Xisbiga UDUB oo Iftiimiyey Ceebahay ay Xambaarsanaayeen Ururradii Siyaasadeed ugu Horreeyey ee Dalka Laga Furay

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa ka hadlay saamaynta ururrada siyaasaddu ku yeelan karaan horumarka dimuqraadiyadda Somaliland, iyaga oo sheegay nidaamka furashada ururrada siyaasaddu in uu dalka dib ugu celinaayo is-beelaysigii iyo qabyaaladdii laga soo gudbay. 
Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UDUB Mr. Cabdixaliim Xaaji Muuse, ayaa mar uu shalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka, waxa uu daboolka ka qaaday ceebaha ururradii siyaasadeed ee ugu horreeyey ee dalka laga furtay, kuwaasoo uu ku sifeeyey qaar beelo loo furtay, waxaannu tusaale u soo qaatay SAHAN oo uu guddoomiye u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, kaas oo uu sheegay inuu ahaa urur-siyaasadeed ku dhisnaa qabyaalad.
Masuuliyiintan ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo sheegay in ay diiwaangeliyeen, isla markaana qoraallo ka sameeyeen waxyaabihii u horseeday guul-darraddii ay kala kulmeen doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii June 2010.
“Waxaannu ka bilownay sixitaanka guul-darradii weynayd ee xisbiga ka soo gaadhay doorashadii Madaxtooyada waxaannu ka samaynay warbixinno iyo dukumantiyo badan, waxaannu samaynay la xisaabtan dhan ayaannu dhexdayada ka samaynay waana aanu rikoodh garaynay waxyaabihii guul-darrada keenay, waxaana nooga soo baxay dhaliilahaasi sidii loo sixi lahaa,” ayuu yidhi Mr. Cabdixaliim.
Mar la weydiiyey in xisbigoodu mar kale lumiyey kalsoonidii bulshada, kadib markii ay ku gacan-saydheen warbixintii guddida tala-bixinta furashada ururrada siyaasadda waxa uu ku jawaabay; “Dalkan muddo dheer ayaanu ka soo talinaynay oo lexjeclo badan ayaanu naga haysa. Annagu markii aanu xukuumadda ahayna furashada ururrada siyaasada meel ayaannu ka taagnayn imikana meel ayaannu ka taagan nahay.waxa muhiim ah in sharciyada laga eego. Waxaannu ururrada u hortaagannahay ma aha cabsi oo waxaannu nahay xisbi fac weyn leh oo kalsooni badan ayaanu qabnaa, laakiin waxaannu arkaynaa burbur badan iyo dib u noqosho badan, waxaanan ognahay in lagu noqon doono qabiil.
Tusaale ahaan, anigu urur-siyaasadeedkii SAHAN ayaan soo maray anigoo markaa dalka ku cusbaa ayaan imid ururkaasi oo xilligaasi aad u ololaynaysay oo waliba reernimo ah ayaan ku soo dhacay. Runta marka la sheego waxaanu ahayn urur qabiil Gabboose ayaa guddoomiye ka ahaa ururki SAHAN. Reerka aniga iyo Gabboose aannu ka soo jeedno 14 qof ayaa nagu taraxayay urur qabiil ayaanu ahayn. Waxa kale oo nala mid ahaa ururkii HORMOOD; waa laga soo gudbay oo waxaynu yeelanay sadex xisbi oo la wada leeyahay oo muddo dheer soo jiray waxaana loo baahnaa in iyaga uun la sii adkeeyo.”
Mr. Cabdixaliim waxa uu sheegay inay wax-ka-beddel ku sameeyeen xeerkii xisbiga UDUB oo ay kaalin weyn ka siiyeen doorka ay bulshadu kaga jirto hawl-maalmeedka xisbiga, waxaanu tilmaamay in dhallinyaradu door weyn ka qaadan doonto fulinta hawl maalmeedka xisbigooda.
“Xisbi hadduu dhaco isbeddelka ayay ka mid tahay in wajiyo cusub iyo dhiig cusub la helo, markaa waannu ku talogalay in rag badan oo cusubi nagu soo biiraan. Qofku xaq wuu u leeyahay inuu wax doorto iyo in la doortaba, xeerkayagana way ku qoran tahay oo qofka is-sharraxaya looma diidayo, qofku hadduu ahaa wajiyadii hore oo uu han yeesho laga celin maayo, waana la qaadanayaa haddii aannu dhaliilo dhaawac xisbiga ku keenaya lahayn.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ahna Guddoomiyaha xisbiga UDUB uu dalka dib ugu soo guryo-noqon doono maalinta Axadda ee soo socota