Toddobaadka Qur’aanka oo lagu soo geba-gabeeyey Hargeysa iyo talooyin waxtar leh oo ka soo baxay

Hargeysa(Berberanews)- Todobaadka Qur’aanka Kariimka ah oo ka socday magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu soo gegabeeyay Masjidka Cali Mataan.

Todobaadkan Qur’aanka Kariimka oo ay ka qaybqaateen culimada waawayn ee Somaliland iyo ardayda xaafidul Qur’aanka ah, waxa ka soo baxay dardaarano, talooyin iyo baaqyo waxtar leh oo ku wajahan bulshada Somaliland.

Qoraal ay soo saareen culimada Somaliland ee ka qaybgashay kulankaas lagu waynaynayay Qur’aanka Kariimka ayaa lagu faahfaahiyay qiimaha uu todobaadkan Qur’aanku uu u leeyahay bulshada, waxaana laga soo saaray dardaarano, talooyin iyo baaqyo wax-ka-ool ah oo ku wajahan bulshada muslimka ah.

Qoraalkaas oo dhamaystirana  waxa uu u dhignaa sidan:

1-         Waa todobaad si gaar ah loo waynaynayo Kitaabka Illaahay

2-         Waa todobaad la dhiirigelinayo dhalinyartii Qur’aanka Kariimka xifdiyay

3-         Waa todobaad culimadii dalka in badan oo ka mid ah meelo iyo goobo kala duwan Kitaabka Illaahay ka fidinaysay la isugu keenay meel qudha, si ay weedhooda xaqa ah ee Qur’aanka ku saabsan ay u soo jeediyaan

4-         Waa todobaad la doonayo in Qur’aanka Illaahay dadweynaha in badan oo ka mid ah inuu gaadho, iyaguna ay u noqdaan gudbiyeyaal

5-         Waa todobaad xisaabta lagu darsanayo waqtigeenii qayb ka mid ah in Diinta Illaahay la galiyay si uu waqtigaasi inoogu markhaati kaco maalinta culus ee dambaysa.

Haddaba ka dib markii uu dhamaaday Tafsiirka Qur’aanka ee ka socday Masjidka Cali Mataan markii siddeedaad ee waliba Sheekh Cabdiraxmaan Axmed uu soo akhriyay Alle haka abaal mariyee, culimadu waxay go’aamiyeen barnaamijkan aynu caawa (xalay) gebagabaynayno.

Dardaarano, talooyin iyo baaq ka soo baxay todobaadkii Qur’aanka

1-         in Kitaabka kor loo qaado sharaftiisao, xurmayntiisa, nadaafadiisa, barashadiisa, baristiisa, ku dhaqankiisa iyo waynayntiisa, sanadkanina noqdo sanadkii ilaalinta Kitaabka Qur’aanka.

2-         Inuu ka muuqdo shaqsigeena, reerkeena, xaafadeena, magaaladeena iyo dalkeenaba.

3-         Inuu ka muuqdo ganacsigeena, dhaqaalaheena, shirkadaheena, garsoorkeena, goleyaasheena iyo maamulkeena oo dhan.

4-         In ummadeenu ka dheeraato wax ala wixii dhaqan xumo iyo ceeb ah ee ay Diintu inaga reebtay sida Illaahay cayga, Nabi cayga, Aabbo cayga, Hooyo cayga, Qaadka, Sigaarka, Tuugada, Boobka, Xijaab la’aanta, Isu naxariis la’aanta, Qabyaalada, dulmiga I.W.M

5-         In garsoorka iyo Caddaalada la sugo oo maraya meel aad u liidata sidii Madaxweynuhu xusay.

6-         In la isu kaashado wixii wanaag iyo Alle ka cabsi ah sidii uu Qur’aanku ina faray, taasoo ay maanta ay waajib tahay in la iska kaashado sidii loo samayn lahaa dhaamam iyo biyo-xidheeno.

7-         In dawladu si gaar ah u ogaato inay tahay masuulka koowaad ee Illaahay kala xisaabtamayo arrimaha Diinta ku dhaqankeeda iyo hirgelinteeda sidaas darteedna ay waajib tahay inay dedaalkeeda ugu badan geliso Diinta.

8-         Waxaanu si gaar ah ugu mahad-naqaynaa Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta oo si laxaad leh uga qayb-qaadatay hirgelinta barnaamijkan khayrka leh.

9-         Waxa aanu sidoo kale u mahad-naqaynaa una ducaynaynaa shirkada Dahabshiil oo barnaamijkan maalgelisay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.