Ururka Al-qaacida Oo Hoggaamiye Cusub U Doortay Dr. Ayman Al-Zawahiri Ka Dib Dhimashadii Usama

Berberanews – Dr. Ayman Al-Zawahiri oo ah nin Masri ah ayaa noqonaya hoggaamiyaha cusub ee Shabakadda Al-Qaacida kaddib markii hoggaamiyihii ururkan Sheekh Usaama Bin Laden ay ciidamada Mareykanku ku dileen guri ku yaala duleedka xarunta dalka Bakistaan.
 
Warkan oo lagu daabacay shabakada taageerta Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in Dr. Ayman uu maanta oo Khamiis ah howsha ururka la wareegay, iyadoo dadka u kuurgala siyaasadda ay sheegeen in tani ay ahayd mid la filyay tan iyo markii uu geeriyooday Usaama.
Dr. Ayman oo ah Dhakhtar ayaa lagu sheegaa maskaxdii ka dambeysay ficilladdii ay Al-Qaacida ku dhaqaaqday tan iyo markii uu ku biiray, waxaana dadka yaqaanna ay ku sheegeen inuu yahay hoggaamiye hadal jilicsan balse ku adag go’aannadiisa.
 
“Ma jirto wax iska bedelaya siyaasadda ururka,” ayuu ku sheegay Dr. Ayman hadal uu shabakadda Internet-ka ah soo dhigay toddobaadkii hore,
Hadalka uu Dr. Ayman jeediyay todobaadkii hore ayuu ku sheegay in dagaallada socda ay sidooda u socon doonaan, wuxuuna xusay inay intooda badan ku wajahnaan doonaan dalka Mareykanka.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com