Hargeysa(Berberanews)Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si lama filaana maanta cod aqlabiyad ah ugu meel mariyay xeerkii u horeeyay ee loo sameeyo isgaadhsiinta dalka, kaas oo hore golaha wakiiladu ugu kala qaybsameen meel marintiisa. Kadib markii ay mudanayaasha qaarkood ku doodeen inaanay qodobada xeerkaa qaarkood waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka dalka, balse loogu awood sheegtay ansixintiisa dhaqaalle lala daba taagnaa.
Xeerka oo lagu soo daray ajandaha kalfadhiga 44aad ee golaha guurtida ayaa maanta Fadhigii Golaha Guurtida ee maanta oo uu gudoominayay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, si lama filaana loogu ansixiyay, iyadoo mudanayaashu shalay si duuduub ah ku ansixiyeen ajandaha kalfadhiga. Subaxnimadii hore ayay mudanayaasha golaha oo isu habar wacday 77 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay kulan ku yeesheen hoolka wsaarada arrimaha gudaha Somaliland, waxayna iyagoo u muuqda inay xeerka meel marintiisa debeda kaga soo heshiiyeen soo fadhiisteen madasha . kadibna Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo jeediyay in Goluhu meel mariyo xeerkan si loogu gudbiyo Madaxweynaha oo uu digreeto ugu soo saaro dhaqan gelkiisa.
Waxaana durbadiiba loo weydiiyay cod xeerkaa golaha, iyadoo aan dood iyo dib u eegis midna lagu samayn, isla markaana 75 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta xeerkan isgaadhsiinta oo indhaha lagu hayay oo ay dad badani danaynayeen go’aanka Golaha Guurtidu ka qaadan doono. Waxa xeerkan diiday hal Mudane oo ahaa Xildhibaan Prof. Axmed Dirir Cali, Guddoomiyuhuna muu codayn.Golaha Guurtidu waxay u gudbinayaan Madaxweynaha Somaliland.
Mudaneyaashii u codeeyay ansixinta xeerkan ayaa ku doodayay in xeerkani uu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka loona baahan yahay in la ansixiyo si loo dhaqan geliyo. Laakiin gebi ahaanba mudanayasha ayaa u muuqday kuwo aan waxba kala socon xeerka, iyadoo ay sharciyan ahayd in ka hor loo qaybiyo xeerka sida uu dhigayo nidaamka golayaasha, markaa ka dib markay soo eegaan ee akhristaan, haddii aanay gudida joogtada ahi soo eegin oo aanay warbixintooda kusoo darsan xiliyada fasaxa ee golayaashu xidhan yihiin, balse xeerkan oo markii golaha wakiiladu ku kala qaybsamay ansixintiisa loo gudbiyay xiligii fasaxa golaha guurtida, waxa loo diiday gudida joogtada ah inay naaqishaan si ay furitaanka kal fadhiga ugu soo darsadaan warbixintooda, taas oo aan waafaqsanayn qaabka loo maro xeerarka, ama mooshinada golayaasha loo gudiyo, kuwaas oo la weydiiyo in goluhu dood ka galo iyo in sidaa cod loogu qaado. Laakiin waxa xeerka isgaadhsiinta oo dhaliilo baddan xanbaarsanaa, waxay mudanayaasha guurtidu u badheedheen inay sidaa kusii daayaan, iyadoo dhaqaalle baddan lala daba taagnaa xeerkaa meel marintiisa tan iyo markii awooda dhaqaalle lagu jiidhsiiyay golaha wakiilada Somaliland dhawr bilood ka hor.
Xeerkan oo ka kooban 81 Qodob waxa mudadii uu golaha wakiilada yaalay ku loolamayay shirkado dhaqaalle malaayiin dolar ku bixinayay, iyagoo qaarkoo doodnayeen in sidaa lagu sii daayo, kuwa kalena doonayeen in qodobada qaarkood wax laga bedelo ka hor inta aan la ansixin. shirkada ugu weyn shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa iyadu hore u naqdiyay xeerkaa markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen dhawr bilood k aho, waxayna ku dooday inay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya xeerarka,dastuurka dalka iyo shareecadda islaamka. Sidoo kale qaybo baddan oo ka mid ah bulshada ayaa dhaliilay xeerkaa, iyagoo ku tilmaamay mid aan dan u ahayn mujtamaca, balse loo sameeyay shirkad gaar ah.
Xeerkan ayaa noqonaya mid saamayn weyn ku yeesha siyaasada dhaqan dhaqaalle ee dalka iyo sida loogu kalsoonaan karo shuruucda iyo xeerarka kasoo baxa golayaasha sharci dejinta ee wakiilada iyo guurtida, wuxuuna noqonayaa xeerkii ugu horeeyay ee ay golayaashu u ansixiyaan shrkad ama shaqsiyaad gaara oo iyagu soo samaysatay, isla markaana wuxuu noqonayaa xeerkii u horeeyay ee mudanayaasha golaha guurtidu iyagoon arag oo aan golaha loo qaybin magac ahaan loo ansixiyo, taas oo horseedi karta in xeerkani noqdo mid si badheedh ah u horseeda dagaal dhaqaalle oo dalka ka bilaabma, kaas oo mudooyinkii golaha wakiilada lagu jiray doodiisa iyo meel marintiisaba si weyn loogu loolamayay.
Araweelonews