Guddoomiyaha Komishanka oo Sheegay inaanay doorashada Golayaasha Deegaanku Qabsoomi Karin 2011

Hargeysa- (Berberanews)- Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday qabsoomidda doorashada Golayaasha deegaanku inaanay suurtagal ahayn sannadkan gudihiisa, iyagoo hore u ballan-qaaday inay u qorshaysan tahay saddexda bilood ee u dambeeya 2011.
 
Guddoomiyaha Guddida Doorshooyinka Qaranka Ciise Yuusuf Xamari, ayaa sheegay inay dibu-dhac ku keentay arrintii qaddiyada furista urrurrada siyaasaddu oo waqtigii laga dhursugayay guddidii loo saaray uu daba dheeraaday. Guddoomiyaha oo xalay u warramay Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga waxa uu tilmaamay in weli uu laalan yahay go’aanka furista urrurrada oo la sugayo ku dhawaaqistooda Madaxweynaha Somaliland. Waxaaanu xusay inay kala duwan yihiin u diyaargarawga doorashada haddii ururrada la furo iyo haddii aan la furin.
 
“Waxaannu sheegnay bishii September ee sannadkii hore  oo aannu nidhi; ‘Doorashooyinka waannu ku qaban karnaa sannadka 2011-ka, waqtigaas laga bilaabo illaa immikana waxaannu sugaynay war cad oo la xidhiidha ururradii miyaa la furayaa, mise lama furayo, taasi waxay keentay diyaargarawgii doorashooyinka loo diyaargaroobi lahaa inaanay suurtagal ahayn, haddii aan jawaab dhakhso ah la helin, ayaannu lahayn.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise-Xamari.
 
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi;  “Immika waxa ka soo baxday Guddidii talo-bixinta in ururradii la furo, welina go’aan Madaxweynaha ka soo baxay maaha, laakiin haddii ay sidaa u dhacdo sannadkan doorasho ku qabsoomaysaa ma jirto, sababtoo ah waqtiga hadhsan awgii, haddii ururrada la furo waa inay waqti ku diyaargaroobaan oo la diiwaangeliyo, waxaasoo dhami way ka horreeyaan diyaargarawga doorshada. Haddii kale oo aan ururrada la furin lafteeda ayaa cidhiidhi ku jirta inay doorashadu qabsoonto sannadkan.”
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Emai, info@berberanews.com