Somaliland oo walaac ka muujisay Folkaane ka qarxay Eretariya oo samayn ku yeeshay duulimaadyada diyaaradaha

Hargeysa(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horreysay caawa ka hadlay saamaynta ay Somaliland ku yeelatay folkaane ka qarxay dalka Eretariya oo saameeyey dalal badan oo gobolka ku yaalla.  waxaanu sheegay inay is-taageen duullimaadyadii diyaaradaha ka iman jiray dalka Jabuuti.

 

Md. Maxamuud Xaashi oo   caawa u  warramay Idaacadda Afka-Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa sheegay werwerka  uu ku hayay folkaanahaasi isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Folkaanahani werwer badan ayey labadii maalmood ee u dambaysay nagu hayey  oo isha ayaannu ku haynay, nasiib-wanaag saamayn weyn Somaliland kumay yeelan. Magaalada Berbera oo kale oo iyadu ah meel joogeedu hooseeyo oo Salaasadii aannu aad uga warwarsanayn, waxa la dareemay ciirada ku jirta hawada. Laakiin aragga uu duuliyaha diyaaraddu ka kicinayo diyaaradda dhabbaha (run way) aad buu u fiicnaa, markaa waxa la odhan karaa wax saamayn ah folkaanahaasi nagumuu samayn.”

 

“Markii arrintani soo baxday heegan ayay dalalkii derisku wada galeen, Jabuuti oo kale diyaaradihii Salaasadii nooga yimid mayn iman maanta, wax nooga dhoofayna may jirin. Balse diyaaradaha Soomaaliya nooga imanayay iyo duulimaadyada Somaliland ka tagayay ee Carabta qabanayay caadi ayuu iska ahaa,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi

 

Wasiirka oo la weydiiyay inay haystaan qalabkii ay ku ogaan lahaayeen folkaanaha, waxa uu yidhi; “Qalab fiican oo aannu annagu ku ogaanno folkaanaha ma haysano, waa arrimaha hadda Wasaaradda Duulista ka go’an inay iskeed u madax banaanaato oo ay isku bixin karto oo ay adoroska hawada iyo baahideedda kaafido. Imika waxa naga caawiya hay’ada ICAO iyo CACUS oo hawada Somaliland iyo Soomaaliyaba si ku meel-gaadh ah u maamusha.”

 

Wasiirka duulista Somaliland, waxa kale oo uu ka waramayay mashaariic lagu casriyeynayo madaaradda Hargeysa iyo Berbera oo ay maalgelinayso dawlada Kuwayt, waxaanu yidhi; “Arrintaasi meel wanaagsan ayay maraysaa, waxa la soo dhamaystiray qiimayntii iyo odoroskii baahiyahayaga ee labadaasi madaar, waxaanu wadnaa lacagtii nalagu caawiyay iyo baahiyahaygii oo runtii aad u kala badan in aanu doorano, wixii la samayn lahaa, dabadeedna qandaraaskii la bixiyo. Madaarka waxa laga qabanayo, waxa ka mid ah, deyr weyn oo lagu soo wareejiyo, dhisme weyn oo ah ka laga soo dego iyo lagu xidho laydhkii ay diyaaraduhu ku soo degi lahaayeen habeenkii.”

 

“Madaarka Hargeysa waxa laga qabanayaa (run way) dhabada oo dib loo qolof qaado, lana dheeraayo, deyr weyn oo lagu soo wareejiyo iyo isgaadhsiin.”ayuu yidhi Wasiirku

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.