Shirkadda Wadaniga Ah Ee AL Ikhwa Oo Dhir Ay Yeman Ka Keentay Ugu Deeqay Madaarka Berbera

Berbera-(Berberanews)- Shirkada wadaniga ah ee Al Ikhwa General Trading Company ayaa ugu deeqay madaarka caalamiga ah ee Berbera dhir laga keenay wadanka Yemen,dhirtan oo ah kuwa inta badan ku baxa meelaha xeebaha ah  isla markaana inta badan aan u baahnayn biyo joogto ah.
Wareejintii deeqdan dhirta ah ayaa wakiilka shirkada Ikhwa qaybteeda Berbera  Maxamed Cabdi Muuse oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa  waxaa uu sheegay sababta ay shirkadoodu dhirtan ugu deeqday madaarka waxaanu yidhi ‘’waxaanu manta halkan ku wareejinaynaa deeqdan dhirta madaarka caalamiga ah ee Berbera gaar ahaan wasiirka wasaarada duulista hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi ,dhirtan waxaa wadanka Yamen ka keenay Alle haw naxariistee wakiilkii shirkada Al Ikhwa ee wadanka Yeman oo dhawaan  shil gaadhi oo ka dhacay jidka isku xidha Berbera iyo Burco ku   geeriyooday isaga oo u soo socday inuu madaarka ku wareejiyo  dhirtan aan manta wareejinayo Illahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistiisii jano siiyo,ujeedada marxuumka waxay ahayd inuu ka qayb qaato horumarka uu ku talaabsaday  madaarka isagoo dhawaan marxuumku intuu uu noolaa mar uu halkan soo maray uu go’aansaday inuu dhirtan ilaahay hortii uga qayb qaato,anaguna Ikhwa ahaan arrintaas ayaanu dhamaystirkeeda go’aansanay markaa shirkadu waxay balan qaadaysaa inay ka qayb qaadato horumarka gobolka dhirtani waa dhir ku baxda meelaha xeebaha ah markaa  hadii si fiican loo daryeelo waxay wax wayn ku soo kordhinayaa billicda madaaarka Berbera.
 
Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka wasaarada duulista hawada Md Maxamed Xaashi Cadbi waxaanu u mahad naqay shirkada Al ikhwa gaar ahaan  marxuumkii hindisay dhirtan “marka hore waxaan u mahad naqayaa dhamaan marti sharafta halkan joogta sida warbaahinta,maamulka madaarka shirkada dhirtan inoogu deeqay waxaan waxaan leeyahay waad mahadsantihiin wax fiican baad madaarka u tarteen, waxaa kaloo aan halkan  Ilahay uga baryayaa marxuumkii dhirtan ilaa wadanka yamen u soo qaaday madaarka  inuu ilaaahay janadiisii galiyo una  naxariisto ehelkiisii iyo qaraabadiisiina samir iyo iiman ka siiyo ……… waxaan leeyahay ajarkii markii aad noolayd aad ka heli lahayd maantana wuu kuu sii laban laabmay waxa xasuustaa maalin aanu halkan ku kulanay anaga oo markaa dhirtaa beerayna markaas ayuu yidhi dhir baan idin keenayaa markii uu soo noqday wuu I waayey laakin maamulka madaarka ayuu la kulmay markii uu soo noqday ee uu islahaa dhirtii wareejina tii xaqa ahayd ayaa u timi,markaa qolada madaarkana waxaan ka codsanayaa in ay daryeelaan oo ay si fiican u beeraan.
Wasiirka oo  isla shirkada Dahabshiil kala wareegay gaadhi Dam damis ah ayaa intuu uu joogay madaarka Berbera isaga iyo koox masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyadu,maamulaha kastanka Berbera,maamulaha cashuuraha bariga Berbera,xisaabiyaha gobolka iyo masuuliyiin kale oo la shaqeeya wasaarada maaliyada  waxay shir albaabadu u xidhan yihiin oo mudo qaatay la yeesheen dhamaan waaxyaha ka hawl gala madaarka iyada oo illo xog ogaal ahi Shebekeda Berberanews u xaqiijiyeen in arrinka ugu wayn ee laga wada hadlay ahaa xalinta khilaaf mudo soo noq noqnoqday oo ka taagan waaxda maaliyada   ee madaarka Berbera  taas oo keentay in khilaafkaas  keenay in maamulka madaarka iyo wasaaradu khilaaf ka dhex abuurmo waxaana laysa meel dhigay qorshe cad oo ay ku shaqayn doonta waaxdaasi  taas oo la sheegay in khilaafkaa halkaa uu wasiirku ku soo gabagabeeyay waxaa kaloo laga wada hadlay sidii dhamaan waaxyaha ka hawl gala madaarku isula jaan qaadi lahaayeen.
waxaa kaloo wasiirku u sameeyay madaarka qorshe cusub oo qayb kasta oo waaxyaha  madaarka ah in ay joogaan saddex qof oo shaqaale ah si aan dadka madaarka ka soo degayaa ugu jactadin madaarka
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com