Madaxweynaha Somaliland oo ka warramay Siyaasadda Xukuumaddiisu ku hagi doonto Garsoorka iyo Caddaaladda dalka

Hargeysa(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay shirweyne Qaran oo dib loogu saxayo hannaanka Caddaaladda iyo Garsoorka. Isla markaana waxa uu ka warramay qorshaha Xukuumaddiisa uga meel-yaalla sixidda Garsoorka iyo siyaasadda ay ku hagi doonto nadaamka Caddaaladeed.

 

Shirweynahaas oo maanta ka furmay Huteel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah, waxaana ka sokow Madaxweynaha ka qeyb-galay Xubno ka kala socday Maxkamadda Sare, Xeer Ilaalinta guud, Sharci-yaqanno iyo Culimo, waxaana laga soo saari doonaa qorshe hawleed lagu sixi karo nidaamka Garsoorka Somaliland oo gal-daloolooyin badani ka muuqdaan.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu shirweynahaas ka jeediyey Qudbad dheer oo uu kaga hadlayay qorshayaasha siyaasadeed oo Xukuumaddiisu ugu talagashay in lagu hago hannaanka garsoorka iyo siday uga go’an tahay inay saxdo qaladaadka dhinaca Garsoorka iyo Caddaaladda. Khudbaddaas Madaxweynuhu jeediyey oo qoraal ahayd, ayaa waxay u dhignayd sidan:-

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim.                                                              Salaasa, 14/06/2011

Madaxda Dawlada, Ergada Shirka iyo Marti-sharafta waxa aan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka: Assalaamu-calaykum Wa-raxmatulaahi wa-barakaatu.

Mudanayaal iyo Marwooyin:

Garsoorka iyo Caddaaladu waa laf-dhabarta nolosha ummadda iyo dawladnnimada wanaagsan, waana udub dhaxaadka diinteena.

Haddii ay qalloocdaanna wax waliba way innaga qalloocanayaan.

Ø    Inkasta oo aan hubo inay hawl-wadeenada garsoorka iyo caddaaladu ku soo shaqeeyeen duruufo adag, isla markaana ay kaalin adag ka soo qaateen dhismaha dawladnimada Somaliland, haddana waxa aan la qarin karin,  saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado, sida  aan xogta ku hayona waxa uu u baahan yahay  gurmad aqooneed  iyo garasho xirfadeed, waana ta keentay inaan shirkan ku baaqo.

photo

Mudanayaal iyo marwooyin, anigoo maanka ku haya in ay cadaaladu tahay waxa ugu mudan ee ay Ummadu naga sugayso wax ka qabashadeeda. Mudadii yarayd ee aanu xilka haynay, si aan xogogaal ugu noqdo xaalada dhabta ah ee Garsoorka, iyo cabashada dadweynaha, waxaan kulamo kala duwan la yeeshay Guddida Caddaalda Qaranka iyo madaxda hay’adaha ee ku hawlan Garsoorka iyo cadaaladda, waxaanan ka dhagaystay warbixino mugleh oo ay kasoo ururiyeen dalkoo dhan.

photo

Haday tahay Maxkamadaha, Booliiska iyo haday tahay xabsiyada intaba, taa waxa garab socday baadhitaan iyo deraasad uu sameeyey xafiiskaygu taasoo ay ku soo diyaariyeen caqabadaha Garsoorka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan cadaalad.

Warbixintaas waxa ka soo baxday xog la yaableh, oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland gudaheeda.

Ø    Haddaba Shir-hawleedkani waxa uu bilow u yahay siyaasad aqoon ku fadhida oo ay xukuumadaydu doonayso inay wax kaga qabato qabyada iyo goldoloolada Garsoorka iyo caddaalada.

Ø    Mudanayaal iyo marwooyin, bahdii garsoorka iyo caddaalada cidi uma maqna, oo waa dhan tihiin. Waxa  fadhiya Guddiyada Shuruucda ee Baarlamanka, Garsoorayaashii  Maxakamadaha Gobolada iyo Degmooyinka, Garsoorayaashii Maxakadaha Rafcaanka, Maxakamadii Sare iyo  Xeer Ilaalintii Gobolada dalka, aqoonyahanadii jaamacadaha ee sharciga,  qareenadii, ururadii xuquuqal insaanka,  culimaa’u-diinka, Booliiskii, Asluubtii, hoggaan dhaqameedkii, haya’daha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee la shaqeeya.

Ø    Shirkan waxa hortaala su’aal culus oo ah inaad deristaan meelaha ay garsoorka iyo cadaalada dalku ka qaloocanyihiin, kana talisaan sidii loo toosin lahaa loona heli lahaa xal rasmi ah oo lagaga bogsado. Haddii ay noqon lahayd dhismaha haya’daha garsoorka iyo caddalada, haddii ay tahay qabyada ka jirta xeerarka, dhaqanka garsoorka iyo maxakamadaha, qiimaynta garsoorka iyo garsooraha, iyo nolosha xabsiyada.

Ø    Waxa muhiim ah in la helo nidaam hurumarsan oo lagula xisaabtamo adeegayaasha sharciga sida: garsoorayaasha, xeerilaalinta, Booliiska, Asluubta, nootaayooyinka iyo cid kasta oo hawshaa bulshada u haysa. Nidaamkaasi waa inuu si cad u tilmaamaa ilaalinta, hufnaanta iyo anshaxa adeegaha sharciga iyo abaal marinta iyo ciqaabta uu mutaysanayo. Nidaamkaasina waa inuu yahay mid uu dadweynuhu kaalin ku leeyahay.

Ø    Ubadku waa xooggii ummada iyo hogaamiyayaashii mustaqbalka, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inuu kulankani ka baaraan dego duruufahooda garsoor iyo hannaankii sharci ee daryeeli lahaa.

Ø    Mudanayaal iyo marwooyin, waxaynu doonaynaa inay Somaliland noqoto qaran ay ka hanaqaado dawlandimo la mahadiyo oo raaca sharciga oo cadaaladdu aasaas u tahay.

Si taa loo helo, waxaynu ognahay muhimadda uu Garsoorku u leeyahay xaqiijinta himiladeenaas, sidaa awgeed, waxa naga go’an in aanu isbedel muuqda oo la taaban karo ku samayno xaalada ay maanta ku sugan yihiin, annaga oo la kaashanayna aqoonta iyo talada bulshada.

Ø    Saaxiibada Somaliland ee beesha caalamka, dawladaha deeq-bixiyayaasha iyo Haya’daha caalamiga ah ee naga caawiya hawlaha la xidhiidha Garsoorka, cadaalada iyo nabadgalyada, waxaanu ka codsanaynaa inay kaalmada ay ku bixinayaan hawlahan ku jiheeyaan meel marinta talada ka soo baxda qorshaha xukuumada ee lagu hagaajinayo garsoorka iyo caddaalada Somaliland.

Guul ayaan idin rajaynayaa iyo in uu kulankani noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah jawaab u noqon kara su’aasha idin hortaala.

Wasalaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatu.”

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.