Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Oo Shiidaal ay ka baayac-mushtaraynayso U Diratay Dalka Jabuuti



Berbera-(Berberanews)- Wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, ayaa la sheegay inay saddex booyadood oo shiidaal ay ka baayac-mushtaraynayso u diratay dalka Jabuuti.
 
 
Wasaaradda Ganacsiga, ayaa la sheegay inay kharashka shiidaalkan ku baxayo kala baxday akownka Dahabshiil ee lagala wareegay shirkadda Total ee heshiiskii lagula jiray xukuummaddu laashay.
 
 
WasaaraddaGanacsigu waxay shalay u diratay dalka Djibouti saddex booyadood oo ah kuwa waaweyn ee shiidaalka qaada, waxaannay Berberanews heshay taarikooyinka saddexdan baabuur oo kala ah Naytiin, Taariikadiisu tahay Somaliland 33423 oo qaada 19 kun oo litir, Naytiin Somaliland 3703 oo qaada 37000 oo litir iyo gaadhi ZY ah oo sita taarikada dalka Djibouti labmarkiisuna yahay 935 D 37.
 
 
Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidnay si aanu wax uga weydiino arrintan, isagoo noo sheegay inuu ku suganyahay magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay inaanu waxba kala socon arrintaas, isagoo ku gaabsaday inaanu wax ka weydiinno agaasimihiisa guud Cabdllaahi Kubado, haseyeeshee agaasimaha ayaanay noo suurtagelin inaanu helo telefoonkiisa gacanta oo xidhan awgeed.
 
 
Wararka ka imanaya magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay haamaha shiidaalka Berbera ay ku jiraan shiidaalka Jet-ka ee diyaaraduhu isticmaalaan oo uu hore u keeneen ganacsato si ku meel gaadh ah loogu fasaxay keenistista shiidaalkaas, balse dib looga xannibay.
 
 
Berberanews.com
Berbera, Somaliland