Dawladda Jabuuti oo wadda shirqoollo ay albaabbada ugu xidhayso Dekadda Berbera iyo Moogganaanta Xukuumadda Somaliland

Hargeysa(Berberanews)- Dawladda Jabuuti, ayaa bilawday qorshe ay albaabbada ugu xidhayso Dekadda magaalada Berbera, ka dib markii ay Ganacsatada reer Somaliland ugu baaqday inay siinayso Baasaabboorro bilaash ah oo ay dunida dacalladeeda ugu safri karaan, isla markaana jabisay cashuurta ay ka qaaddo Ganacsiga lagala soo dego Dekadaha dalkeeda.

 

“Dawladda Jabuuti waxay Ganacsatada ugu gacan-haadisay Baasaabboorro bilaash ah oo illaa saddex sano shaqaynaya, Ganacsataduna meesha ay wax ku faa’iidayaan ayuunbay dani ugu jirtaa. Markaa, Dekadda Jabuuti ayey dhawaanahanba Ganacsato badani wax kala soo degaan iyaga oo eexaysanaya Nooliga Koontiiner-rada iyo sidoo kale lacagta Dekadda Jabuuti loogaga cashuuro oo ka jaban ta ay Berbera wax kaga cashuurtaan, Xukuumaddeennuna waxaad mooddaa inaanay waxaas oo dhan ka war haynin.” Sidaa waxa yidhi mid ka mida Ganacsatada wax kala soo dega Dekadda Berbera, hase ahaatee, hadda u hanqal taagaya inuu u wareego dhinaca Jabuuti oo Shabakadda Wararka ee Berberanews caawa khadka taleefanka wax kaga weydiiyey isaga oo jooga Berbera, kana gaabsaday in magiciisa la shaaciyo.

 

Ganacsadahaasi waxa uu ka warramay sababta keentay in Dekadda Berbera Ganacsatadii reer Somaliland ee wax kala soo degi jirtay u wareegaan Dekadaha dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti. “Waxa noolku uga jabahan yahay, marka aad Markab ama Doon soo raranayso ee aad Berbera wax ka soo dejinayso, waxa lagu odhanayaa Berbera waa Soomaaliya oo Somaliland looma aqoonsana, Soomaaliyana Budhcad-badeed ayaa looga baqayaa, markaa qofka Markab ama Doon kaa soo kiraynayaa waxa uu ka dhigan yahay nin Khammaaraya. Laakiin, marka aad tidhaahdo Jabuuti ayaan ka dejinayaa waxa loo arkayaa inay Soomaaliya Carabta uga dhawdahay, kana ammaan badan tahay, markaa sidaas ayey Jabuuti Berbera uga nool jaban-tahay.” Ayuu yidhi Ganacsadahaasi.

 

Qaar ka mida Ganacsatada dhinaca Jabuuti u wareegay oo sidoo kale, Berberanews isla caawa khadka taleefanka wax kaga weydiiyey sababta ay u eexaysanayaan Dekadda Jabuuti ee ay Berbera uga yaaceen, ayaa iyaga oo jooga Hargeysa, waxay sheegeen inay Cashuur ahaan Jabuuti Berbera uga jaban tahay. “Awalkii hore waxa la eegi jiray sidii aanay Dekadaha jaarku sida Boosaaso iyo Jabuuti aanay saamayn ugu yeesheen Dekadda Berbera, sidaa awgeed, waxa la samayn jiray 20% Cashuur dhimis ah in Ganacsatada wax kala soo degaysa Berbera loo sameeyo. Laakiin, immika intii Xukuumadda Siilaayo talada haysay, taasi ma jirto, ee waa laga qaadaa, waxa kale oo laga qaadaa Ganacsatada Berbera wax kala soo degaysa halka Doollar oo loogu dhufan jiray 3500 oo Shilinka Somaliland ah, waxa lagu kordhiyey 500 oo hadda waxa laga qaadaa 4,000 oo Shilinka Somaliland ah, taasoo kordhinaysa in boqolkiiba labaatan (20%) u dhiganta cashuurta laga qaado.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Ganacsatada Wargeyska Berberanews wax ka weydiiyey waxa ay Berbera uga wareegeen ee ay Jabuuti wax ugala soo degaan,

 

“Waxa ugu muhiimsan ee aannu ugu wareegnay Jabuuti marka laga yimaaddo dhinacyada Cashuurta waxa weeyaan, marka Baasaabboor Jabuuti-yaan ah aad haysato, waxa kuu sahlanaanaya oo ay taasi noo fududaysay inaannu meel kasta oo dunida ah wax ka soo iibsan karno oo Suuqyada Ganacsiga Caalamka aannu si furan u tagi karno, taasoo annaga Ganacsato ahaan dan weyni noogu jirto maaddaama oo aan la aqoonsanayn Somaliland iyo Baasaabboorkeeda toona way naga fursan wayday. Midda kale, waxa jirta qof kasta oo Jabuuti wax kala soo degaya waa in Ganacsigiisu caymis ku jiro, laakiin Somaliland wax caymis ah cid ku jirtaa ma jirto, taasna waa mid dani noogu jirto oo haddii wixii aad soo raratay dego ama la dhoco Caymis ayuu waxaagu ku jiraa oo waxba kaama lumayaan.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Ganacsadahaasi oo uu yidhi.

 

Dhinaca Xukuumadda Somaliland iyo sida ay ula socoto arrintaas, ayaannu isla xalay isku daynay inaannu khadka Taleefanka gacanta wax kaga weydiinno Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, hase ahaatee noomay suuragalin inaanno helno, ka dib markii taleefankiisa cid kale naga qabatay. Sidoo kale, waxaannu isku daynay inaannu Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaas Warsame Siciid Cabdi, ayaannu isagana waynay ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa gacanta oo xidhan.

 

Dawladda Jabuuti ayaa dhawaan bilawday qorshe ay ku ballaadhinayso Dekadaha dalkeeda, isla markaana abuurtay Marsooyin cusub. Sidoo kale, waxay Xukuumadda Jabuuti bilawday olole ay ugu baaqayso Abwaaniinta, Fannaaniinta, Culimada, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada inta bada, taasoo Somaliland ku yeelan karta saamayn taban marka Abwaankeeda, Sheekheeda, Fannaankeeda, Siyaasigeeda iyo Aqoonyahankeeda Jabuuti looga gacan-haadiyo.

 

Si kastaba ha ahaatee, arrintan oo u muuqata mid ay Xukuumadda moogtay ama aanay dhaaddanayn, ayaa saamayn ku yeelanaysa dhinaca dhaqaalaha dalka, isla markaana haddii ay sidaa ku sii socoto albaabbada u laabaysa Dekadda Berbera oo ah meesha kaliya ee dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.