Madaxwayne Siilaanyo oo Markii U Horraysay Ku Dhawaaqay Furashada Ururada Siyaasadda

Hargeysa- (Berberanews)- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Silanyo), ayaamarkii u horaysay ku dhawaaqay furashada ururada siyaasadda ee ka dhashay go’aankii guddigii talo-bixinta ururrada siyaasadda.
Madaxweyne Siilaanyo oo saaka khudbad ka jeediyey Golaha Baarlamanka, kadib markii uu si rasmi ah u furay, dhisme casri ah oo Golaha Wakiillada loo dhisay, waxay uu ku dhawaaqay in furitaanka ururrada siyaasaddu noqotay rabitaanka shacabka, sidaa daraadeedna uu golaha u soo gudbinayo go’aankaas iyo xeerarka iyo sharciga axsaabtaba, si la isku waafajiyo.
Munaasibadda lagu furayey xarunta Baarlamanka waxa ka qaybgalay wasiiro, guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran, masuuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan, madaxda hay’adda AWEPA oo iyadu dhistay aqalka iyo mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada.
Ka hor Madaxweynaha waxa halkaasi hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro), waxaannu ka waramay dhismahan oo uu sheegay in dhismahan ay ku baxday 310 kun oo Dollar, lacagtaas oo 10% ay bixisay xukuumada cusub ee Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaa kadib hadal la wareegay, ayaa u mahadceliyey Shirgudoonka iyo xildhibaannada Golaha wakiilada iyo weliba hay’adda AWEPA oo uu sheegay inay hirgeliyeen xarun la mid ah Baarlamanada adduunka.
 
Madaxweynaha oo ka hadlayey go’aanka ururrada siyaasada, waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in Go’aankii Ururada wax ka bedalkiisa iyo in kaabis lagu sameeyo waan idiin soo gudbiyey waanad ogaydeen in muddo ah inaan guddi u saaray oo ay dood badani ka taagnayd, gudidii waxay soo waraysatay Shacbiga oo dhan igyaga oo soo samaayey qiimayn fara badan, waxaanay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furro sidii dhaqanka ahayd go’aankaas axsaabta waa in wax ka bedal lagu samaynayo xeerarka nidaanka Asxaabta waanan idiin soo gudbiyey Inshaalaah waxaan rajaynaa inaydun (Wakiilada) waajibkiina ka gudan doontaan.”
 
Madaxweynuhu waxa uu golaha ku wargeliyey inuu kala diray garsoorayaashii Maxkamadda sare iyo Guddoomiyahoodiiba, sidaa daraadeedna waxa uu ugu baaqay inay waajibkooda ka gutaan garsoorayaal cusub oo uu magacaabay.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com