Suuqa Kala Iibsiga Iskaraabka Maraakiibta Dulleedka Dekedda Berbera Oo Cirka Isku Shareeray

Berbera-(Berberanews)- Dhawrkii bilood ee u danbeeyay waxa si xawliya loo kala iibsanayay iskaraabka maraakiibta xumaatay ee taala dulleedka marsada Berbera. Ka dib markii xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ku wargelisay dadkii maraakiibta lahaa inay si dhakhso ah uga jiitaan oo banneeyaan ag-agaarka dekedda.
 
Ammarka xukuumaddu ka soo saartay maraakiibtan, ayaa soo dedejisay muddooyinkii u danbeeyay inuu bilaabmo suuqa kala iibsiga maraakiibtan oo shirkado ka shaqeeya dhoofinta iskaraabka dhaqdhaqaaqooda si weyn looga dareemay magaalada Berbera, kuwaasoo la arkay iyagoo fuushan qaar ka mid ah maraakiibtan dulleedka dekeda taala si ay u qiimeeyaan xadiga birta ay ka heli karaan, kuwaasoo doonaya in ay googooyaan, ka dibna maraakiib ka saaraan dekedda Berbera
 
Suuqa kala iibsiga maraakiibtan oo cirka isku shareeray, ayaa qiimayaasha laysku baayacayaa u dhexeeyaa boqol illaa laba boqol oo kun oo dollar, kaasoo markab kasta lagu qiimaynayaa muga iyo kala-weynaantooda iyo suurtagalnimada sida ay u kala sahlanyihiin soo saaristoodu, maadaama maraakib wakhtiyo hore degay ay badankoodu aasmeen oo ay adagtahay in la soo saaraa.
 
Marka laga yimaado suuqa kala iibsiga maraakiibtan iskaraabka ah waxa jirta qaar ka mid ahi maraakiibtan oo aan la haynin dadkii lahaa, sida markabkii sonkorta siday ee dalka Itoobiya lahayd, kaasoo sannadihii dhawr iyo lixdankii dawladdii Somalia ganaaxday oo uu halkaas ku degay.
 
 
maraakiibtan iskaraabka ah, ayaa dulleedka Berbera la dhigay sannadihii u dhexeeyay 1964kii illa 2009kii oo markabkii u danbeeyay uu ahaa markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah oo ku shuf-beelay dekedda.
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com