Madaxweynihii Hore ee Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Fool Leh

Hargeysa-(Berberanews)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxa ka socda dhaqdhaqaaqo loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo lagu wado inuu dalka dib ugu soo laabto Axadda toddobaadka soo socda.
Madaxweynihii hore ee dalka Daahir Rayaale oo tan iyo intii uu xilka madaxtinimo wareejiyey bishii July ee sannadkii hore dalka dibadiisa ku noolaa, ayaa la sheegay inuu ku soo jeedo dalka, gaar ahaan caasimadda toddobaadka soo socda.
 

Waxaanna socda diyaargarow la doonayo in lagu qaabilo Md. Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo dhinacyo kala duwani hawshaasi ku jiraan.
Md. Daahir Rayaale Kaahin oo siddeed sannadood Madaxweyne ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee loo doorto si dimuqraadi ah, isla markaana sifo dimuqraadi ah xilka ku wareejiya kadib markii doorashada lagaga guulaystay, ayaa qadarin iyo karaamo ballaadhan ka mutaystay shacabka Somaliland, waxaanna laga yaabaa in soo dhaweyntiisu noqoto tii ugu ballaadhnayd ee siyaasi reer Somaliland ah loo sameeyo.