Madaxweyne Siilaanyo: Muteysaye, Ma ku sii wadi doonaa!!?

Qalinkii Cabdifataax I. Mursal
Qaybtii 2-aad Madaxweynaha Somaliland meelaha uu maray Habeenkii Jimcuhu soo galayey, waxa ka mid ahaa  Dhismaha Ganacsiga ee Business Center Xaafadda Xera-Awr ee magaalada Hargeysa iyo Maqaaxiyo ka soo horjeeda oo lagu sameeyo Cuntada waddaniga ah ee dalka ka baxda, sida Arabbikhida, Digirta, Harakooga, Garawga iyo wixii la mid ah, halkaas oo uu Madaxweynuhu ku salaamay dadkii wakhtigaa ku sugnaa, isla markaana ka waraystay xaaladdooda guud.
Waxa u qaadan-waa iyo afkala qaad ku noqotay badi dadkii goobahaa fadhiyey ama joogay inay arkaan Madaxweynahoodii oo goor habeennimo ah, Ciidanna aanu la socon, taasoo lama filaan ku noqotay, isla markaana ay su’aalo badan iska weydiiyeen qaarkoodl; ‘Ma Madaxweynihiibaa…” iyo kuwo la mid ah.
“Horto waxay igu noqotay hadal aan sheeko ku maqli jiray oo ah Farxadi waa Naxdin, markii aan arkay Madaxweynahaygii oo dushayda taagan aniga oo cunto waddani ah markaa kacunaayey Meherad Xero-Awr ah. Mar waan farxay, marna waan naxayoo markaan arkay iyada oo aanay Madaxweynaha wax ilaalo ahi la soconnin, waayo? Wakhtigan nabadgalyadu wax la isku hallayn karo maaha oo dunida oo dhan ayey argagixiso cabsideedu hadhaysay. Marna waan farxayoo anigoo jooga goob aan had iyo jeer dadka Madaxda ah lagu arag inuu igu soo dul-istaago Madaxweynahaygi farxad weyn ayey igu abuurtay..” sidaa waxa yidhi Wiil dhalinyar ah oo magiciisa iigu sheegay Faysal Cabdi oo ka mid ahaa dad fadhiyey mid ka mida Meheradaha Cunto waddaniga lagu sameeyo ee ka soo horjeedka Bussines Center ee Xaafadda Xero-Awr, kaasoo aan wax ka weydiiyey dareenkiisu sida uu noqday markii uu arkay Madaxweynaha uu dul-taagan.
Aragtida noocaas ahi maaha mid uu kali ku yahay Faysal-yare, hase ahaatee, in badan oo ka mid ah dadweynihii Madaxweynuhu sida kediska ah uu ula kulmay ayaa la wadaaga ama kala siman dareenkaas. Waxa sidoo kale, dareen farxadeed ku qaabbilay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Somaliland kumannaan qof oo ka mid ah bulshada reer Somaliland ee warkaasi gaadhay. “Horto waa arrin fiican in qofka ummadda Masuulka ka ahi si caadiya u ogaado hadba xaaladda ay ku sugan yihiin. Anigu kamaan mid ahayn dadkii uu Madaxweynuhu la kulmay habeennimadii Jimcuhu soo galayey, hase ahaatee, markii aan maqlay in Madaxweynaha Somaliland oo aan ilaaladii daba-yaaci jirtay iyo Tignikadii midna wadani inuu magaalada si caadiya u dhexmaray aad iyo aad baan u farxay, waanan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha tallaabadaas uu sameeyey oo aan odhan karo waxay muujinaysaa sida Masuuliyadda saaran uu u dareemayo iyo kalsoonida uu bulshadiisa ku qabo.” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa ee iyagu ku war-helay in Madaxweynuhu booqasho bilaa ciidan ah ku maray goobaha Ganacsiga ee Caasimadda qaarkood.
Inkasta oo tallaabadaas oo kale inta sida fiican loo ogyahay ay sameeyeen Madaxweynihii Koowaad iyo Madaxweynihii labaad ee ay Jamhuuriyadda Somaliland yeelato ee Illaahay labadoodaba ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, haddana waxa la odhan karaa marka loo eego wakhtigaas iyo wakhtigan waxa uu Siilaanyo sameeyey tallaabo geesinnimo leh. Haddana waxa jira dad badan oo is-weydiinaya arrintaa uu soo jiidashada ku mutaystay. “Waa wax aad u wanaagsan, laakiin waxaan is-weydiinayaa tallaabadan Madaxweynuhu qaaday waa mid ku dayasho mudan oo uu ku mutaystay badi kalsoonida bulshadiisa oo aniguba dadka arrintaa ugu sad kordhiyey baan ka mid ahay ee ma ku sii wadi doonaa?..” Sidaa waxa tidhi Haweenay magaceeda iigu sheegtay Foosiya oo Meherad ku haysata badhtamaha Suuqa Caasimadda Hargeysa, waana hadalkaa kooban halka uu Ciwaanka Maqaalkeennu ka abuurmay ama ka samaysmay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa sida Cadceedda u muuqata ama la odhan karaa waa Marag ma doon, in bulshada reer Somaliland dhammaan ama intooda badan ay la dhaceen, isla markaana soo dhaweeyeen arrinta uu Madaxweynahoodu sameeyey. Taasoo dareen ahaan uu in badan kaga mutaystay hambalyo iyo soo dhawayn. Hase-yeeshee, waxa jirta in booqashada Madaxweynaha Somaliland sameeyey Fiidkii habeennimadii Jimcuhu soo galay inay ahayd mid khatar badan oo dhinaca nabadgalyada ahi ku hareeraysnayd. Waayo? Dunida meelna amnigeedu isku hallayn iyo aamminaad dhammaystiran malaha.
Gebo-gabadii, waxaynu ku soo gunaanadaynaa qoraalkeenna talo kooban oo aan u arkay inay lama huraan tahay.
1-       Madaxweyne waxaad samaysay tallaabo dadweynaha ku doortay ee aad Madaxweynaha u tahay aad ugu gooheen ee tani yay noqonnin tii kuugu horreysay kuuguna dambaysay.
2-       2- Madaxweyne amniga dunidu isku hallayn malaha, meelo badan oo dabka nabadgalyo-darradu ka shidan yahayna way inna kulaalayaan ee wakhtiga aad goobaha booqashadaadu ku siman tahay aad joogayso soo koob oo illaa shan daqiiqo haka badin ayaan ku odhan lahaa.
3-       Madaxweyne dalka waa la wada joogaa, waana la kala joogaa oo ninba ujeeddo ayuu u joogaaye, marka aad is-tidhaahdo warka booqashadaadu goobaha aad marayso meelo ka fog ayuu gaadhay Qasriga iskaga laabo.
Midh-yar oo duco ah ayaan intaa raacin lahaa oo waxaan odhan lahaa Madaxweyne xil culus ayaad ummadda u haysaaye Illaahay ha-kugu asturo.