“Dalkeenna hubka Dhigis iyo waxaad aragteen sameeyey maynaan awoodi waayin inaynu sifayno xumaantaas…” Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal.
“Markaan Xafiiska imi waxaan wax ka qabtay Maxkamadaha…Shicibku haddaanu ogaan in isagu yahay gacanta, musuqmaasuqa iyo caddaalad-darrada qabanaysa, dawlad iyo cid wax ka qaban kartaa ma jirto…” Md. Daahir Rayaale Kaahin.
“Warbixintaas waxa ka soo baxday xog la yaableh, oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland gudaheeda..” Md. Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo).
“Mannaan awoodi waayin innaan wax ka qabanno Caddaalad-darrada inna hagaasisay iyo musuq maasuqa. Laakiin, markaannu kii Tuugga ahaa ee laga wada qayliyey qabanno ama beddallo, ayay 10- Oday oo hal-doorkii ummadda ahi, oo waliba ixtiraamka aan u hayo, ka igu yidhaa dhiiggaaga maanta ii dawo ah, immisaa kugu filan aannan ku odhan karin, intay ii yimaaddaan odhanayaan, ma maantaad kii kaliya ee Fariidka, Xiniinyo-caddaha ahaa ee reerka ku jiray beddashay. Dalkeenna hubka Dhigis iyo waxaad aragteen sameeyey maynaan awoodi waayin inaynu sifayno xumaantaas. Laakiin, idinkaa gacmaha na qabanaya.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyo’e mar uu meel fagaare ah ka hadlayey sannadkii 1999-kii.
“Markaan Xafiiska imid wixii ugu horreeyay ee aan bilaabay inaan wax ka qabtaa waxay ahayd, Maxkamadaha, waad ogaydeen waxaannu mar wada beddalnay, Garsoorayaashii iyo kuwii laga qaylinayey, kuwii cusbaa waxaan u kordhinnay Lacagtii, waxaannu Maxkamadaha dhignay Ciidan dusha ka ilaaliya, laakiin ma lacag iyo laaluush meel madow aad ku siinaysaan oo telefoon ugu sheegaysaan baannu ilaalin karnaa? Shicibku haddaanu ogaan in isagu yahay gacanta, musuqmaasuqa iyo caddaalad-darrada qabanaysa, dawlad iyo cid wax ka qaban kartaa ma jirto.” Sidaana waxa yidhi Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo meel fagaare ah ka hadlayey sannadkii 2005-tii.
“Waxaa baadhitaan iyo deraasad uu sameeyey xafiiskaygu taasoo ay ku soo diyaariyeencaqabadaha Garsoorka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan caddaaladd. Warbixintaas waxa ka soo baxday xog la yaableh, oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland gudaheeda..” sidaana waxa Arbacadii Toddobaadkii inna dhaafay oo ku beegnaa 15-kii bishan ku khudbadeeyey Madaxweynaha Somaliland ee hadda talada haya Md.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Maxaa qoraxda uga eg tii shalay, ayaa nin laga hayey! Maxaa erayo iyo xaalado siman ay Weedhahani isku macnaha ah, iskuna ujeeddada ahi innoo muujinayaan? Maxay shacbigu maqleen, arkeen oo ka markhaati furayaan heerka iyo dhibaatada barriinsatay laamihii caddaaladda ee dalka? Maxaan-se wali xal loo hayn oo sida boogta ay Somaliland ugu taallaa.?
Inkastoo Duruufaha nolosha ku gadaaman iyo dhibaatooyinka Aadamiga soo maraa ay ka mid yihiin Sunnaha nolosha, balse waxay Aadamiga u noqdaan kuwo uu ka barto cashar iyo waayo-aragnimo u suura-galisa inuu helo xalkooda kana samaysto wixii lagaga gaashaaman lahaa Berri si aanu mar kale ugu noqon dhibbane. Caddaaladdu waa shayga shuruudaha aasaasiga u ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ee suuragal ka dhigta nolol iyo hurumar in bulshadu gaadho. Haddii la waayana waxa dhab ah in wax walba la waayo. Waa shay Illaahay Qur’aankiisa ku sheegay inaan Aadamuhu si dhammaystiran u fulin karin, haddana waxa lagu waajibiiyey inay ku dhaqmaan. Waa imtixaan dadka ka gudbaa aad u yar yihiin, balse haddii loo tafo-xayto oo lagaga dhabeeyo waa shayga kaliya ee nolosha macaaneeeya.
