Hargeysa: Guri ku yaalla Xaafadda Axmed-guray oo Dab la garan waayey waxa dhaliyey ku Shuf-beelay

Hargeysa(Berberanews)- 18 June, 2011 (Ogaal)- Guri ku yaalla Xaafadda Axmed-Guray degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa hurushoobay, ka dib markii uu dab qabsaday Caawa Caweyskii.

 

Weriye ka tirsan Shabakadda Berberanews oo tagay Guriga gubtay, ayaa ku warramay in guud ahaan gurigaas wixii hoos yaalay ay badi gudbteen,isla markaana dhismaha Guriga laftiisa khasaare badani soo gaadhay oo uu shuf-beelay. Hase ahaatee, aanu khasaare nafeed jirin.

 

 

Dab-damiska dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa iyo dadka jaarka la ah Gurgiaas ayaa ku guulaystay inay bakhtiiyaan ama damiyaan Dabka Gurigaas qabsaday  iyo Aqal kale oo uu u tallaabay Dabku. Hase-yeeshee, lama sheegin waxa Dabka Gurigaasi qabsaday.

 

Muddo bilo laga joogo ka hor, ayaa Xaafadda New Hargeysa ee magaalada Hargeysa iyo Xaafado kale oo isla magaalada ah waxa hala-keeyey Dab la garan waayey waxa uu ka dhashay, kuwaasoo khasaare Mood oo fara badan dhaliyey. Maaha xaaladda Dabku mid ku cusub Caasimadda Hargeysa, hase-yeeshee, waa wax si caadiya loo arkay, isla markaana hore khasaare ballaadhan oo naf iyo maalba leh u sababay.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.