Xisbiga UDUB oo Sheegay in Aannu Madaxweynuhu Kelidii Awood Buuxda u Lahayn Xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa sheegay in aannu Madaxweynaha Somaliland kelidii awood buuxda u lahayn xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, balse awooddiisa arrintaas la xidhiidhaa tahay talo soo jeedin ku waajahan xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana uu talo soo jeedintiisa u gudbinayo labada gole ee guurtida iyo wakiillada oo fadhi wadajir ah ku oggolaanaya ama ku diidaya xilka-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay galinkii dambe ee shalay si wax looga weydiiyo aragtidooda la xidhiidha xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo kala dirirada garsoorayaasha Maxkamadda Sare ka hawlgala, waxa uu sheegay in awoodda kama dambaysta ah ee shaqo ka fadhiisinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu iska leeyahay baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada) oo marka madaxweynuhu u gudbiyo fadhi wadajir ah ka yeelanaya go’aan-ka-gaadhista eryidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
“Madaxweynuhu kelidii awood buuxda uma laha inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, laakiin waxa uu xaq u leeyahay inuu sameeyo soo jeedin la xidhiidha xil-ka-qaadistiisa, dabeedna u gudbiyo labada gole ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), markaa haddii labada gole oo fadhi wadajir ah yeelanayaa oggolaadaan soo jeedinta madaxweynaha, waxa guddoomiyuhu waayi karaa xilkiisa, laakiin haddii ay soo jeedinta madaxweynaha diidaan xilka isaga ayaa haynaya,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB oo la weydiiyey sida ay u arkaan kala dirista iyo shaqo ka fadhiisiinta garsoorayaasha ka hawlgala Maxkamadda Sare, waxa uu sheegay in shaqo ka fadhiisiinta garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay soo jeedinayaan guddida caddaaladda, kadibna madaxweynuhu xilka ka qaadi karo haddii uu ku qanco soo jeedinta guddida caddaaladda.
“Marka laga hadlayo xil-ka-qaadista garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxa soo jeedinta yeelanaya guddida caddaaladda, kadibna haddii madaxweynuhu ku qanco soo jeedintooda shaqada wuu ka fadhiisin karaa, balse hadduu ku qanci waayo shaqada kama qaadayo garsoorayaasha, laakiin anigu hadda ma ogi jaranjarada madaxweynuhu u maray kala-diradda garsoorayaasha Maxkamadda Sare ka hawlgala,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland.
Qodobka 105aad ee Dastuurka Somaliland, ayaa isaguna ka hadlaya xil-ka-qaadista iyo magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo garsoorayaasha ka hawlgala, qodobkaasi oo faahfaahsanna waxa uu u qoran yahay sidan:
“1. Madaxweynuhu isagoo la tashanaya Guddida Caddaaladda, waxa uu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare, iyadoo Ia tixgelinayo: heerka waxbarasho, waayo­-aragnimo xirfadeed iyo suubbanaan akhlaaqdeed. Magacaabidda Guddoomiyaha Maxamadda Sare waxa ansixinaya golayaasha (Wakiillada iyo Guurtida) oo fadhi wadajir ah yeesha muddo aan ka badnayn saddex (3) bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga.
Waxa Ku-xigeenka guddoomiyaha noqon doonaa garsooraha dhinaca darajada ugu sarreeya garsoorayaasha ka tirsan Maxamadda Sare (Seniority).
2. Ma bannaana in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxamadda Sare qof aan buuxin shuruudaha hoos ku sheegan:
b. Waa inuu yahay muwaaddin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
t. Waa inuu haystaa shahaado jaamacadeed oo barasho sharciga ah oo la aqoonsan yahay.
j. Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban sanno; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo macallin jaamacad ka bara sharciga.
x. Waa inuu siyaasadda ka madaxbannaan yahay.
3. Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiillada & Golaha Guurtida.”
Dhinaca kale, sida ku qeexan qodobka 10aad, farqaddiisa 2aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/20032, waxa garsoorayaasha Maxkamadda Sare magacaabaya Madaxweynaha JSL, marka uu la tashado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana xilka iyo maamuuskaba waxa ka qaadaya Madaxweynaha JSL, iyagoo la wadaaga garsoorayaasha kale qodobka dhawrsanaanta garsoorayaasha.