Guurtida oo dood adag ka yeeshay Siyaasada Arrimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa(Berberanews):- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay siyaasada arrimaha gudaha Somaliland. Isla markaana, waxay Xukuumadda si kulul ugu dhalliileen wax ka qabasho la’aanta dadka Qaxoontiga ah ee dalka buux-dhaafiyey.

Fadhigii maanta ee golaha oo uu guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, isla markaana ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaaradda arrimaha gudaha, waxay mudanayaashu dood ka yeeshay siyaasada arrimaha gudaha, iyagoo afkaar isku dhaw ka bixiyay arrimaha ay ka hadleen.

Mudanayaasha golaha ayaa si kulul xukuumadda ugu dhaliilay wax-ka -qabasho la’aanta dadka qaxoontiga ah ee sida isdaba jooga ah ugu soo qulqulaya Somaliland, waxaanay baaqyo kala duwan ujeediyeen wasaarada arrimaha gudaha Somalailand. “Qaxoontiga kusoo qulqulaya waan in la celiyaa, dhul dhan oo la leeyahay cidna laga celin maayo waa dhibaato” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Farxaan oo ka mid ahaa mudanayaashii doodda ka dhiibtay, waxaanu intaa ku daray. “Itoobiya waxa ka yimaada qaar indho la’, qaar luga la’, kuwa xanuuno sida.”

Xildhibaan Dheeg oo isna ka mid ahaa mudanayaashii dooddaas ka hadlay ayaa sheegay in dadka qaxoontiga ah ee Itoobiya ka yimi ay la wareegeen shaqooyin  badan oo ay qaban lahaayeen dad muwaadiniin ahi. “Wax walba waxa ka shaqeeya imika mid ku shaqaynaya intii muwaadinku qaadan lahaa kala badhkeed, taasina waxay keenaysaa in dadkeenu ay camal la’aadaan.” ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Waxa kale oo ay mudanayaasha Golaha Guurtidu kusoo qaateen dooddoodan ku wajahan siyaasada arrimaha gudaha Somaliland, kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka iyo oodashada sharci darrada ah ee la iska ooto deegaanada daaqsimeedka ah, kuwaasoo ay dhamaantood ugu baaqeen wasaaradaha ay khusayso inay wax-ka-qabtaan dhibaatooyinka ay keeni karaan arrimahaasi.

 

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.