Sheekh Aadan-Siiro Oo Ku Baaqay In La Kala Diro Golaha Deegaanka Hargaysa

Hargeysa(Berberanews)- Sh Aadan Xaaji Maxamud Aadan Siiro ayaa Qudabadiisii Maanta ee  Jimcaha si kulul ugu canbaareeyey Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargaysa kuna baaqay in la kala diro.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu sheegay inay Golaha Deegaanku dadka maatida ah ku hayaan dhibaatooyin isla markaana ay  lunsadeen hantidii guud ee ummadda, isagoo ka hadlaya arintaasna wuxuu yidhi;

“Waar kuwan Dawladda Hoose is hortaaga oo markay maatida burburinayaan is hortaaga oo marka ay dhulka cunayaan is hortaaga, maxay qabteen sow kuwan dhulkii cunay ee wadooyinkii xidhay mid waliba $ 2000 oo doolar ayuu qaataa oo marfashwayn iyo gaadhi cad ayuu leeyahay, kuwii shanta boqol ee shilin laga qaadayeyna way jiidhayaan, hadii dulmiga bato dalkani wuu dumayaa.”

“Walaahi baan ku dhaartee inaan gaadhi cad iyo guri wayn aanad ku jirayn, masaajidkana aan lays kugu imanayn waar maatida dulmiga halaga daayo waar halays hortaago Dawlada Hoose dhulkii dadka la dejin lahaa iyagaa cunay nin waliba 4 baloodh ayuu maalintii cunaa waar waxaanu leenahay Dawladda Hoose ha la kala diro oo sharci ma haystaan 8 sano ayey dadka haystaane hala kala diro, hadii la kala diri waayana dhibaatadu way sii badanaysaa.” ayuu yidhi Sh. Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan siiro waxa kale oo uu maanta khudbadiisaasi kaga hadlay arrinmo la xidhiidha Cadaaladda iyo in talada ummadda aan cid gaara lagu koobin isagoo carabka ku adkeeyay  inay xukuumaddu fuliso balanqaadyadii ay shacab ku doorteen.

Xigasho: Waaheen.