In qofku caddaaladda u hoggaansamo oo ku qancaa waa xalka dhabta ah. Caddaaladda dhaqan iyo Diin ahaanba haddaynu reer Somaliland ama dadka afka Soomaaliga ku hadla dib u eegno waxaynu ka leenahay waxyaabo aynu raad-raac u haysanno, tusaale ahaan waxa Maahmaahyada Soomaaliga ku jira tobannaan maahmaahood iyo halku-dhegyo laga yidhi oo ay ka mid yihiin; ‘Gari Alley taqaanna, Gari laba nin kama wada qosliso, Gar Waa Loo Islaam’. “Rag Caddaalad waayaa sidii Cawsha kala yaac.” Dhammaantoodna waxay ku tusayaan sida aynu u ahayn ummad ku kalsoon Garta iyo Geedkaba iyo inay isu caddaalad-falaan. Markii nolosheennii Miyiga laga soo guuray ee dadku reer Magaalka noqday waxa Geedkii beddalay Maxkamado, Gartiina waxay isku beddashay Garsoor. Haddaba, waxa is weydiin mudan hadduu dadkeennu ahaa mid ku qanca Garta, Xeer-beegtida iyo Gudidii loo saaro inay arrin ka Gar-naqaan, maxaa iska beddalay? Waxay dadkeennii Miyigu odhan jireen, Gar Eexo iyo Guddoon jilicsan midna laguma liibaano, waxa kale oo jiray in Guurti raagtay la odhan jiray ama hal meesha ku jiray ayay ka saarayaan ama hal aan ku jirin bay ku soo darayaan. Sidaa daraadeed, waxa innoo cad in ummaddeennu tahay mid jecel in deg-deg loo dhammeeyo wixii dacwad ah, isla markaana jecel guddoon adag iyo Gar aan eexo ku jirin. Waxa kale oo jirta in Qofka dacwad ka Garnaqayaa uu yahay mid aqoon u leh, kalsooni u haysta, guddoona ku ridi kara. Dhammaan arrimahaasi waxay shardi u yihiin in caddaaladi dhacdo, waxaanay ku dhammaataa in lagu qanco, waayo? Haddaan lagu qancin may fulin, waxaanay Soomaalidu tidhaahdaa, Hebel waa laga Gar helay ee ma ku qancay. Haddaba ma dadkaan ku qancin, ma Garsoorkaa eexday, mise guddoonkaa jilicsan? Haddaan isku dayo inaan weydiimahan uga jawaabo si dhab ah, kuna saleeyo inta aynu ka aragnay, ka maqalay iyo intaan ka ognahay Garsoorka Somaliland intuba way jiraan. Waxaanan caddeyn ama tusaale u soo qaadan karnaa arrimo si dhab u dhacay iyo su’aalo dadka ku shaqada leh aan ka weydiiyay, ugu horreyn aan soo qaato, su’aal aan weydiiyay laba sannadood ka hor Nin Garsoore ka ah Maxkamadda Hargeysa, oo ahayd labada qof ee dacwadi u dhaxayso suura gal miyay tahay in Garsooruhu deg-deg u ogaan karo, ka Garta leh iyo ka laga Gar-daran yahay, oo ma jiraan wax astaamo ah oo lagu kala garan karo? Wuxuu Garsoorahaasi iigu jawaabay; “Haa. Way jirtaa oo waa mid fudud, ninka Garta leh ee dacwad loogu daray waa qof aad dareemayso culayska iyo filan waaga ay ku tahay, halka ka Gar-darrada wadaana aad arkayso inuu yahay nin wajiyo kale iyo nidaamyo markaa la fahmi karo wax ku doonaya, wuxuu dibadda maxkamadda ku soo bartaa magaca Garsooraha, wuxuu markaaba hawl galiyaa kaaliyaha iyo cid kasta oo arrintaa dhaq-dhaqaajin karta, waxaanu ku bixinayaa wax kasta oo suura-gal ka dhigaya in isaga loo xukumo. Laakiin, ka laga Gar-daran yahay wuxuu ku jiraa Allaahu maa-la beeg.” Tani waa tusaale buuxa oo aan ku ogaan karno in xaaladdu tahay mid la is wada far garanayo.
Waxa kale oo jirta, in masuuliyiin badan oo talada daabkeeda hayaa sheegaan in caddaaladdu ka qalloocatay halkaa iyo halkaa, balse aanay jirin cid hadal haysa in wax walba halkeeda lagu dhammeeyo. Sidoo kale, Dacwad marka loo eego heer Qaran aad u kooban ayaa laga soo saaraa go’aan ka dibna waxay gaadhaa in fulinteeda ay ka cudur-daartaan ciddii awoodda u lahayd. Marka la soo ururiyo waxay arrimahani tilmaamayaan in Gartii eex gashay, guddoonkiina jilicsanaaday, kii laga Gar helayna aanu ku qancin. Inkastoo wakhtigu kala duwan yahay oo dalka laftiisu soo maray xilliyo qori caaradii wax lagu kala fushado oo aan dadku caddaaladda-ba ku qanacsanayn, wakhti Maxkamadaha iyo Boolisku-ba ahaayeen yagleel. Sidaa darted, waxaynu odhan karnaa maanta ayaa la joogaa wakhtigii si dhab ah wax looga qaban lahaa arrintan ee odhaahda ficil loo beddali lahaa. Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa looga baahan yahay inuu qaado tallaabadii Caddaalad iyo Garsoor dhammaystiran dalka lagaga hirgalin lahaa, walibana waa inuu Madaxweynuhu iska ilaaliyaa, in si laab-la-kac ah oo aan xog ururin badan iyo ku dhaqan joogto ah lahayn uu ugu dhaqaaqo si loo il iyo laf-ba Tirana waa in awood badan la isugu geeyo, si taasi u kaabto khudbaddii ruxday intii maqlaysay ama qaybaha Warbaahinta kala socday furitaanka Shirwaynihii Caddaaladda Somaliland ee Madaxweynuhu jeediyay.
Qalinkii Faysal Maxamed Xasan
E-mail.daralla066@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.