War deg-deg ah:Dayax-madoobaadkii ugu dheeraa oo caawa saameeyey Somaliland iyo Salaad Masaajiddada laga tukanayo

Hargeysa(Berberanews)- Dayax madoobaad ayaa caawa ka dhacay guud ahaanba dalka Somaliland, Afrika, qaybo ka mida America iyo sidoo kale Bariga dhexe.

Masaajiddada magaalooyinka Somaliland ayaa Salaado lagu tukanayaa Dayax-madoobaadka. Dayax-madoobaadka ayaa saameeyey guud ahaanba Dayaxa oo isu rogay madaw.

Dayax-madoobaadkan ayaa Culimada Saynisku ku tilmaameen inuu yahay kii ugu dheeraa ee dunida lagu arko intii ka dambaysay wakhtigii Nebi Ciise (SCW).

Waxa ay saadaaliyeen inuu Dayaxu madaw ahaan doono muddo boqol daqiiqo ah oo u dhiganta Saacad iyo 40 Minid oo caawa ah.

Wararka naga soo gaadhaya, magaalooyinka Burco, Sheekh, Berbera, Boorama iyo Hargeysa oo aannu ku sugannahay ayaa guud ahaan dadweynuhu badi ay  ku yaaceen Masaajiddada oo ay ka socoto salaad loo tukanayo Dayax-madoobaad.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.