Cali Waran-cadde oo soo jeediyey in dalka laga mabnuuco Mahiga, baaqna u diray Madaxweynaha iyo ku-xigeenka

Hargyesa(Berberanews)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland ee xukuumaddii talada lagaga guulaystay Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa ka hadlay arrimo door ah oo ku saabsan siyaasada guud ee dalka Somaliland.

 

Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu ka warbixiyay saamaynta siyaasadeed ee ay Somaliland ku yeelan karto isbedelada dhagaraysan ee ka dhacaya dalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay inay dadka reer Somaliland u taalo sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen xalka nabadeed dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ka digay gacan-haadis dhagaraysan oo uu sheegay inuu ugu baaqayo reer Somaliland Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaanu ku baaqay in dalka laga mamnuucno Danjire Mahiga oo uu ku tilmaamay shaqsi fawdo abuur ah.

 

Shir jaraa’id oo uu shalay Mr Waran-cadde ku qabtay Hotel Shiraaqle ee magaalada Hargeysa waxa uu ka hadlay tabashooyin uu sheegay in ka imanayaan dadka ku dhaqan gobolka Awdal, waxaanu ugu baaqay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland inay si toos faro-gelin ugu sameeyaan cabashooyinkaas, si ay xal uga gaadhaan.

 

Cali Maxamed Waran-cadde waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan dhawaaqii dhawaan kasoo baxay guddidii loo saaray kasoo talo-bixinta qaddiyada furista urruro siyaasadeed, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Waxa maanta muuqata in dadka reer Soomaaliya ay ku dhaceen dabinkii mustacmarada casriga ah, iyadoo ay muuqato in dalkaasi uu gacanta uu galay guumaysiga cusub ee qarnigan, taasoo aynu odhan karno waxa u horseeday raggii ay ka dhigteen madaxda oo noqday inay gaadhsiiyaan heerka Soomaaliya ay maanta marayso ee labaatanka sanadood shacabku uu ku jiray dil iyo qax, raggaas madaxda u ah oo halkii ay u horseedi lahaayeen horumar iyo nabadgelyo maanta gacanta u galiyay guumaysi , iyadoo aan filayo in haddii maanta la isweydiiyo cidda madaxda ka ah Soomaaliya dadka Soomaalidu waxay u yaqaanaan Shariif, laakiin anigu waxaan leeyahay maaha, maanta dalkaas waxa madaxweyne ka ah mustacmarada  ninka la yidhaahdo Augustina Mahiga oo kazoo jeeda dalka Tanzania.

Mahiga wuxuu hogaaminayaa khubaro ka tirsan ciidama sirta ee caalamiga ah ee loogu talogalay inay maamulaan shucuubta daciifka ah ee aan dawladaha xoogga ahi ka jirin sida dalka Soomaaliya, maantana waxa muuqata sidii ay uga soo bixi lahaayeen godkaas inay tahay mid aad iyo aad u dhib badan.” ayuu yidhi Cali Waran-cadde, waxaanu soo bandhigay qaabka ay Somaliland uga qayb qaadan karto nabadaynta Soomaaliya iyo habka ay uga badbaadi karto dhibaatada ka taagan dalkaas.  “Haddii aynu nahay ummada reer Somaliland waxa inagu waajib ah laba arrimood;

 

–           In laga fikiro sidii dadkaa walaalaheena ee reer Soomaaliya aynu isugu deyi lahayn sidii looga soo saari lahaa guumaysigaa ay maanta galeen iyo godkaa ay ku dhaceen oo anigu aan qabo inay aad u sahlan tahay haddii ay Illaahay garansiiyo ummada reer Soomaaliya, Illaahay wuxuu ina siiyay khubaro ku xeel-dheer sida ummadaha loo heshiisiiyo, sida Golaheena Guurtida oo runtii aan qabo ragga Somaliland maant halkan keenay inay hormood u yihiin oo sida ay Somaliland dawlada ugu dhiseen inay iyagana ugu dhisi karaan oo halkaa waxa dhigay ee ay maanta isku haystaan waa xaq-darro, waa boob, ninba ninkuu ka xoog wayn yahay ayuu caddaadinayaa, waa la is-dhacayaa, waa la isu itaal sheeganayaa, ilaa ay isu rogeen madaxdoodii sidii dadkii dadka cuni jiray oo kale, markaa waxaan qabaa awoodda milateri ee aynu leenahay iyo xikmada aynu hayno ee nabadgelyo, labadaas haddii aynu isugu darno, iyaguna ay qiraan inaynu nahay ummad jirtay oo lixdankii oo ku darsatay oo maantana duruufo awgood gooni isu-taagtay, waxaan qabaa cidda keliya ee heshiisiin karta inaynu nahay.

 

–           Haddii aynu nahay ummada reer Somaliland inaynu ka foojignaano oo aynu isku dayno inaynaan ku dhicin halkaas ay reer Soomaaliya ku dhaceen iyo guumaysigaa ay gacanta u galeen.

