Masuul kasta oo Xil qaadaa Sidii Sharafta Lahayd ee aan u Wareejiyay Ha u Wareejiyo.” Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa (Berberanews)- Weedha dardaaranka leh waxay afkiisa ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ahna Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo saaka ka soo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal, ka dib markii uu soo dhammaystay safar dheer oo uu debeda ugu baxay markii uu ka awood roonaaday Madaxweynaha haatan tallada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).
Md. Daahir Rayaale oo uu  ay soo dhawayntiisa ka qaybgaleen masuulliyiinta saddexda xisbi qaran, wasiiraddii xukuummaddii hore iyo boqollaal dadweynaha caasimmada ku dhaqan ah, waxa uu mahadnqa ballaadhan u jeediyay cidkasta oo ka qaybgashay soo dhawayntiisa, inkasta oo uu Rayaale ka gaabsaday inuu wax siyaasad ah ka hadlo, hadana waxa uu masuulliyiinta xilka haysa ugu baaqay inay ku daydaan sidii uu xilka u wareejiyay.

“Waxaan u hambalyaynayaa shacbiga Somaliland ee I soo dhaweeyay, waxaan u mahad naqayaa qof kasta oo ka qeyb qaatay aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan dalkaygii ku soo noqdo. Waxaan leeyahay masuul kasta oo xil qaadaa sidii sharafta lahayd ee aan u wareejiyay ha u wareejiyo,”ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Gudoomiyaha UDUB oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan waraysanayaa ragaygii (Xisbigaygii) markaan waraysto, mana doonayo inaan wax ku dhex dhaco oo aan si khaldan uga hadlo sadex illaa afar cisho ka dib ayaan shir jaraa’id qabanayaa Saxaafaddu ha ii kaadiso. Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay wadajirka iyo midnimadooda ilaashadaan.”
Guddoomiyaha UDUB oo ay safarkiisa ku weheliso marwadiisa Hudda Barkhad Aadan waxa gurigiisa u soo gelbiyay boqolaal gaadiid iyo dadweyne tiro badan oo badankoodu tubnaa hareeraha jidadka caasimadda, isagoo intii aanu gurigiisa gaadhin booqday xarunta dhexe ee xisbiga UDUB..
GuddoomIye Daahir waxa hor yaala duruufo badan oo ay ka mid tahay qabashada shirweynihii xisbiga UDUB oo mudo dhaafay, dhismaha golihii dhexe iyo loolanka wasiirro ka tirsan xukuummadiisii ugu xaam-xaamanayaan inuu xilka ku wareejiyo. haseyeeshee Madaxweynaha laftiisa ayaa la sheegay inaanu ku qanacsan wasiirradii xukuummadiisa, balse ay jiraan xubno qurbojooga oo uu u soo jeediyay inay dalka yimaadaan si uu talada xisbiga ugu waeejiyo.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com