deeqo gaadhi dab-damis ah oo runtii qiime weyn ugu fadhiya garoonka iyo adeegiisa, aadna loogu baahnaa waxaannan shirkada Dahabshiil uga mahadcelinayaa deeqda ay dalkooda ugu deeqeen,” ayuu yidhi Mr. Ramaax.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu baabuurka dab-damiska ka guddoomay shirkadda, ayaa u mahadnaqay Dahabshiil oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka qaadatay garoonka diyaaradaha Berbera oo ah ka ugu mashquulka badan madaarada dalka, isla markaana ay isticmaalaan shirkadaha waaweyn ee Jetka loo yaqaano.
“Waxan u mahadcelinayaa shirkada Dahabshiil ee gaadhigan inoogu deeqday iyo muwaadinimada ay muujiyeen, gaadhiganina wax weyn ayuu garoonkan ka tari doonaa,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.
Berberanews.com
Berbera/Somaliland.