 

Waxa keliya ee aynu kaga badbaadi karnaana waxa weeye;

1-         Inagoo ka digtoonaana saddexda arrimood ee xarafka D ka bilaabma:

–           Diiwaangelinta

–           Doorashooyinka

–           Dimuqraadiyada

 

2-         Saddexdaa daaqadood waa daaqadaha keliya ay maanta laga soo gali karo Somaliland oo ay kasoo gali karaan ragga maanta gacanta ama dulliga iyo dhibaatadda baday dalka Soomaaliya ee aynu deriska nahay, saddexdaa arrimood waa kuwa keeni kara muranka Somaliland, waxaynu u baahanahay, si aynu iga digtoonaano debinkaa Soomaaliya ku dhacday oo la inoo soo raaco, inaynu inagu isku tashano oo arrimahaas aynu ku xallino habkeenii iyo dhaqankeenii iyo wada-hadalkeenii, wixii ka yimaada ee muran ah oo marnaba aynaan u baahan in gacanta la inagu qabto ama la inoo taliyo, sida Soomaaliya ku dhacday.

 

3-         Sida aynu uga baxsano halaaga noocaas ah ama aan loo helin salaan la inoo soo fuulo inaynu gurigeena hagaajisano oo aynu ku hagaajino caddaalad, sinaan iyo dhaqaalaha dalku leeyahay oo ay shucuubta Somaliland u sinaato, waxaanan soo jeedinayaa oo aan Madaxweynaha leeyahay, waxyaabaha dhibaatooyinka keeni kara waxa ka mid ah in cabashooyinku bataan oo aan la xallin, waxay keeni kartaa dhib badan. Sidaa darteed waxaan leeyahay cabashooyinka badan ee isa soo taraya ee ka baxaya Telefishanada dalka iyo ku dibadaba ee ay ku cabanayaan dadka kasoo jeeda gobolka Awdal, waxaan leeyahay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba waxa haboon in arrinkaa cid walba aad u gacan dhaaftaan, si aad u xalisaan tabashooyinka isa soo taraya ee ka imanaya.

 

4-         Bari dhaweyd dirqi ayaynu ku baxsanay wixii meesha jiray iyo duruufihii la inoogu yeedhayay ee Somaliland loogu yeedhayay inay arrimaha Soomaaliya ka qaybgasho, Illaahay ayaa maanta inoo bidhbidhiyay, waxa la inala doonayayna waxay ahayd inaynu qayb ka noqono mustacmaradaa maanta ka bilaabantay Soomaaliya, taasna waxaan soo jeedinayaa inaynu ka digtoonaano gacan-haadiska dhagaraysan ee Augustine Mahiga  ee uu kula wareegayo Somaliland oo aan anigu qabo, mar haddii uu Madaxweyne ka yahay Soomaaliya, sida aynu Sheekh Shariifba uga mamnuucnay dalka oo sheegan jiray markii hore inuu Soomaaliya madax u yahay, inay Augustine Mahiga ka mamnuucno, mar haddii aynu arkayno waxa uu inoo waday inay ahayd taa maanta Soomaaliya ku dhacday, si aynu sharkiisa uga badbaadno inaanu iman Karin Somaliland.

 

Waxaan ugu baaqayayaa bulshada Somaliland muddo badan waxaynu hortaagnayn in gacan shisheeye inoo soo gasho, laba goor ayaynu siganay oo ahayd waqtiyadii doorshooyinka, waxaynu ognahay in la inagu tijaabiyay taas maanta ka dhacday Soomaaliya mid la mid ah oo la yidhaahdo xeerarkiinii halkan iska dhiga, ka dib lix qodob oo qolooyinkaa Mahiga ka horeeyay ay inagu kelifeen intaynu shuruucdeenii halkaa iska dhigno, lix qodob oo aynu isku qabsano inay inoo yeedhiyaan, hase yeeshee nasiib wanaag waynu iska garanay, sidii ay doonayeen umay dhicin, waxaanaynu kaga baxnay caqli, masuuyiinta iyo madaxdii markaa talada haysay oo aad u fahamsanayd waxyaabaha beesha caalamku ka dhex wadaan ama ay ku dullaynayaan dalalka soo koraya. xorr iyada aynu haysano ee maanta ugu qiimaha badani waxa weeye inaynu haddii aynu reer Somaliland nahay inay taladeena gacanteena ku haysano.”

 

Dhinaca kale Mr Cali Waran-cade waxa xusay sida uu u arko go’aan dhawaan ay soo saareen guddidii loo saaray kasoo talo-bixinta urrurada siyaasada, waxaanu sheegay in arrintaas loo gudbiyo hay’adaha sharci dejinta oo iyaga loo daayo go’aanka. “Arrinta urruradu waxay ku jirtaa arrimaha aan ka digayo, inaynaan ku qaybsamin, inaynaan ku kala jabin, inaynaan distoorkeena iyo nidaamkeena ka bixin, waxaan qabaa in lagu riixo hay’adaha sharci dejinta ee inoo haya tafsiirta sharcigeena oo wixii uu sharcigu ka qabo la mariyo oo taas lagu wada qanco.” ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

 

Xigasho Ogaal.